Xiisadda US-Iran: Maxay Iran dagaal uga dooraneysaa in ay 'isdhiibto'?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Iiraaniyaan ag maraya boodh muujinaya ka soo horjeedka Iran ee Us
    • Author, Amir Azimi
    • Role, BBC News Persian
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Sii socoshada iyo sii kordhinta joogitaankiisa millatari ee Maraykanku ka wado gobolka ayaa hadda u muuqataa mid ka baxsan fariin diris (signalling), isla markaana u janjeedha diyaargarow dhab ah.

Imaanshaha markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln meel ku dhow biyaha Iiraan waa tallaabo muhiim ah oo la dareemi karo.

Markab kale oo isna kuwa diyaaradaha dagaalka qaada ah, USS Gerald R. Ford, ayaa markii ugu dambeysay isna lagu arkay meel u dhow Marinka Gibraltar, wuxuuna u jihaystay bariga si uu u taageero hawlgallo suurtagal ah. Qalab iyo cutubyo kale oo milatari ayaa sidoo kale loo wareejiyay gobolka, taasoo sii xoojinaysa aragtida ah in Washington ay diyaarinayso ikhtiyaarro milatari oo isdaba joog ah.

.

Xigashada Sawirka, US Navy / Reuters

Qoraalka sawirka, Waa markabka dagaalka ee ugu Maraykanka ee USS Gerald R Ford oo jasiirad Maraykanka ah taagan December 2025

Howlgelinnada noocan oo kale ah waxay noqon karaan cadaadis diblomaasiyadeed. Hase yeeshee marka la isu geeyo, waxay sidoo kale muujin karaan in wadahadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington ay gaadheen xaalad ismari waa ah, taas oo keeni karta tallaabo milatari haddii midkoodna uusan mowqifkiisa beddelin.

Tani waxay dhalinaysaa su'aal aasaasi ah: maxay hoggaamiyeyaasha Iiraan, ugu yaraan si fagaare ah, weli u muujiyaan adkaysi iyagoo wajahaya dalka milatari ahaan ugu awoodda badan dunida iyo xulafadiisa ugu xooggan ee Bariga Dhexe?

Jawaabtu waxay ku jirtaa shuruudaha ay Washington si cad ugu xidhay wadahadallada.

The USS Abraham Lincoln sails at the bottom of the image on 6 February 2026. It is a large aircraft carrier with a flat runway. A number of military aircraft are stationary at the far side of the ship. The much smaller USS Frank E Petersen Jr is sailing at the top of the image. Source: US Navy / Mass Communication Specialist 1st Class Jesse Monford / Handout via Reuters

Xigashada Sawirka, US Navy / Reuters

Qoraalka sawirka, The USS Abraham Lincoln

Shuruurdaha Maraykanka oo 'cidhibtir' u muuqda

Marka laga eego dhinaca Tehran, shuruudahan ma aha kuwo wadahadal laga geli karo, balse waxay u egyihiin isdhiibid.

Waxay ka mid ah joojinta kobcinta yuraaniyamka, dhimista masaafada gantaallada ballistic-ga si aanay u gaadhin Israa'iil, joojinta taageerada kooxaha hubaysan ee gobolka, iyo sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio in wax laga beddelo sida Jamhuuriyaddan Islaamiga ahi ula dhaqanto muwaadiniinteeda.

Hoggaanka Iiraan, arrimahani ma aha siyaasado is dhinac yaal; waa laf-dhabarta waxa ay u arkaan qaab-dhismeedka amnigooda.

Maaddaama aysan haysan xulafo caalami ah oo awood leh, Tehran waxay tobannaan sano ku bixisay dhisidda waxa ay ugu yeedhaan 'Xarriiqda isdifaacadda' "Axis of Resistance" — shabakad ka kooban kooxo hubaysan oo xulafo la ah, looguna talagalay in iska-horimaadku ka fogaado xuduudaha Iiraan, cadaadiskana lagu wareejiyo meel u dhow Israa'iil.

Newspapers in a pile in Tehran on 19 February 2026, with headlines and text written in Farsi. The top newspaper shows a close-up image of a missile launched in the middle of the sea with the headline "Sea surprises". Source: Abedin Taherkenareh / EPA

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Iranian daily newspaper Vatan-e Emrooz's 19 February edition, with the headline "Sea surprises"

Barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Tehran wuxuu u noqday beddel ciidan cirka ah oo duugoobay iyo helitaan xaddidan oo tiknoolojiyad milatari oo horumarsan.

Barnaamijka nukliyeerka, inkastoo si rasmi ah loogu tilmaamo mid nabadeed, haddana si weyn ayaa loogu arkaa inuu leeyahay qiime ka hortag. Xitaa haddii aan loo beddelin hub, hanashada wareegga kobcinta (enrichment cycle) waxay abuureysaa waxa xeeldheerayaashu ugu yeedhaan "awood qeexan" (threshold capability).

Taas macnaheedu waa in kaabayaal la dhisay ay u baahan yihiin oo keliya go'aan siyaasadeed si loogu jiheeyo isticmaal milatari. Awooddaas qarsoon lafteedu waxay noqon doonta cadaadis iyo kaadh miiska saaran.

Ka qaadista qodobadan, sida ay Tehran u aragto, waxay burburin lahayd saldhigga istiraatiijiyaddeeda ka hortagga.

Two military ships and a small dinghy sailing on the sea

Xigashada Sawirka, Iran Army Office / EPA

Khataraha Hoggaamiyaha Ruuxigaa

Marka la eego aragtida hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ali Khamenei, aqbalidda shuruudaha noocaas ah waxay u muuqan kartaa mid aad u khatar badan.

Isku dhac milatari, inkastoo uu qaali ku noqon karo, waxaa laga yaabaa in loo arko mid la kala badbaadi karo. Laakiin dib-u-gurasho istiraatiiji ah oo dhammaystiran laga yaabee in aan la aqbali karin. Taas oo ka dhigan haddii aan heshiis dha ah la gaadhin, dagaal waa ma huraan.

Si kastaba ha ahaatee, khataraha ku duugan xisaabtan noocaas ahi waa kuwo aad u waaweyn — mana aha oo keliya Iiraan.

.

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Ololaha milatari ee Maraykanku bilaabayo wuxuu bartilmaameed ka dhigi karaa hoggaanka sare marxaladdiisa hore. Haddii la dilo Ali Khamenei, taasi ma soo afjari doonto oo keliya xukun socday in ka badan soddon sano, balse waxay qalqal gelin kartaa geeddi-socodka beddelka hoggaanka xilli kala qaybsanaan baahsan jirto

Duqeymo lagu beegsado Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) iyo hay'adaha kale ee amniga ayaa sidoo kale wiiqi kara qalabkii awoodda ku soo celiyay gacanta dowladda kaddib mid ka mid ah ololeyaashii cabburinta ugu dhimashada badnaa taariikhda Jamhuuriyadda Islaamiga.

Dibadbaxayaashii toddobaadyadii u dambeeyay waddooyinka buuxiyay, ee awoodda lagu kala eryay, weli waxay qabaan cadho iyo niyad-jab qoto dheer. Haddii si lama filaan ah loo wiiqo awoodda qasabka ah ee dowladda, isu-dheellitirka gudaha wuxuu isu beddeli karaa si aan la saadaalin karin.

Protesters gather as vehicles burn, amid evolving anti-government unrest, in Tehran in this screen grab obtained from a social media video released on 9 January 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kooxaha xuquuqal insaanka ayaa sheegay in kumannaan ku dhinteen muddaharaadada Iran

Khatarta Washington

Khataraha Washington laftoodu ma yara

Xaalad ahaan, milatariga Maraykanku wuxuu leeyahay awood uu ku fulin karo himilooyinka taliyaha guud haddii xiisaddu cirka isku shareerto. Laakiin dagaallada laguma dagaallamo waxa warqa ku yaal oo keliya. Waxaa qaabeeya khaladaad xisaabeed, koror lama filaan ah oo xiisaddu gaadho, iyo cawaaqib aan la qorshayn.

Trump speaking during the Board of Peace meeting in Washington DC on 19 February 2026. He is holding his right hand up as he talks into a microphone, with the US flag behind him.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka ayaa bixinaya amarka maraakiibta dagaal ee gaadhaya halkaas

Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Iiraan iyo Israa'iil ayaa muujiyay nuglaansho ka jirta qaab-dhismeedka taliska iyo kaabayaasha milatari ee Tehran. Waxa kale oo uu bixiyay casharro ku saabsan la qabsiga xaaladda, sida loogu adkaysto duqeymaha, dib na loo istiraatiijiyaddooda, loogana jawaabo cadaadiska adag.

Isku dhac ka ballaaran kaas oo kale ah wuxuu dhalin karaa natiijooyin aan labada dhinac midna mahadin. Dawlad dhexe Iran oo la wiiqaa sinaba ugma dhigana xasillooni ama la jaanqaadidda danaha Reer Galbeedka.

Faaruq awoodeed na wuxuu abuuri karaa xarumo saameyn oo cusub, kala qaybsan ama xagjirnimo u janjeedha, taas oo sii murjin karta isu dheelitirka gobolka — arrin aan dan ugu jirin Washington iyo xulafadeeda.

.

Xigashada Sawirka, Iran's Supreme Leader Office via EPA

Ali Khamenei ayaa hadda wajahaya doorashooyin aad u kooban oo u muuqda kuwo u roon. Aqbalidda shuruudaha Washington waxay halis gelinaysaa in la wiiqo istiraatiijiyadda ka hortagga ee nidaamkooda ku dhisna.

Diidistooduna waxay kordhinaysaa suurtagalnimada iska horimaad, xilli ay jirto wiiqsanaan gudaha ah.

Inta u dhaxaysa waa wax uu u arki karo "ikhtiyaarka ugu xun" — isdhiibid istiraatiiji ah — iyo "kan ugu roon kuwa xun" — dagaal xaddidan oo la xakameyn karo — Tehran waxay u muuqataa, ugu yaraan si fagaare ah, inay u janjeerto kan dambe.