Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

Anthony Perriam

Xigashada Sawirka, Anthony Perriam

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

"Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

Dadka badanaa uu haleelo fayraska HPV, jirka ayaa si dabiiici ah isaga saara sida laga soo xigtay NHS Wales.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sababi kartaa burooyinka xubinta taranka ama xitaa waxay horseedi kartaa kansar, badanaa kansarka madaxa iyo qoorta ragga, iyo kansarka ilmo-galeenka dumarka.

Dalal badan, tallaalka HPV waxaa lagula taliyaa carruurta da'doodu u dhaxayso 12 iyo 13 iyo dadka khatarta sare ugu jira inay qaadaan fayraska.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Haddii aad aragto buro, xitaa haddii aysan xanuun lahayn, hubi," ayuu yiri Anthony.

"Noocan kansarka ah si ku filan loogama hadlo, gaar ahaan ragga dhexdooda. Ogaanshaha hore runtii wuxuu badbaadiyaa nolosha."

Inkastoo aysan wax calaamado ah soo bandhigin, haddana baaritaan lagu sameeyay sawir-qaadis kombuyuutar ah, baaritaanno biopsy iyo MRI ayaa xaqiijiyay cudurka bishii Maarso 2023.

"Waqtigaas waxaan lahaa wiil 3 jir ah iyo mid 6 jir ah. Fikirkaygii ugu horreeyay ma ahayn naftayda, laakiin iyaga ayaan ka fikirayay. Aad ayaan uga baqayay iyaga," ayuu yiri ninka 41 jirka

Anthony waxaa laga saaray qoortiisa iyo qaybta hoose ee carabkiisa afartan iyo afar burooyin ah kuwasa oo sal u ahaa qaliin robot ah oo lagu sameeyey.

"Waxay ii sheegeen inay ogaadeen waqtigii loogu talagalay," ayuu yiri.

"Mid ka mid ah burada qanjidhada ayaa ku dhowayd inay dillaacdo. Haddii ay sii socon lahayd, way faafi lahayd."

Daawaynta shucaaca iyo kiimoterabiga ayaa aad u adkaa, Anthony-na wuxuu lumiyay miisaan 22 kg ah.

"Waxan inta ugu baday waayey candhuuftaydii"

"Xitaa cabbidu way adkeyd, maadaama wax walba ay noqdeen boor afkayga ku jira."

"Aad ayaan u daciifsanaa oo ugu dambeyntii waxaan u baahday kursiga curyaamada."

"In gaariga laygu riixo ilaa wadada loo maro qolka daaweynta shucaaca waxay bilowday inay saameyn ku yeelato caafimaadkayga dhimirka."

"Laakiin qoyskaygu waxay i siiyeen dhiirigelin aan kaga gudbo, waxaana rabay inaan noolaado si aan ugu dabaaldego dhalashadayda 40-aad."

Anthony Perriam

Xigashada Sawirka, Anthony Perriam

Waa maxay HPV?

HPV wuxuu saameeyaa maqaarka waxaana jira in ka badan 100 nooc oo kala duwan.

Waxaa lagu kala qaadi karaa taabashada maqaarka ee xubnaha taranka, noocyada kala duwan ee galmada, iyo wadaagista alaabta galmada loo adeegsado.

Tallaalku wuxuu ugu waxtarka badan yahay marka la siiyo carruurta da'doodu u dhaxayso 12 iyo 13

Isbitaalka Jaamacadda Wales ayaa sheegaya in tallaalku uu hoos u dhigay heerarka kansarka ilmo-galeenka ku dhawaad 90% haweenka da'doodu tahay labaatan sano tan iyo ilaa markii la bilaabay 2008.

Sandeep Berry, oo ah khabiir ku takhasusay dhegaha, sanka iyo cunaha iyo qalliinka madaxa iyo qoorta ee Cardiff iyo Vale Health Service, ayaa waalidiinta ku boorriyay inay carruurtooda ku dhiirrigeliyaan inay tallaalaan.

"Tallaalka HPV waxaa laga isticmaalayay adduunka oo dhan sannado badan; waa ammaan waana wax ku ool," ayuu intaas raaciyey.

"Waxay ka caawisaa carruurta inay caafimaad qabaan, waxay ka hortagtaa kansarka la xiriira HPV, waxayna xoojisaa caafimaadka guud ee dadweynaha."

"Tallaalka waxaa la bixiyaa sannadka siddeedaad ee waxbarashada, maadaama taasi ay tahay marka habdhiska difaaca jirka uu si xooggan uga jawaabo, ka hor inta uusan bilaaban dhaqdhaqaaqa galmada."