Sida AI uga caawiyo beeraleyda Soomaaliyeed khataraha isbeddelka cimilada

.
    • Author, Fardowsa Hanshi
    • Role, Weriye BBC
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Guud ahaan Soomaaliya, musiibooyinka uu isbeddelka cimiladu horseeday ayaa noqday kuwo isdaba joog ah oo si xawli ah ku socda. Roobab mahiigaan ah iyo abaaro daba dheeraada ayaa halis geliyay nolosha iyo nolol-maalmeedka kumannaan qoys.

Dhulka miyiga ah, oo beeruhu yihiin halbowlaha nolosha, farqiga u dhexeeya badbaado iyo musiibo ayaa sii kordhaya marba marka ka dambeysa. Beeralay badan ayaa wajahaya xaalad adag oo ku qasbaysa inay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyagoo aan haysan xog ku filan oo ku saabsan waxa cimiladu u siddo.

Waxaan booqday mid ka mid ah deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo bulshada deegaanka ay bilaabeen isticmaalka garaadka macmalka ah si ay isaga difaacaan khataraha cimilada.

"Hore wax aqoon ah uma aanan lahayn; waxaan isu arki jirnay beeraley aan garanayn halka musiibooyinku uga imanayaan ama ay u socdaan. Hadda waxaan fahmay in diyaargarow dhab ah uu suurtagal yahay, isla markaana aan ku beeri karno kalsooni," ayuu yiri Xasan Maxamed Aadan oo ah beeraley ka faa'iidaystay nidaamka cusub.

.

Nidaamkaas oo loo yaqaan SAADAAL, waxaa sameeyay ururka maxalliga ah ee Shaqodoon. Waa barnaamij ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo ka caawinaya beeralayda inay si hore u ogaadaan isbeddellada cimilada, iyaga oo helaya digniino iyo talooyin wax ku ool ah oo toos ugu soo dhacaya taleefannadooda.

Nidaamku wuxuu ururiyaa xogta wakhtiga dhabta ah ee laga helo qalabka dareemayaasha biyaha iyo xarumaha cimilada. Xogtaas ayaa lagu falanqeeyaa moodello garaad macmal ah, waxaana la barbar dhigaa xogihii cimilada ee hore si loo saadaaliyo khataraha iman kara sida fatahaado, abaaro ama ayax.

"Nidaamku wuxuu xog ka soo ururiyaa dareemayaasha biyaha iyo xarumaha cimilada. AI-gu wuxuu falanqeeyaa xogtaas kadibna digniino ayuu u diraa bulshada," ayuu yiri Mustafa Cabdul Xuseen oo ka tirsan Shaqodoon.

Digniinaha waxaa si gaar ah loogu diraa fariimo cod ah, si loo hubiyo in xitaa dadka aan wax qori karin ay si fudud u fahmi karaan. Beeralaydu waxay sheegeen in fariimahaasi ay ka caawiyaan inay go'aan ka gaaraan goorta la beerayo, goorta la goosanayo iyo marka la qaadayo tallaabooyin lagu badbaadinayo dalagyada iyo xoolaha.

Iskoto Mayow Cali, oo ah hooyo leh kow iyo toban carruur ah, ayaa ka mid ah dadka ka faa'iidaystay. Waxay ka barakacday gurigeedii abaar ba'an awgeed, waxayna hadda ku nooshahay xero barakacayaal oo ku taal Baydhabo.

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan ka soo barakacnay xaalado cimilo oo sii xumaanaya iyo abaar daba dheeraatay. Noloshu aad bay noogu adkaatay, sidaas darteed waxaan u soo guurnay Baydhabo halkaas oo ay ku taallo xero barakacayaal ah, aniguna aan kaga biiray iskaashato beeraley," ayay tiri.

Iyadoo loo marayo tababar la xiriira SAADAAL, Iskoto waxay baratay farsamooyin cusub oo beerasho iyo sida loo sii saadaaliyo khataraha cimilada.

"Tababarkani wax walba ayuu noo beddelay. Hore waxaan sugi jirnay roobka, annagoo aaminsan in xilliga qalalan uusan ku filnayn beerasho. Markan, waxaan beernay ka hor roobka, dalag walbana wuu baxay, faa'iido dhab ah ayaana ka helnay" ayay raacisay.

Mas'uuliyiinta maxalliga ah ayaa sidoo kale taageeraya adeegsiga tignoolajiyadan cusub. Wasiirka Maareynta Musiibooyinka, Naasir Cabdi Caruush, ayaa sheegay in nidaamku u sahlo inay bulshada si degdeg ah ugu gudbiyaan xog muhiim ah xilli musiibooyinku soo noqnoqdeen.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamku wuxuu leeyahay xaddidaadyo. Saxnaantiisu waxay ku tiirsan tahay tayada xogta, taas oo weli daciif ka ah qaybo badan oo Soomaaliya ah sababo la xiriira kormeer cimilo oo xaddidan. Sidoo kale, khadka isgaarsiinta oo liita iyo koronto aan la isku halayn karin ayaa mararka qaar dib u dhiga digniinaha, welina ma jiro hannaan qaran oo nidaamiya xogta gaarka ah ee la xiriirta garaadka macmalka ah.

Hase yeeshee, qoysas badan oo barakacayaal iyo beeraley ah ayaa u arka adeeggan mid nolol-badbaadin ah, iyaga oo ku tiirsan xogta ka caawinaysa inay ilaashadaan dalagyadooda, xoolahooda iyo mustaqbalkooda.