Australia oo dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinteeda lala xiriirinayo koox ka dagaallanta Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Australia ayaa dalkeeda ka mamnuucday muwaadin lala xiriirinayo kooxda Daacish muddo labo sano ah, iyaga oo ku sugnaa xero ku taalla dalka Suuriya.
Qofkaan ayaa ka mid ah koox ka kooban 34 haween iyo caruur Australian ah oo qorsheynayay in ay ku laabtaan dalkooda ka dib markii laga soo daayay xero ku taal Suuriya horaantii todobaadkan, laakiin ay dib u celiyeen mas'uuliyiinta "sababo farsamo".
Wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Tony Burke ayaa Arbacadii sheegay in mamnuucida la soo saaray "iyaga oo talada ka helaya hay'adaha ammaanka" isaga oo intaa ku daray in "shuruudaha sharciga" ee mamnuucista gelitaanka aysan khuseyn 33-da qof ee kale.
Australia ayaa ilaa hadda diiday in ay qaadato kooxdan oo la aaminsan yahay in ay yihiin xaasaska, iyo caruurtii ay dhaleen dagaalyahanada Daacish, kuwaasoo 23 ka mid ah ay yihiin carruur.
Ra'iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa carabka ku adkeeyay in qoysaskan aysan heli doonin taageerada dowladda si ay ugu laabtaan dalka.
Waxay mas'uul ka yihiin cawaaqib xumada ka dhalata falalkooda, ayuu ku sheegay shir jaraa'id Arbacadii.
"Kuwani waa dad go'aansaday in ay dibadda u aadaan si ay ula jaan-qaadaan... fikrado arxan-darro ah oo doonaya in ay wiiqaan oo burburiyaan hab-nololeedkeena," ayuu raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhanka sharciga ah ayaa ka digay in dowladda ay waajib ku tahay inay muwaadiniinta siiso xaqa ay u leeyihiin inay dib ugu soo laabtaan, wuxuuna Mr Albanese sheegay in dowladiisa "aysan jebin sharciga Australia" isagoo ka jawaabaya wararka sheegaya in kooxdan ay heystaan baasabooro Australian ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxdan oo degenaa xerada al-Ruj ee waqooyiga Suuriya, ayaa ka mid ah tobanaan Australian ah oo lagu hayo xeryo iyo xabsiyo ku yaalla dalkaasi tan iyo sannadkii 2019, markaasoo Daacish laga saaray xaruntii ugu dambaysay ee Suuriya.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac amni ka muujiyay suurtagalnimada in dadkan Australiyaanka ah ay soo laabtaan.
"Sidee hal xubin oo ka tirsan kooxdan loogu tixgelin karaa khatar inta soo hartayna si uun bay u fiican yihiin?" Senator Juno Dunham oo ka tirsan xisbiga Liberal Party ee Australia ayaa sheegay Talaadadii, isagoo soo jeediyay in wax laga beddelo sharciyada si looga hortago in badan oo ka mid ah kooxda soo galaan.
Kaamka Al-Rouj waxaa ku nool in ka badan laba kun oo qof oo kale oo ka kala socda 40 jinsiyadood oo kala duwan, oo u badan haween iyo carruur.
Shamima Begum, oo dhalashada Britain looga xayuubiyay sanadkii 2019 sababo amni awgeed, ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay.
Isagoo la hadlayay ABC News, maamulaha xerada Hakimieh Ibrahim ayaa yiri, "Aqbal muwaadiniintaada, aqbal carruurtan iyo haweenkan." Isagoo la hadlayay dhammaan dalalka ay muwaadiniintoodu ku xayiran yihiin halkaas ayuu yiri: "Aqbala muwaadiniintiinna, qaata carruurtan iyo haweenkan".
Waxa uu sheegay in carruurtu ay ku korayaan xero ay ku hareeraysan yihiin "fikrado khatar ah" iyo "in mar kasta oo wakhtigu sii dheeraado, arrimuhu ay sii adkaanayaan."
Dhowr ka mid ah xerooyinkan ayaa horay u noqday kuwa si weyn loo hadal hayo taasoo ay ugu wacan tahay nafaqo-xumada ba'an ee haysata haweenka iyo carruurta ku nool iyo la'aanta waxyaabaha aasaasiga ah.
Dhowr dowladood oo ajnabi ah - oo ay ku jiraan Faransiiska, Nederland iyo Britain - ayaa sidoo kale diiday in ay dib u celiyaan inta badan muwaadiniintooda weli ku xiran Suuriya.













