Maxaan ka ognahay weerarka lagu dilay Yahuud ku dabaal-degeysay xeeb ku taalla Australia?

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay xeebta Bondi ee dalka Australia. Dhaawaca ayaa ku dhow 30 qof kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay xaflad ay dadka Yahuuda isugu yimaadeen sida ay boolisku sheegeen. Boqollaal qof ayaa u dabaaldagayay maalintii ugu horeysay sideeda maalmood ee dabaaldegga Hanukkah. Booliska iyo madaxda Australia waxay ku tilmaameen fal argagixiso.
Mid ka mid ah ragga weerarka lagu tuhunsan yahay ayaa la dilay halka mid kalena uu dhaawac halis ah yahay sidaasina waxaa shir jaraa'id ka sheegay booliska New South Wales. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira labo sarkaal oo boolis ah, waxaana loo qaaday dhaawaca isbitaalka.
Booliska ayaa baaraya hadii nin saddexaad uu weerarka ku luga lahaa. Kooxaha kala furfura bambooyinka ayaa eegaya waxyaabo loo maleynayo in ay yihiin waxahaha qarxa.
Mike Burgess oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Australia ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga looga shakisan yahay weerarka uu ahaa nin ay mas'uuliyiintu la socdeen balse aan laga fileynin in uu la yimaado khatar degdeg ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerarka ka dhacay Australia maanta ayaa ahaa kii ugu xumaa weerarada lagu beegsado macbadyada, dhismooyinka iyo gawaarid Yahuuda ee Australia ilaa markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii Oktoobar ee 2023-kii.
In si wadar ah dadka loo toogto waa wax aan lagu aqoon Australia oo ka mid ah dalalka ugu nabdoon adduunka. Weerarka ka dhacay Axadda maanta waa kii ugu xumaa ee soo mara Australia ilaa iyo 1996-dii markaas oo nin hubeysan uu ku dilay 35 qof meel dalxiiska loo yimaado oo ku taal koonfurta gobolka Tasmania.
Raysalwasaare, Anthony Albanese, wuxuu kulan isugu yeeray dhammaan golaha ammaanka qaranka ee dalka, wuxuuna cambaareeyay weerarka isagoo sheegay in dhibaatada dhacay ay aheyd mid "aan la fahmi karin".
"Wuxuu ahaa weerar lagu beegsaday Yahuuda Australia maalintii ugu horeysay Hanukkha oo ah maalin farxad iyo dabaaldeg diin", ayuu yiri raysalwasaaraha oo intaas ku daray, "Waqtigan mugdiga ah wuxuu qarankeena, booliska iyo hay'adaha ammaanka ka shaqeynayaan in ay heleen cid kasta oo lala xiriirinayo dambigan".
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka ka dhacay xeebta uu socday ilaa 10 daqiiqo iyadoo dadka ay u kala carareen meelo kala duwan. Boolisku waxay sheegeen ku dhawaad kun qof in ay joogeen xafladda Hanukkah.
"Waxaan isu diyaarinay in aan guriga aado, waxaan xirxiranay boorsado, kabo dacas ah ayaan watay, waxaana diyaar u ahaa in aan raaco bas kadidb waxaan maqlay rasaas", ayey tiri Bondi Junction oo deggan Marcos Carvalho.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa sheegay in Yahuudii ugu horeysay ee daartay shumaca dabaadegga Haunukkah ay weerareen "argagixiso dambiilayaal ah".
Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa sheegay in uu ka naxay weerarka, wuxuuna sheegay in dowladda Ausralia "ay la timaado caqli" maadama dhowr jeer loo digay.
Xeebta Bondi ee Australia waxay ka mid tahay xeebaha ay inta badan joogaan dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha.
Muslmiinta dalka Australia ayaa cambaareeyay weerarka iyagoo ku tilmaamay in weeraradan aysan boos ku laheyn diintooda.
"Falalkan iyo dambiyada kuma jiraan dhaqankeena. Kuwa mas'uulka ka ah waa in lala xisaabtamaa oo ay sharciga wajahaan" ayey yiraahdeen golaha Imaamyada Australia iyo golaha Muslimiinta.
Muuqaallo la soo dhigay barta X ayaa lagu arkayay dad jooga xeebta oo dhinac kasta u ordaya iyadoo la maqlayo rasaas iyo dhawaqa gawaarida booliska. Mid ka mid fidiyoowyada ayaa lagu arkayay nin ku labisan shaar madow oo sita qori weyn ka hor inta aan la weerarin. Waxaa kaloo ka muuqda fidiwiyoga nin kale oo rasaas ku furaya dadka socda buundada.
Weerarkan ayaa dhacay 11 sano kadidb markii nin hubeysan uu 18 qof uu ku qabsaday Lindt Café Sydney. 16 saacadoo oo lays horfadhiyay waxaa la dilay ninkii hubeysnaa iyo labo la hayste.
Xeebta Bondi waxa uu gabalka ugu dhacay iyadoo meel kasta ay joogaan gawaarida booliska iyo helikobtarada booliska.
Maxay tahay Hannukah?
Hanukkah, ama Chanukah afka Cibraaniga, waa ciidda Yuhuuda ee iftiinka.
Erayga Hanukkah waxa uu macnihiisu yahay 'ka go'naansho' waxaana loo dabaaldegaa mid ka mid ah mucjisooyinka ugu waaweyn taariikhda Yuhuudda.
Taariikhaha Hanukkah sannad kasta way is beddelaan, laakiin had iyo jeer waxay dhacdaa Noofembar ama Disembar waxayna socotaa siddeed maalmood.
Munaasabad lagu xusayay maalinta koowaad ee dabaal-degga ayaa ka dhacaysay Xeebta Bondi xilliga toogashadu dhacaysay.
Warqad dhijitaal ah oo loogu talagalay munaasabadda, oo loogu magac daray Chanuka by the Sea 2025 (Chanuka lagu dhigayo badda), ayaa muujineysa in loo qorsheeyay inay ka dhacdo meel u dhow garoonka carruurta ee xeebta laga bilaabo 17:00 waqtiga maxalliga ah (06:00 GMT) Axadda.
Waxaa soo qabanqaabiyay xarunta Yuhuuda ee Chabad ee Bondi, xafladda waxaa loo qorsheeyay in lagu soo bandhigo maaweelo toos ah iyo waxqabadyo "da' walba ah". Ku dhowaad 1,000 qof ayaa la sheegay inay ka soo qayb galeen.













