Australia oo mamnuuceysa baangadaha kadib dhacdadii xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay

Baangad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Baangadaha oo la manuucayo Australia

Dagaal baangado loo adeegsaday ayaa ka qarxay goob laga dukaameysto oo ku taal magaalada Melbourne, taas oo keentay in dowladda Australia ay qaaddo tillaabooyin degdeg ah oo dalkaas markii ugu horreysey looga mamnuucayo iibka baangadaha.

Mamnuuciddan – oo Arbacada ka billaaban doona gobolka Victoria – ayaa imaanaysa ka dib markii labo burcad ah ay baangado isla dhaceen xilli ay ku sugnaayeen suuq yare lagu magacaabo Northland oo ku yaal xaafadda Preston galabnimadii Axadda. Falkaas waxaa dhaawac halis ahi ka soo gaarey nin 20 sano jir ah.

Wasiirka koowaad ee gobolka Victoria Jacinta Allan ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay cuneqabateynta baangadleyda oo faro ba'an ku haya amniga dadweynaha.

Labo wiil oo da'doodu u dhexeyso 16 iyo 15 ayaa Axaddii dacwad lagu soo oogey, iyagoo loo haysto in ay si kas ah dhaawac u geysteen iyagoo adeegsanaya hub isticmaalkiisa la xaddiday. Isniintiina boolisku waxay sheegeen in labo nin oo kale oo 18 iyo 20 sano jirro ah sidoo kale la xiray. Afarta qofba waxaa la sheegayaa in boolisku horay uga war hayeen.

"Wuxuu ahaa dagaal u dhexeeyey labo kooxood oo ciyaal weero ah, mana jirin cid kale oo dhibaato ka soo gaartey," ayuu yiri David Clayton oo ah taliyaha booliska, oo intaas ku daray "Nasiib wanaag, dhacdooyink caynkaan ah ma aha kuwo ku Victoria,".

Clayton wuxuu sheegay in illaa 10 dambi oo mindiyo loo adeegsaday ay ka dhaceen gobolka, ku waas oo ay galeen rag dhallinyaro.

Boolisku waxay sheegeen in baaritaan socdo islamarkaana la filayo in dad kale la soo xiro, waxaana gacanta lagu soo dhigay 3 ka mid ah 4 baangadood oo loo adeegsadey fal dambiyeedkan.

Jacinta Allan ayaa weerarka baangadleyda ku tilmaantay mid laga argagoxo islamarkaana taabtay dareenka dadweynaha.

"Waa in aanan marnaba ogolaan in falalkan oo kale ay ka dhacaaan meel lagu kulmo, xaafadaha, goobaha ganacsiga iyo fagaagga lagu majo baxsado", ayey tiri Jacinta Allan oo intaas ku dartay: "Ingiriiska waxay ku qaadatay 18 bilood in ay mamnuucaan baangadaha, annaguna waxaan dooneynaa in aan ku gunaanudno 6 bilood gudahood.

Australia

Xigashada Sawirka, Social

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Maarso, Victoria waxay ku dhawaaqday isbeddel lagu sameeyey xeerka Xakameynta Hubka, kaas oo xaaraantimeeyey iibka iyo haysashada baangadaha kaas oo dhaqangalaya bisha Sebtember.

Mamnuucista baangadaha ayaa daboolaya mindiyaha cabirkoodu ka weyn yahay 20cm". Waxaase ku jirin mindiyaha jikooyinka laga isticmaalo.

Dadka haysta baangdaha waxaa u furan 3 billod oo ay ku soo dhiibi karaan hubkooda, iyaga oo aan wax cinqaab ah la kulmeyn, waxayna keenayaan santuuqyo gaar ah oo looga asteeyey saldhigyada booliska.

Booliska ayaa u mahadceliyey nin dadweynaha ka mid ah oo qabtay mid ka mid ah burcaddii baangadaha isku laayey, kaas oo ay ku tilmaameen in uu gutay waajib saarnaa, wuxuuse dadweynaha uga digey in aan la isku biimeyn halista dadka hubeysan.

England iyo Wales, waxaa bishii Sebtember ee la soo dhaafay ka dhaqangalay xayiraad lagu soo rogey mindiyaha iyo baangadaha wax lagu dhaco, taas oo iibka, haysashada, adeegsiga iyo rarka salabkaas ka dhigaya dambi la isku cinqaabi karo.

Tallaabooyinkan ayey mas'uuliyiintu ku tilmaameen mid looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dambiyada ay geystaan kooxaha burcadka ah oo meelaha qaar faraha ka baxay.