Muxuu yahay cudurka halista ah ee lagu arkay Itoobiya?

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Wasaaradda caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Dadwaynaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ilmo yar laga helay cudurka furuq daanyeerka (Mpox), gaar ahaanna magaalada Mooyaale ee gobolka Oromia.

Tijaabooyin lagu sameeyay muunado laga qaaday dad looga shakisan yahay inay cudurkan qaadeen, ayaa waxaa laga helay ilmo yar oo 21-maalmood jira, kaasoo hooyadiis uu sidoo kale haleelay cudurka.

Waxaa la tuhunsan yahay in meesha uu cudurku ka yimid uu yahay ilmaha aabbahood, oo la sheegay in uu u safray dalka Kenya ee deriska la ah; kormeer ayaa lagu sameynayaa iyadoo lagu ogaanayo deegaannadii uu booqday iyo shakhsiyaadka xiriir dhow la lahaa qofkaas.

Maamulka caafimaadka ee dalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ilmaha yar iyo hooyadii laga helay cudurkan ay helayaan daryeel caafimaad oo lagama maarmaan ah oo go'doomin ah, isla markaana ay xaaladdoodu liidato.

Waxaa xusid mudan in bishii Ogoosto ee sanadkii hore qof looga shakisan yahay cudurkan lagu arkay degmada Qabri-bayax ee deegaanka Faafan ee Ismaamulka Soomaalida, waxaana la geliyay karantiil, sida uu ku dhawaaqay xafiiska caafimaadka gobolka.

Marka laga soo tago arrintan, ma jiro hadda wax la xaqiijiyey ama la shaaciyey oo cudurka jadeecada ah oo dalka ka jira, marka laga reebo ilmo yar oo laga helay fayraska magaalada Mooyaale ee gobolka Oromia.

Dabayaaqadii sannadkii hore, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika (CDC) waxay ku dhawaaqday cudurka daayeerka ee sida xawliga ah ugu faafaya Bariga iyo Bartamaha Afrika inuu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah guud ahaan Afrika.

Khubarrada ayaa sheegay in cudurka hadda dillaacay uu ka khatarsan yahay mid kasta oo hore u dillaacay. Tani waxaa sabab u ah inuu yahay nooc cusub oo busbuska ah.

Busbuska (Mpox) waxa keena fayraska daayeerka, kaas oo xubin ka ah qoyska fayraska furuqa.

Fayrasku markii hore wuxuu ka imaan jiray xoolaha oo u gudbin jiray dadka, balse markii dambe waxa uu noqday mid dadku ay kala qaadaan.

Cudurku wuxuu ku badan yahay tuulooyinka ku yaal kaymaha roobka badan ee Afrika, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Kumannaan kun oo qof oo ku nool deegaannadaas ayuu ku dhacaa sanad walba, waxaana u dhinta boqollaal qof. Carruurta ay da'doodu ka yar tahay 15 jir ayaa sida ba'an u saameeyay cudurka.

Caalamadaha feyraska

Mpox

Xigashada Sawirka, .

Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal, sida ay sheegtay waaxda badqabka iyo arrimaha caafimaadka UK.

Finin ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka. Finanka ayaa isbeddela ugu dambeyntii waxay yeeshaan qolof, kaas marka dambe soo hoobta.

Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga , wuxuu gudbaa indhaha, sanka ama afka.

Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha.

Maxaa keena feyraskan?

Mpox

Xigashada Sawirka, .

Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan.

Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas.

Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay - Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe.

Labo ka mid ah bukaannada cudurka qaba ee lagu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin.

Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada.

Sidee loo daweeyaa?

Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido.

Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas.