Madaxweynaha Eritrea oo si kulul u dhaleeceeyay Itoobiya. Muxuu yiri?

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si kulul u dhaleeceeyay dowladda Itoobiya khudbad uu ka jeediyay sanadguuradii 34-aad ee ka soo wareegtay xornimada Eritrea

Xigashada Sawirka, Sabbath

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si kulul u dhaleeceeyay dowladda Itoobiya khudbad uu ka jeediyay sanadguuradii 34-aad ee ka soo wareegtay xornimada Eritrea.

"Dagaalka ay quwadaha shisheeye ee taageerayaashooda u adeegsanayaan oo ay ku qaadeen shacabka Itoobiya shantii sano ee la soo dhaafay waxay muujineysaa sida ay quus uga taagan yihiin," ayuu madaxweyne Isaias ku sheegay khudbad uu ka jeediyay garoon ay dadku buux dhaafiyeen iyadoo khudbadaasina oo laga sii daayay warbaahinta qaranka ee dalkaas.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee Tigray-ga, madaxweynuhuna ma uusan xusin magacyada "ciidamada shisheeye" ee uu qudbadiisa ku sheegay.

Eritrea ayaa labo sano ka hor ka qeyb gashay dagaalkii Tigray, iyadoo la safatay ciidamada dowladda Itoobiya, waxaana la og yahay in xiriirka dowladda Itoobiya iyo Eretrea uu xumaaday markii uu dagaalka dhammaaday.

"Sababo badan ayaa jira oo ay arimahasi u sameynayaan, arrinta biyaha, webiga Niil iyo Badda Cas, helitaanka marin badeed, mabaadii'da Oromada oo aan matalin dadka Oromada ah, colaadda Kush iyo Sem iyo in dadka iyo dhulka Canfarta loo adeegsanayo ajandooyinkam iyo hurinta dagaal ballaaran," ayuu ku eedeeyay.

Si taas loo gaaro, Madaxweyne Isaias wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay "soo iibsaneyso hub ayna isu diyaarineyso tallaabo milateri" iyadoo kaashaneysa quwado shisheeye.

Madaxweynuhu wax uu sidoo kale sheegay in dowladda iyo dadka Eritrea "aanay ka shaleyneynin taageerada keentay is beddelka ka dhacay Ethiopia iyo isbedelka degdega ah ee dhacay"

Madaxweyne Isaias waxa kale oo uu sheegay in wixii ka dhacay Itoobiya siddeetankii sano ee la soo dhaafay ay "la ogaayeen" siyaasado qaldan iyo taageerayaashooda Washington.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Isaias uu si kulul u dhaleeceeyo dowladda Itoobiya tan iyo markii uu xukunka qabtay Ra'iisul Wasaare Abiy kaas oo uu heshiis nabadeed la galay.

Madaxweyne Isaias, ayaa khudbadiisa ku xusay in labadii qarni ee la soo dhaafay ay caqabad ku noqotay fursadda dhismaha dowladnimo ee dalka Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in Itoobiya ay tan iyo dagaalkii qabooba ay u sii socotay dhanka siyaasadda qowmiyadaha.

Waxa uu intaasi ku daray in isbedelada lagu arkay Itoobiya ay yihiin "rajo wanaagsan oo ah rajo shacbi", taas oo uu sheegay inay ka naxeen quwadaha shisheeye.

Kadib markii uu dagaalka ku dhamaaday wada hadalo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Midowga Afrika, waxaa sii xumaaday xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Gaar ahaan ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday inay rabto inay hesho deked ay ka hesho badda cas, ayaa waxaa arintaasi walaac ka muujiyay dhinaca Eritrea. Arintan ayaa keentay xiisada sii kordheysa iyadoo Eritrea ay isbaheysi la sameysatay Masar, taas oo sidoo kale ku lug leh muranka biyo xireenka Renaissance ee Itoobiya.

Waxa aintaasi dheer, in kasta oo aan si cad loo sheegin, Eritrea waxa lagu eedeeyaa inay taageerto kooxaha hubaysan ee Itoobiya, kooxaha mucaaradka Eritrea waxay xitaa xafiis ka furteen Addis Ababa.

Sababta au itoobiya u radaineysa marin badeed ayaa lagu sheegay in tirada dadka Itoobiya ee sii kordhaysa ay ku sii jiraan "Dhul aan bad lahayn" iyadoo ay ugu wacan tahay marin badeed la'aan.

"Ka dib aafooyin badan oo soo noq-noqday oo ku yimid nidaamka federaalaynta qowmiyadaha, 'isbeddelka' la soo jeediyay 7 sano ka hor waxa uu abuuray dareen farxadeed iyo yididiilo aan ka jirin Itoobiya oo keliya balse waxa uu sidoo kale dareen farxadeed geliyay dalalka kale ee deriska ah, taas oo runtii ah xusuus," ayuu yiri madaxweyne Isaias oo xukunka hayay 34-kii sano ee la soo dhaafay.

"Dagaalladii ay ku qaadeen shacabka Itoobiya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay muujinayaan in ay ka rajo beeleen rajada ay ka qabaan horumrlka ee shaqsiga cusub ee bedeli doona."

Madaxweynaha, ayaa sheegay in arrintani ay wax badan ku gadaamanyihiin, wuxuuna qoraalkiisa ku sheegay in ajandihiisa iyo waxyaabihii uu horay u qorsheeyayba la wada ogaa.

"Ku degdegista helitaanka hubka iyo teknoolojiyadda si loo bilaabo dagaalladan qorsheysan, gorgortanka la xiriira iyo diyaargarowga milatari waa la yaqaan oo waa wax qof walba uu ogyahay," ayuu intaasiraaciyay.

Madaxweyne Isaias ayaa khudbadiisa ku sheegay in la og yahay shirqoolka qarsoon ee lagu burburinayo shacabka iyo dowladda Eritrea.

Sidaas darteedna ayu sheegay in fursaddii ballan-qaadka ahayd ee la arkay ay fashilantay.

"Shacabka Itoobiya waxay sameeyeen doorkooda," ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray "in ay isu diyaarinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen iska caabintooda."

Madaxweyne Isaias ayaa sheegay in wixii ka dhacay Itoobiya sideetankii sano ee la soo dhaafay si weyn loo yaqaan "siyaasadaha qaldan iyo taageerayaashooda Washington.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP

Sanadihii u dambeeyay, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka caraysiiyay dowladaha Ereteriya, Soomaaliya iyo Masar, kaddib markii uu caddeeyay in Itoobiya ay xaq u leedahay lahaanshaha iyo isticmaalka dekedaheeda.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa gaaray heshiis nabadeed kadib 20 sano oo colaad ah, taasoo keentay in ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu helo abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Madaxweyne Isaias oo dadka dhaliila ay sheegaan in uu diiradda saaro arrimaha dalalka kale halkii uu ku mashquuli lahaa arrimaha gudaha, ayaa khudbadiisa maalinta xorriyadda waxa uu ku sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo xorriyadeena.

Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa si joogto ah u sheega in Eritrea oo ay dowlad xoog leh ku jirto ay tahay dal ay ka jiraan xad-gudubyo iyo cadaadisyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Isaias ayaa khudbadiisa kaga hadlay colaadda ka aloosan dalka Suudaan, wuxuuna dhaliilay faragelinta ciidamada shisheeye.

Eritrea ayaa in muddo ah la sheegay in ay taageerto dowladda milateriga ah ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdul Fattah al-Burhan.

Munaasabadda 34-aad ee maalinta xorriyadda Ereteriya oo si weyn looga xusay dalka Eritrea iyo dalal kala duwan oo dibadda ah, ayaa waxaa barbar socday riwaayado ciidan iyo kuwo faneed.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sarreysa dowladda, taliyayaasha ciidamada, iyo kumanaan dadweyne ah.

Madaxweyne Isaias oo talada dalka haya muddo 34 sano ah ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda caalamiga ah, arrimaha gobolka iyo dalalka deriska ah.