Dumar badan oo iska saaraya cinjirka naasaha lagu weeyneeyo, waa maxay sababtu?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Katarina Krupika oo 32 jir ah una dhalatay dalka Ukrain ayaa dad badan ka yaabisay kadib markii ay baraha bulshada ku shaacisay inay iska saartay cinjirka naasaha lagu qurxiyo.
Tirada dumarka laga saaray cinjirka lagu sameeyay jirkooda si ay u beddelaan qaabka jirkooda ama cabbirkooda ayaa sii kordhaya.
Bogga Instagram-ka ee Katarina waxaa aqriyay 7.5 milyan oo qof. Waxay farriimo u dirtay kumanaan haween ah oo doonayay inay iska ssaraan waxa jirkooda lagu beeray.
"Waxa aan ogaaday in naasaha waaweyni aanay farax gelin, caafimaad iyo quruxna igumasoo kordhin, markii aan maqlay inantayda oo leh waxa aan doonayaa in ay naaso waaweyn yeesho sidayda oo kale, waxa aan go'aansaday in aan soo saaro waxa aan naasaha geliyay.
Waa maxay sababta loo saarayo cinjirka lagu sameeyo jirka?
Sida laga soo xigtay Bulshada Caalamiga ah ee sameysa Qalliinka Cinjirka la isku qurxiyo ee hoggaamisa qalliinka caafimaadka, "tirada haweenka laga saaray qalabka jirkooda la geliyay sanadkii 2019 waxay kor u kacday 46.3 boqolkiiba.
Qalliinka weyneynta naaska ayaa korortay 5.4 boqolkiiba intii u dhaxaysay 1990 iyo 2000 waxana uu hoos u dhacay 3 boqolkiiba 2022 .
Dumarka ayaa lagu sameeyaa qaliin cinjirka naasaha caaga ah si ay isku qurxiyaan. Sidaa darteed, waxaa jira dumar doonaya inay yeeshaan naaso yaryar oo u eg kuwa dabiiciga ah.
"Nooca muuqaalka ay dumarku rabaan 2025 waa uu ka duwanyahay sidii ay ahayd 10 sano ka hor," ayay tiri Dr. Christie Hamilton, oo madax ka ah Ururka Dhakhaatiirta qaliinka is qurxinta Maraykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 1990meeyadii ilaa iyo 2000, qaliimada iyo in duamrka qaarkood ay sameystaan naaso waaweyn ayaa socotay. Wakhti xaadirkan, cabbirka naasaha yar ayaa noqday mid la jecel yahay.
Waxaa jira noocyo caadi ah oo ah daawaynta qalliinka is qurxinta ah oo ku lug leh kordhinta baruurta ama naasaha.
"Tirada haweenka doonaya naasaha waaweyn waa ay yaraadeen," ayuu yiri Dr. Bruno Herkonoff, oo madax ka ah Ururka Dhakhaatiirta qaliimada isqurxinta.
"Haweenka qaarkood ma rabaan in lagu rakibo waxyaabaha maqaarka-la geliyo, cinjrka balastika ah ee maqaarka la geliyo waxaa laga saaraa jirka 10 ilaa 20 sano ka dib," ayuu yiri.
Kororka dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira qalliinka cinjirka la isku qurxiyo ayaa keentay in dumar badan ay lacag badan ku bixiyaan sidii looga soo saari lahaa.
"Ogaanshaha cudurka Silken iyo falcelinta difaaca jirka ayaa kor u qaaday, xanuunka addimada, timaha oo daata iyo miisaanka oo kordha ayaa lala xiriiriyaa cudurka Silken," ayuu yiri Dr. Bruno. Inkasta oo cudurka silikoon aanu ahayn erey caafimaad oo rasmi ah, waxay dhacdaa marka dawooyinka loo isticmaalo qaliinka is qurxinta lagu duro jirka si loo beddelo qaabka ama cabbirka naaska .
"Waxaa jira cinjir ku wareegsan caaga maqaar-galaha ah. Haddii uu yimaado cudur, cinjirku wuxuu u baahan yahay in la saaro," Dr. Christie ayaa sidaasi ku sharraxay.
Qaar ka mid ah kansarka naadirka ah ayaa lala xiriiriyay beerista naasaha.
Maxaa keenay isbeddelkan?
Dhakhaatiirtu ayaa sheegay in aqbalaadda qaabka dabiiciga ah ee jirka in ay soo badaneyso
"Sanka, wejiga, naasaha iyo jirka intiisa kale waxay u baahan yihiin inay noqdaan kuwo dabiici ah.
"Mid ka mid ah sababaha ayaa ah in muuqaalku uusan ka tarjumayn dareen kala duwan, kaliya waxay leeyihiin weji isku mid ah," Dr. Bruno ayaa sidaas yiri.
Khubaradu waxa ay sheegeen in ay jiraan dumar aan doonayn in lagu sameeyo qaliinka caafimaad,iyaga oo arkay in dawaynta qaliinka is qurxinta loo isticmaalayo si ka baxsan sababta loogu talo galay.
"Markaan u sheegno inay u baahan yihiin buuxinta miisaan kordhinta saddex ama lixdii biloodba mar, waxay beddelaan maskaxdooda,"sida uu sheegay Dr. Christie.
Bukaanka waxa lagu sameeyaa qalliin kale oo aan u muuqan sidii la rabay.
Kicinta dareeraha, taas oo hagaajinaysa koontaroolka dusha sare, waana tan ugu horreeysa.
Dareeraha Collagen waa borotiin aad u badan oo laga helo lafaha, maqaarka, muruqa, iyo qaybaha kale ee jirka. Hoos u dhaca qadarka Collagen ayaa ku xiran da'da qofka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
In la raaco sida aad ku dhalatay
Katarina waxay sheegtay inay rabto inay ksuoo laabato sidii ay ku dlalatay oo uu jirkeedu u sameysnaa. Waxay sidoo kale dib u soo celisay bushimaheedii waxayna oo kusoo celisay cabbirkoodii dabiiciga ahaa. Waxay kaloo joojisay isticmaalka cirbadaha la isku qurxiyo (Botox) si ay u daboosho laalaabka ama xargaha wejigeeda.
"Waxa aan rajeynayaa in haweenka ka walaacsan muuqaalkooda ay i arki doonaan oo ay baran doonaan," ayay tiri.
Qurxinta dabiiciga ah waa isbeddel cusub oo sii kordheysa oo caan ah.

Xigashada Sawirka, Katerina Krupkina
Marka la gaaro 2023, iibka waxyaabaha la isku qurxiyo wuxuu gaari doonaa $44 bilyan.
Inkasta oo haweenku aysan joojin isticmaalka qurxinta, waxay rabaan inay ilaaliyaan quruxdooda dabiiciga ah.
Khubarada qalliinka is qurxinta ayaa sheegay in rabitaanka in la ilaaliyo quruxda dabiiciga ah aysan ka reebeyn in qalliin is qurxin la isku sameeyo kaas oo wax weyn ka beddelaya muuqaalka dabiiciga ah ee jirka.











