Maxay Somaliland uga dhigan tahay in Imaaraadka iyo Midowga Afrika ay taageereen Mowqifka Soomaaliya?

Sa'ar iyo Cirro

Xigashada Sawirka, X

Midowga Afrika iyo Imaraadka carabta ayaa noqday illaa iyo hadda wadamadii ugu dambeeyey ka soo horjeesta aqoonsiga Israa'iil ay Soomaaliland u aqoonsatay waddan ka madax banaan Soomaaliya.

Arrintan ayaa meesha ka saartay warar la isla dhex marayey oo sheegayey in Iimaaraadka uu aqoosan doono Somaliland.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen labada dhinac ayey ku sheegeeyn in ay yeesheen kulamo iyo wadahadallo, xilli Wasiiru Dowlaha Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan uu booqaasho ku tegey caasimadda Itoobiya ee Addis ababá.

waxa ay warsafadeedka ku sheegeen in ay xoojiyeen iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee muddada dheer, iyagoo xaqiijiyay kor u qaadida iyo difaacidda nabadda iyo amniga iyo ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo danaha dhaqaale ee dowladaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo ka baxsan intaas, iyaga oo isku soo hadal qaaday arrimaha gobolka sida dagaalka ka socda Suudaan iyo arrinta Soomaaliya iyo Israa'iil, waxa ayna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida.

Qoraalka ay soo saareen ayaa yimid xilli aad loo hadal hayey mowqifkooda iyo saameeynta ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo geeska ay la jirsan doonaan.Haddaba go'aanka ay qaateeyn dowladahan muxuu ka dhigan yahay?

Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi

Xigashada Sawirka, X

Muxuu ka dhigan yahay mowqifkooda?

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamay in mar kasta la filan karay go'aankan. Maxamed Mukhtaar oo falanqeeya arrimaha siyaasadda oo aan wax ka weydiinay ayaa sheegay in go'aankaas uu yahay mid ay ku qasbanaayeen, maadaama labada dalba Soomaaliya kala tirsan yihiin ururo caalami ah iyo kuwo heer goboleed ah. Tusaale ahaan, Imaaraadka waxay kawada tirsan yihiin Jaamacadda Carabta. Ururaddaan ayaa hore mowqifkooda u caddeyey, iyaga oo cambaareeyey tallaabada Israa'iil ku aqoonsatay Soomaaliland.

Waxa ay ka dhigan tahay ku Sheegay Maxamed "Midowga Afrika Golahiisa Ammaanka, kulan uu yeeshay waa uu ka soo horjeestay, sidoo kalana kulan ay jamacadda carabta ay yeesheen oo uu hogaaminaayey safiirka Imaaraadka, waa ay diideyn arrintaan. Dalladahaas ay ku jiraan ayey horta mowqifka guud kala mid yihiin, marka waxaad umaleenaysaa in midkii ahaa gooni goonida, in kasta oo ay la soo daahayn, inay mowqifkaas midka guud la qaatayn in ay hadda midkooda gaarka ah ku muujinayaan", ayuu

Muxuu Soomaaliya kaga dhigan yahay?

Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan iyo Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, X

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tallaabadii uu qaaday Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu waxaa si weyn u diiday Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Midowga Yurub, iyaga oo ku sababeeyay in ay jebinayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, ku dhawaad 20 dal oo Afrikaan iyo Bariga Dhexe ah ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku diideen aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland.

Dhanka Qaramada Midoobey, waxaa la isugu yeeray kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah si looga hadlo horumarradii ugu dambeeyay. Intii uu socday kulankaas, wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abubakar Cusmaan Baalle, ayaa ku baaqay in go'aanka Israa'iil la cambaareeyo, isaga oo sheegay in dalkiisu "si cad oo aan shaki ku jirin u diidan yahay aqoonsi kasta oo hal-dhinac ah oo loo fidiyo gobolka goonni-u-goosadka ah ee Somaliland, isla markaana uu u arko tallaabada Israa'iil mid ku xadgudbaysa madaxbannaanida, midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo sharciga caalamiga ah."

Wadammo badan oo xulufo la ah Soomaaliya ayaa taageeray go'aanka iyo mowqifka Soomaaliya Imaaradka carabta iyo Itoobiyana waxa ay ku biirayaan waddamaasi.

"Runtii waxa ay kor u qaadeysaa tirada waddamada taageeraya mowqifka Soomaaliya, gaar ahaan Imaaraadka iyo Itoobiya waa waddamo saameyn siyaasadeed iyo saameyn dhaqaale ku leh Soomaaliya, marka dhiiragelin xoogaan waxa ay u tahay mowqifka dowladda Fedaraalka ay qaaadatay". ayuu hadalkisii kusoo xiray Maxamed Mukhtaar.