Tirada iyo magacyada dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Dalal badan iyo ururo caalami ah ayaa si cad uga hoos horjeestay aqoonsiga Israa'iil u aqoonstay Somaliland "dal madax-bannaan", iyagoo ku adkeysanaya in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhammaadkii todobaadkii hore ayey ahayd markiii Ra'iisul wasaraaha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Cirro ay yeesheen kulan qadka online-ka, kaas oo Netanyahu uu ku sheegay in Somaaliland ay ka mid noqoneyso saaxiibadooda diblomaasiyeed.
Waddamada Afrikaanka ah
Dalalka Jabuuti, Eratariya, Masar, Sudan, Liibiya iyo Naajeeriya, Aljeeriya, Kaamoroos, Gaambiya, ayaa dhammaantood si aan ka leexleexasho lahayn ugu gacan sayray mowqifka iyo tallaabada ay Israa'iil ku dhaqaaqday. Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Jabuuti,iyo Soomaaliya ayaa wadahadal dhanka taleefoonka yeeshay sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta wasaaradda arrimaha dibadda Masar.
Qaar kamid ah waddamadan ayaa aaminsan in ay arrintaan ay tahay faragelin toos oo ay Israa'iil ku sameeneyso xasilloonida gobolka.
Dawladda Soomaaliya ayaa lafteeda si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa'iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "midnimada iyo madax banaanida dhuleed" aan gorgortan laga geli karin.
Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay "si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa'iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Bariga Dhexe/Aasiya

Xigashada Sawirka, VCG
Dhan kale, waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Yaman, Jordan, Qatar, Maldives, Kuwait, Urdun, Ciraaq, Indoniisiya, Bakistaan iyo maamulka Falastiiniyiinta, ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya. Wadamadani waxay ku doodaan in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid jabinaya mabda'a Qaramada Midoobay ee ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika sida ay ahaayeen xilligii gobannimada, isla markaana uu abuuri karo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.
Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in ay cabireyso "taageeradeeda buuxda ee madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya", iyadoo dhanka kale sheegtay in boqortooyada ka soo horjeeddo go'aankii ay Israa'iil ku aqoonsatay Somaliland.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dalal waaweyn sida Turkiga iyo Shiinaha ayaa si cad u muujiyay taageeradooda midnimada Soomaaliya, iyagoo diidan faragelin dibadeed ama aqoonsi aan ka imaan heshiis caalami ah. Labadan dal waxay ku adkeesanayaan in aqoonsiga Somaliland uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana uu carqaladeyn karo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Lin Jian afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey yiri "Ma aha in dal uu ku dhiirrigeliyo ama taageero xoogagg gooni-u-goosad ah ee ka jira gudaha dalal kale, isaga oo eegaya dantiisa gaarka ah". Shiinaha ayaa u arka in aqoonsiga Somaliland uu garab siinayo Taiwan oo sheegata inay ka madax banaan tahay dhulweynaha Shiinaha.
Turkiga oo Soomaaliya ka taageera dhanka dhisidda ciidanka iyo kobcinta dhaqaalaha ayaa mowqifkiisa ku saleeyey in danah Soomaaliya ay leedahay dowladdiisa ay u hureyso wax kasta oo lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya.
Waddamada ra'yigooda ku biirinaya inay iska diidaan aqoonsigaan ayaa waxaa kusoo biiray wadanka Azerbajaan oo ah waddan isna taageero xoogan ka hela dowladda Turkiga.
Afrika

Xigashada Sawirka, AU
Midowga Afrika (African Union) ayaa marar badan caddeeyay in aanu aqoonsanayn Somaliland, maadaama ururku si rasmi ah u taageersan yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. AU waxay ka digtay in aqoonsi hal dhinac ah uu furi karo albaab ay dalal iyo gobollo kale ku dalban karaan gooni-isu-taag, taas oo khatar ku ah nidaamka dowladnimada Afrika.
Ururka IGAD ee Bariga Afrika isna wuxuu la qabaa mowqifkaas, isagoo ku adkeysta in xal kasta oo ku saabsan Somaliland uu ku yimaado wada-hadal ay isla oggol yihiin dhammaan Soomaalida. "Xubnaha waxay ugu baaqayaan dhammaan saaxiibada caalamiga ah iyo dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wada-hadal iyo nidaamyo xoojinaya nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay IGAD.
Jaamacadda Carabta iyo ururka iskaashiga Islaamka

Xigashada Sawirka, Mustaqbal Media
Wakiillada joogtada ah Golaha Midowga Dowladaha Carabta ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa'iil ee 'Somaliland' oo loo aqoonsaday sida dal madax-bannaan oo ka madax-bannaan Soomaaliya, iyadoo tallaabada Israa'iil lagu tilmaamay 'danaysi siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo si adag loo diiday'.
War-saxaafadeed kasoo baxay kadib kulan degdeg ah oo maanta ka dhacay xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira, Golaha ayaa adkeeyey inaanay jirin wax sharciyad ah oo ay leedahay tallaabadan iyo diidmada buuxda ee tallaabo kasta oo ka dhalan karta aqoonsigan, kaas oo, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, loogu talagalay in lagu fududeeyo qorshayaasha barakac khasab ah ee dadka Falastiiniyiinta ama si loo oggolaado dekedaha woqooyiga Soomaaliya in ay halkaas saldhigyo militari Israeli ka dhistaan.
Golahu waxa uu kulan degdeg ah ka codsaday Qaramada Midoobay, si ay wax uga yiraahdaan tallaabadaan ay Israa'iil qaaday.
Sidoo kale ururada carabta ee kasoo horjeestay waxaa ka mid ah Golaha iskaashiga khaliijka oo isna xadgudub ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.
Waddama siyaasad ahaan Isra'iil is hayaan

Xigashada Sawirka, QNA
Dowladaha Qadar, Iraan, iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa ahaa waddamadiii ugu horreyey ee ka soo falceliyey arrintan, iyaga oo ah waddama ay siyaasad ahaan is hayaan Israa'iil, marka loo eego is-xulufeysiga ka jira caalamka.
Qadar, oo inta badan door dhexdhexaadin ah ka ciyaarta khilaafaadka gobolka, ayaa si cad u muujisay walaac ay ka qabto tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo ku baaqday in lagu laabto wada-hadal iyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Falastiiniyiinta, dhankooda waxa uu dagaal xoogan kala dhaxeeyaa Israa'iil, waxaana jira warar sheegaya in Israa'iil dooneyso - sida ay ku doodeyso jaamacadda carabta - in dadka Falastiiniyiinta qaxooti ahaan u geyso geeska Afrika.
Iiraan, oo si weyn uga soo horjeedda Israa'iil iyo xulafadeeda, ayaa ku adkaysatay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu khatar ku yahay nabadda iyo amniga gobolka, isla markaana uu horseedi karo muranno cusub oo siyaasadeed.
Urdun, inkastoo ay xiriir diblomaasiyadeed la leedahay Israa'iil ayna ku jirto dalalka saxiixay heeshiiska Abraham , haddana waxay qaadatay mowqif ka tarjumaya taageerada ay u hayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la ilaaliyo xuduudaha dalalka sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.
Isku soo wada duuboo, falcelinta degdegga ah ee dalalkan ayaa muujisay in arrintani ka gudubtay xuduudaha khilaafaadka siyaasadeed ee caalamka, isla markaana ay noqotay qodob ay ku midoobeen dalal si weyn u kala aragti duwan, kuwaas oo dhammaantood ka walaacsan saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka iyo nidaamka caalamiga ah
Saaxiibka Israa'iil ee aan ku raacin aqoonsiga.
Mareykanka oo aan weli arrintan war rasmi ah kasoo saarin ayaa haddana sida uu qoray wargeyska The New York post ee kasoo baxa dalka Mareykanka wuxuu sheegay in Donald Trump oo ay wax ka weydiiyeen in uu aqoonsanayo Somaliland kadib go'aankii Israa'il, waxayna sheegeen in hogaamiyaha Mareykanka uu u sheegay "in uusan diyaar u aheyn aqoonsiga Somaliland, iyadoo ay ku ballansan yihiin Trump iyo Natenyahu inay kulan ka yeeshaan arrinta 'Qorshaha Qasa' magaalada Florida ee dalka Mareykanka.
Waxaa kaloo ka mid ah Midowga Yurub oo hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in la dhowro madax banaanida Soomaaliya. Dalka Sweden ayaa isna sheegay inuu ku taagnaan doono "mabda'a 'midnimada iyo madax banaanida dhuleed" ee Soomaaliya.













