Xuutiyiinta Yemen oo soo saaray hanjabaad adag ka dib aqoonsiga Isreal ee Somaliland

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa markii ugu horreysay wax ka badan afartan iyo siddeed saacadood ka hadashay aqoonsiga Israel ee Somaliland.

War qoraal ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen Cabdulmalik Badaruddiin Al-Xuutii, ayaa xaqiijiyay in ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inuu aqoonsaday Somaliland ay tahay mowqif cadowtinimo ah, kaas oo uu ku beegsanayo Soomaaliya iyo deegaankeeda Afrika, isla markaana uu ku beegsanayo Yemen, Badda Cas, iyo waddamada ku yaalla labada dhinac ee Badda Cas.

"Waxaan adkeynaynaa mowqifkeenna go'an ee ah inaan la garab taagan nahay shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, annagoo ka soo horjeedna cadowga Israa'iil", ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda.

"Joogitaan kasta oo Israa'iil ku yeelato Dhulka Soomaalida waxa loo tixgelin doonaa bartilmaameed militari oo ay beegsanayaan ciidamadeenna hubeysan, maadaama uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana uu khatar ku yahay amniga gobolka", ayaa la sii raaciyay warkaan.

Sidoo kale warka kooxda ayaa lagu yiri, " Ma aqbalayno in qayb ka mid ah Soomaaliya loo beddelo saldhig uu cadowga Israa'iil ku yeesho, iyadoo lagu xadgudbayo madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, amniga shacabka Soomaaliyeed, iyo amniga gobolka iyo Badda Cas".

Kooxda ayey is ba'an isu hayan Israel iyagoo marar badan gantaallo ku garaacay gudaha Isreal halka Militariga Isrealna ay duqaymo ka dhana ka fuliyeen gudaha Yemen. Sidaas oo kale Maraykanka ayaa garaacay bartilmaameedyo uu sheegay in Xuutiyiintu ku leeyihiin Yemen.

Kooxda ayaa si weyn u curyaamisay dhaqdhaaqyada maraakiibta ganacsi ee mara badda cas iyagoo dhowr jeer weeraray maraakiib ganacsi iyagoo tallaabadaas ku sheegay inay ku taagerayaan Falastiiniyiinta.

Tan iyo markii Isreal ku dhawaaqday inay si rasmi ah dal ugu aqoonsatay Jamhuuriyada Iskeed madaxbanannida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxay tani noqotay mowduuca ugu weyn ee siyaasad ahaan loo hadal hayo gobolka, dunida Carabta iyo kan caalamigaba.

Inta badan dalalka Carabta, kuwa Islaamka iyo gobolka ayaa taageero u muujiyey dowladda Soomaaliya iyagoo ka horyimid tallaabada Isreal.

Maxay yihiin kooxda Xuutiyiinta, sideese ku billowday dhaqdhaqaaqooda?

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, SCREENSHOT

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.

Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.

Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.

Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay "Al-Xaq".

Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.

Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.

Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu'miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.

Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.