Taalibaan oo war ka soo saartay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xukuumadda Talibaan ee Afgaanistaan ayaa bayaan ay soo saartay si kulul u cambaaraysay aqoonsiga Israa'iil ee ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in tallaabadan uu qaaday maamulka Israa'iil ay tahay "isku day lagu doonayo in lagu kala qeybiyo dal Islaam ah".
War saxaafadeedka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay cawaaqib xun ku yeelan doonto nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Israa'iil ayaa Jimcihii noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Soomaaliland "dal madax-bannaan".
Ka dib markii ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland, Soomaaliya, Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Midowga Afrika ayaa iyaguna si kulul u cambaareeyay tallaabadaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu ballaarin doono iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya ee dhinacyada Beeraha, Caafimaadka, iyo Teknoolojiyada.
Netanyahu ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirro muuqaal ah oo uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo saxiixa warsaxaafadeedka.
Madaxweynaha Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee dalka mid "taariikhi ah" oo uu ku tilmaamay billowga iskaashiga istiraatijiyadeed.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan Israel ayaa waxaa si weyn uga fal-celiyay iyo cambaareyn uga timid dalalka Soomaaliya, Masar, Turkiga, Jabuuti, iyo Midowga Afrika.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdel Ati, ayaa kala hadlay aqoonsiga Israel ee Somaliland, isagoo khadka telefoonka kula xiriiray wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda waddan. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar, waxay dhammaantood "si adag uga soo horjeesteen, una cambaareeyeen tallaabada ay Israa'iil ku aqoonsanayso gobolka Somaliland.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay inay si buuxda u taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna muujiyeen inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qarannimada dalka ama wax u dhimaya aasaaska xasilloonida dalka.
Wasiirrada dalalkan ayaa sheegay in aqoonsiga qaybo ka mid ah dalalka madax-bannaani ay noqonayso tallaabo khatar ah oo ku aaddan shuruucda caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirada afarta dal "sidoo kale ay soo cusboonaysiiyeen diidmadooda qorshe kasta oo lagu barakiciyo Falastiiniyiinta dhulkooda".
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Barre ayaa sheegay in dalkiisu "si adag oo aan leexleexad lahayn" uu u diiday waxa uu ugu yeeray "Weerarka bareerka ah" ee Israel ku hayso madax-banaanida Soomaaliya. Soomaaliya waxay aaggaas u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda.
Midowga Afrika ayaa yiri, "Tallaabadan Israa'iil waxay noqon kartaa tusaale khatar ah oo cawaaqib khatar ah ku yeelan karta nabadda iyo xasilloonida qaaradda oo dhan."
Maamulka Falastiin ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga soo horjeedo tallaabadan.













