Maxay yihiin kooxda Xuutiyiinta, sideese ku billowday dhaqdhaqaaqooda?

XUUTIYIINTA YEMEN

Xigashada Sawirka, SCREENSHOT

Qoraalka sawirka, Kooxda Xuutiyiinta Yemen

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday inay la wareegeen waxay ku sheegeen markab laga leeyahay Israa’iil kaas oo ku sugnaa Badda Cas.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yaxye Saree ayaa sheegay inay markabkan laga leeyahay Israa’iil ay geeyeen xeebaha dalka Yemen, balse Israa’iil ayaa beenisay in markabkaasu uu yahay mid iyagu leyihiin.

Dhammaadkii bishii Oktoobar, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday markii ugu horreysay inay Israa'iil la beegsadeen gantaallo badan iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa ah sababta ay Xuutiyiintu u beegsanayaan Israa’iil.

Maxay yihiin Kooxda Xuutiyiintu?

YEMEN

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Malaayiin reer Yemen ah ayaa ku tiirsan gargaarka shisheeye

Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.

Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.

Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay “Al-Xaq”.

Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.

Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.

Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu’miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.

Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Isbeddelka dhaqdhaqaaqa

YEMEN

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Dagaalka Yemen ayaa burburiyay kaabayaal dhaqaale oo badan

Xarakadu waxay isku beddeshay koox hubaysan sanadkii 2004tii, markii la dilay hoggaamiyahoodii Xuseen Al-Xuuti ka dibna waxaa xukunkeeda la wareegay walaalkiis oo ka yaraa Abdul Malik

Intaas hore waxay kooxdu qaadatay magacyo kala duwan ilaa aakhirkii qaadatay oo ay si rasmi ah ula baxday "Xuuthiyiinta".

Zaydiyiintu waxay Yemen xukumayeen taariikhda badan ilaa intii laga tuuray taliskii Imaamkoodii ee waqooyiga Yemen sanadkii 1962-kii.

Sacda oo ah magaalo ku taalla waqooyiga galbeed ee Yemen, Xuutiyiinta waxay dowladda dhexe ka fogeeyeen gacan ku haynteeda iyagoo dadka deegaanka go'doomintaas ka dib ay isku tashadeen samaysteenna in iyagu ismaamulaan

Cilmi baadhe Ingiriis ah oo arrimaha Yemen ku takhasusay oo lagu magacaabo Sheila Weir, ayaa aaminsan in sababta kale ee Xuutiyiinta Yemen usoo baxeen ay tahay fiditaanka kooxaha Salafiga iyo Wahaabiyada oo saamayn ku leeyihiin dalkaasi ay sii korortay.

Nabarradii dagaalka

YEMEN

Xigashada Sawirka, REUETERS

Qoraalka sawirka, Dagaalyahanada Xuutiyiinta ee Yemen

Dhaqdhaqaaqa garabkiisa hubaysan ayaa bilaabay dagaal militari oo uu la galay dowladdii Madaxweyne Saalax, waxaana dhacay lix dagaal intuu u dhaxaysay 2004-tii ilaa 2010-kii.

Dagaalkaas Xuutiyiinta ayaa ku fiday waqooyiga, waxaan dagaalku keenay dhibaatooyin waaweyn, sidoo kale Sacuudiga ayaa Xuutiyiinta kula dagaalamay sanadkii 2010 iyaga oo garabsanaya ciidamada dowladda Yemen.

Lama oga tirada saxda ah ee dhibanayaasha dagaalladii ugu dambeeyay ee 2009 iyo 2010, taas oo ay ugu wacan tahay xiritaanka nidaamyada warbixinta, laakiin waxay sababtay in kumannaan qof ay ka qaxaan guryahadooda kana dhalato dhibaato bini'aadanimo oo weyn.

Xuutiyiintu waxay si weyn uga qaybqaateen mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday taliskii Saalax sannadkii 2011-kii, waxayna ahaayeen kooxda ugu weyn ee fadhiyada wada-hadallada qaranka.

Burburkii xukunkii Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax sanadkii 2012 ayaa Xuutiyiinta siisay fursad muhiim ah oo ay ku xoojiyaan mawqifkooda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Yemen.

Sanadkii 2014-kii ayay Xuutiyiintu gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Sanca, waxayna qabsadeen markii ay jabiyeen ciidamadii Jeneraal Cali Mohsen Al-Ahmar iyo ciidamada Saalax, waxayna la wareegeen xarumaha dowladda iyo xarumaha dowladda.

Horraantii sannadkii 2015-kii, waxay isku gadaameen Aqalka Cad ee Yemen, waxayna xabsi guri geliyeen Madaxweyne Abd Rabbuh Hadi iyo saraakiishii dowladdiisa. Bil ka dib, Haadi waxa u suurtagashay in uu ka baxsado xabsi guri, waxa uu yimid koonfurta Yemen ka dibna waxa uu galay Sucuudiga.

Xuutiyiinta iyo cadawgoodii hore Cali Cabdallah Saalax ayaa iska kaashaday dadaallada lagu doonayo in lagu balaadhiyo dhammaan deegaannada Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga oo inta badan ku eedeeya Iiraan inay taageerto Xuutiyiinta, ayaa walaac xooggan ka dareemay isbaheysigan iyo dadaalka ay ugu jiraan inay Yemen ku maamulaan, sidaas darteedna ay bilaabeen olole duqeymo ah.

Weerarradan ayaa ujeedkoodu ahaa in Xuutiyiinta lagu khasbo in ay dib ugu soo celiyaan talada Haadi, balse ololahan ayaa ku guuldareystay in uu gaaro hadafkii laga lahaa.

Ololaha milatariga Sucuudigu waxa uu sababay burbur baahsan oo Yemen oo dhan ah, kaas oo ay ka dhasheen masiibo bini’aadanimo oo balaaran ka dib duqaymaha diyaaradaha ay bilaabeen isbahaysigii Sucuudiga

Dhanka kale Xuutiyiinka ayaa dilay xulufadoodi hore, Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax bishii December 2017-kii taa soo sii cakirtay xaalada Yemen.

Laakiin hadda waxay u muuqataa in Sucuudigu ku qanciyay jilayaasha ugu waaweyn ee colaadda Yemen inay ku heshiiyaan xabbad joojin, si looga wada hadlo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa 9-kii April 2023 kula kulmay Xuutiyiinta Xuutiyiinta, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen dhexdhexaadiyaal ka socday dalka Cumaan, kaasoo ka dhacay caasimadda dalka Yemen ee Sanca oo ay maamulaan Xuuthiyiinta. sheekadoodana wali waa socotaa.