Muxuu ku salaysan yahay dagaalka cusub ee Shiinuhu ku qaaday masaajidda?

Masaajid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shiinuhu wuxuu xirayaa, burburinaya oo dib u habeynayaa masaajidda dalkaas. Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa sidaa ku eedeysay shiinaha warbixin cusub oo ay soo saartay.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah "dadaal nidaamsan" oo lagu doonayo in lagu xakameeyo ku dhaqanka Islaamka ee Shiinaha, ayay tiri HRW.

Dalka Shiinaha waxaa ku nool ilaa 20 milyan oo Muslimiin ah, kuwaas oo sida rasmiga ah u diiwan gashan (diin la’aan) wallow ay dawladdu sheegtay in ay ogoshahay xoriyadda diinta.

Si kastaba ha ahaatee, Kormeerayaasha ayaa sheegaya in ay sare u keceen falalka ka dhanka ah diinta abaabulan sannadihii la soo dhaafay - iyada oo Beijing ay raadineyso xakameyn weyn.

BBC-da ayaa la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha iyo guddiga arrimaha qowmiyadaha si ay uga faalloodaan ka hor daabacaadda warbixinta HRW.

"Xiritaanka, burburinta iyo dib u habeynta dowladda Shiinaha ee masaajidda waa qayb ka mid ah dadaallada nidaamsan ee lagu xakameynayo ku dhaqanka Islaamka ee Shiinaha," ayay tiri Maya Wang, oo ah ku-simaha agaasimaha Shiinaha ee Human Rights Watch.

Warbixintu waxay daba socotaa caddaymo isa soo taraya oo muujinaya tacadiyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah Muslimiinta Uyghur, kuwaas oo ku nool gobolka Xinjiang ee waqooyi-galbeed ee Shiinaha. Beijing waa ay diiday eedeymaha xadgudubka.

Inta badan Muslimiinta Shiinaha waxa ay ku nool yihiin waqooyi-galbeed ee dalkaas, oo ay ka mid yihiin gobollada Xinjiang, Qinghai, Gansu iyo Ningxia.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tuulada ay ku badan yihiin Muslimiinta ee Liaoqiao ee ismaamulka Ningxia, saddex ka mid ah lix masaajid ayaa laga dumiyey qubbadihii iyo minaaradaha, sida ay sheegtay HRW. Inta soo hartay waxaa la burburiyay hoolalka ay ku tukanayeen, ayay tiri.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo ay heshay HRW ayaa muujinaya qubbad wareegsan oo ku taal masaajid ku yaalla tuulada Liaoqiao oo lagu beddelay naqshadda shiinaha ee pagoda waqti u dhexeeya Oktoobar 2018 iyo Janaayo 2020.

Ilaa 1,300 oo masaajid oo ku yaalla Ningxia ayaa la xiray ama la beddelay tan iyo 2020-kii, sida ay BBC-da u sheegtay Hannah Theaker, oo ah caalim wax ka dhiga Muslimiinta Shiinaha. Tiradaasi waxay ka dhigan tahay saddex meelood meel masaajidda guud ee gobolka.

Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, xisbiga shuuciga ayaa isku dayay inuu diinta la waafajiyo fikirkiisa siyaasadeed iyo dhaqanka Shiinaha.

Sannadkii 2018-kii, golaha dhexe ee xisbiga Shuuciga Shiinaha ayaa daabacay dukumeenti tilmaamaya xakamaynta iyo badalidda masaajidda. Waxay ku boorisay dawlad-goboleedyada inay "burburiyaan masaajid badan oo ay dhisaan tiro yar, oo ay sameeyaan dadaallo lagu cadaadiyo tirada guud" ee dhismayaashan eebe lagucaabudo.

Dhismaha, qaabka iyo maalgelinta masaajidda waa in "si adag loola socdo", sida ku cad dukumentiga.

Masjid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cadaadiska noocan oo kale ah ayaa ahaa mid aad u dheer oo aad u daran oo lagu hayey gobollada Tibet iyo Xinjiang, laakiin sidoo kale wuxuu ku fiday meelo kale.

Dalka Shiinaha waxaa ku nool laba qowmiyadood oo Muslimiin ah. Huis-gu waxa ay ka soo jeedaan Muslimiin yimid Shiinaha Qarnigii 8aad ee boqortooyadii Tang Dynasty. Kooxda labaad waa Uyghur, oo badi deggan Xinjiang. Qiyaastii saddex-meelood laba meel masaajidda Xinjiang ayaa la dhaawacay ama la burburiyay tan iyo 2017, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Machadka Siyaasadda Istaraatiijiyada ee Australia, oo ah fakiro madax-bannaan.

"Guud ahaan, Ningxia waxay ahayd goob tijaabo ah oo lagu hirgelinayo siyaasadda 'Sinicization', sidaas awgeed, dib-u-habaynta iyo isku-darka labaduba waxay u muuqdaan inay ka bilowdeen Ningxia oo ka horreeya gobollada kale," ayuu yidhi Dr Theaker, oo wax kala qoraya warbixin ku saabsan Muslimiinta Hui aqoonyahan David Stroup oo deggan Maraykanka.

"Sinicisation" waxaa loola jeedaa dadaallada Mr Xi ee uu ku beddelayo caqiidada diimaha si ay uga tarjumaan dhaqanka iyo bulshada Shiinaha.

Dawladda Shiinaha ayaa ku andacoonaysa in la isku xidho masaajidda – taas oo inta badan dhacda marka tuulooyinka la raro ama la isku daro – ay gacan ka geysato dhimista culayska dhaqaale ee saaran Muslimiinta, laakiin qaar ka mid ah Muslimiinta Hui waxay aaminsan yihiin inay qayb ka tahay dedaallada lagu doonayo in daacadnimadooda loogu wareejiyo xisbiga talada haya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa si cad uga soo horjeestay siyaasadahan "Sinicization", laakiin iska caabintoodu waa mid laga awood badan yahay. Sanado badan, qaar badan ayaa la xiray ama la xannibay ka dib markii ay isugu dhaceen mas'uuliyiinta xiritaanka ama burburinta masaajidda.

Ka dib marka ay ka saaraan walxaha masjidka banaankiisa ah, dawladaha hoose ayaa markaa ka saari doona tas-hiilaadka lagama maarmaanka u ah hawlaha diineed sida goobaha waysada iyo meelaha wacdiga, sida uu qabo dhaqdhaqaaqa Hui ee fadhigiisu yahay Maraykanka Ma Ju.

"Marka ay dadku joojiyaan inay aadaan [masaajidyada,] mas'uuliyiinta waxay markaas marmarsiinyo ka dhiganayaan inaan la isticmaalin kadibna way xirayaan masaajidda," ayaa laga soo xigtay warbixinta Human Rights Watch.

Muuqaal kale oo ay xaqiijisay HRW ayaa muujiyay hoolka lagu waysaysto oo ku yaal masaajidka Liujiaguo ee koonfurta Ningxia oo la duminayo wax yar ka dib markii laga saaray labadii minaarad ee ku jiray iyo qubbadda masjidkaas.

Xi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gobolka Gansu, oo xuduud la wadaaga Ningxia, mas'uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen xilliyo kala duwan oo masaajidda la xirayo, la burburiyey oo la beddelay.

Sannadkii 2018-kii, mas'uuliyiintu waxay ka mamnuuceen carruurta da'doodu ka yar tahay 16 jir inay ka qaybqaataan dhaqdhaqaaqyo diimeed ama waxbarasho gudaha Linxia, oo ah magaalo ku taal gobolka hore loogu yaqaanay "Makkada yar" ee Shiinaha. Warbixin 2019 uu soo saaray telefishin maxalli ah ayaa lagu sheegay in mas'uuliyiintu ay dhowr masaajid u beddeleen "goobo shaqo" iyo "xarumo dhaqameed" ka dib waxa ay ku tilmaameen "shaqo abuur waxbarasho iyo mid fikradeed".

Kahor ololaha "Sinicization", Muslimiinta Hui waxay siyaabo badan taageero iyo dhiirigelin uga helayeen gobolka, ayuu yiri Dr Theaker.

"Ololaha ayaa si weyn u soo koobay suurta galnimada ah in shiinahadhexdiisa lagu noqdo Muslim, wuxuuna culeyskii dawladda oo dhan saaray aragti gaar ah oo waddaniyad iyo ilaalin diineed.

"Waxay ka tarjumaysaa jihaynta qotada dheer ee Islaam nacaybka ee dawladda, taas oo ka dalbanaysa Muslimiintu inay muujiyaan waddaniyad wax walba ka sarreysa, waxayna khatar u aragtaa calaamad kasta oo 'shisheeye' ah," ayay tidhi.

Hogaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta aduunka oo dhan waa in ay "isweydiiyaan su'aalo oo ay kor u qaadaan welwelka", ayay tiri Elaine Pearson, agaasimaha Human Rights Watch ee Aasiya.

Qowmiyadaha kale iyo diinta laga tirada badan yahay ayuu sidoo kale saameyn ku yeeshay ololaha dowladdu.

Tusaale ahaan, Beijing waxay bilihii la soo dhaafay ku bedeshay adeegsiga "Tibet" "Xizang" - magaca gobolka ee afka Mandarin - dukumentiyada diblomaasiyadeed ee rasmiga ah. Maamulka ayaa sidoo kale ka saaray iskutallaabyada kaniisadaha, waxay xireen wadaado waxayna ka saareen Baybalka dukaamada online-ka ah.