Maxay tahay sababta dowladdan dhallinyarada ugu cadaadinayso inay guursadaan oo ay caruur dhallaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Chen waa gabadh da'yar oo u dhalatay dalka Shiinaha, waxaa ay haasaawe guur la sameeysa in ka badan 20 nin oo ay hooyadeed soo diyaarisay.
Waxay sheegtay in ragga haasaawaha ay la sameeyso qaarkooda ay aad u xun yihiin, sababtoo ah intooda badan ma aysan ka helin rajadii ay ka qabtay, waxaan ay tilmaantay in aysan rabin in carruur ay dhasho taas oo ragu ay ka biyo diideen.
"Dhalitaanka Ilmo aad ayay u dhib badan tahay mana jecli dhallitaanka," ayay tiri Chen, oo ku jirta da'deeda 20-meeyda. Chen waa Magaca awoowgeed mana doonayso in magaceeda oo dhameeystir warbaahinta loo isticmaalo.
"Macquul ma aha in la helo nin aan caruur rabin, Ninku inuusan caruur dhalin waxay la mid tahay in la dilo" ayay hadalkeed sii raacisay.
Inkasta oo ay jireen shukaansi fara badan oo aan guulaysan oo Chen rag kala duwan ay la yeelatay , haddana cadaadiska guurka ee ay ku hayaan waalidkeed ayaan ahaayeen mid yar, waxaan ay xusatay in hadda ay ka baqayso in ay is disho.
Chen wax cadaadiska ku haya ma ahan waalidkeed oo kaliya balse Dowladda iyo Xisbiga haya talada dalkaasi ayaa doonaya in dhalinyaradu guursadaan oo ay caruur dhallaan .
Heerka guurka iyo dhalmada ee Shiinaha ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac weyn , xisbiga shuuciga ee Shiinaha xukuma ayaa ku dhiirigelinaya malaayiin haween iyo rag dhallinyaro ah inay beddelaan arrinta .
Sannadkii hore, tirada dadka Shiinaha ayaa hoos u dhacay markii ugu horreysay muddo 60 sano ah, waxaana heerka guurka uu gaaray halkii ugu hooseeyay. Tirada guurka la diiwaangaliyay ayaa sidoo kale ahyed mid ka yar 6.83 milyan waana halkii ugu yareeyda tan iyo sanadkii 1986.
Hoos u dhac dhaqaalaha iyo shaqo la'aanta sii kordheysa awgeed,ayaa da'yarta Shiinaha ayaa ka weeciyay rabitaanka waalika iyo amarka Dowladda .

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Dowladda oo walaac ka muujinmaysa arinta
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Walaaca dowladda ee arinta ayaa gaaray hoggaamiyaha Shiinaha, waxaana uu dhawaan jeediyay khudbad uu kaga hadlayay baahida loo qabo in la abuuro dhaqan cusub oo guurka iyo dhalmada ah, Waxa uu sidoo kale ka hadlay "hagidda iyo xoojinta guurka " si loo qaabeeyo aragtida dhalinyarada ee guurka, carruurta iyo qoyska.
Guud ahaan dalka waxa laga abaabulay hawl-wadeeno ka shaqeeya sidii dhalinyarada loogu dhiirigelin lahaa in ay guursadaan, iyadoo kuwa is qabana lagu dhiirri galiyey in ubad ay isku dhallan.
Horaantii sanadkan, magaalo yar oo ku taal bariga gobolka Zhejiang ayaa ku dhawaaqday in ay siin doonto lamaanayaasha 1,000 yuan oo u dhiganta ($ 137; £ 108) oo ah "abaalmarin" haddii aroosaddu ay da tahay 25 sano ama ka yar tahay.
Arintan ayaa carro ku abuurtay dadka deegaanka, kuwaas oo ku tilmaamay dawlada hoose inay dhegaha la’ yihiin oo ay u qaateen in lacagta intaa le’eg ay saamayn ku yeelan karto go’aankan weyn.
Dhulka miyiga ah, oo halka ay u badan yihiin ragga aan guursanin ee la daalaa dhacaya sidii ay lamaane ay u heli lahaayeen, ayuu maamulka dumarka ku amray in ay joojiyaan dalabaadka qiimaha sare ee arooska ku baxay.
Khubarada ayaa sheegaya in hoggaanka Dowlladda Shiinaha aysan suurtagal ahayn inay fahmaan waxa u horseedaya go,aanka dhalinyarada, gaar ahaan haweenka ee guurka u diiday.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Khubaradu waxay rumaysan yihiin in dadka aan guursan ee Shiinuhu ka kooban yahay laba kooxood oo aan la isbarbardhigi Karin, kuwaas oo kala ah dumar ku nool magaalooyinka iyo ragga reer miyiga ah.
Ragga reer miyiga ah waxay la halgamayaan rajooyinka abuurid xagga dhaqaalaha, oo ay isku bixin karaan qiimaha arooska ee sare iyo shaqo la isku hallayn karo oo ay ku masruufi karaan qoyska.













