Iska ilaali adeegsiga eradayadan dhaawici kara xiriirka lammaanaha

sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wareerinta ama is-daba-marinta maskaxda ama su'aalo maskaxdaada qasaya oo lagu weydiiyo. Hadafka laga leeyahay ayaa ah si aad u billowdo inaad naftaada su'aalo weydiiso oo aad ka shakido waxa dhabta ah. Dadka ciyaartan ciyaara inta badan waxay u sameeyaan ulakac, iyaga oo ujeeddadoodu tahay inay helaan waxa ay rabaan.

Dr. Cortney S. Warren, oo ah gabar cilmi-nafsiga ka baratay Jaamacadda Harvard, ee dalka Mareykanka ayaa sharraxeysa in mararka qaarkood aan sidaa samayno annaga oo aan xitaa ogeyn in sidaas sameyneyno.

Qaybta ugu dhibka badan ee ciyaartan ayaa ah inaadan xitaa dareemin inay dhacayso. Calaamadda aad ku garaneyso ayaa ah in aad dareemeysa yaab ama hubanti la'aan marka qof wax ku yiraahdo, sida in aadan hubin in aad si sax ah u fakareyso in kale.

Ms. Warren, oo qortay buugga "Letting Go of Your Ex: Skills to Heal the Pain of a Breakup and Overcome Addicction" (2023), waxa ay soo jeedinaysaa in aad nasato markaad maqasho qof shay kugu dhibaya.

Qaado daqiiqad si aad uga fikirto waxa ku dhibaya ee kujiro faalladaas. Ka dib, ogow haddii ay jiraan wax adiga kugu saabsan oo ku dareensiinaya in aad u nugushahay kadibna aad ka shaqeyso sidii aad uga hortagi laheyd.

Ms. Warren waxa ay xalka u kala qaybinaysaa saddex tallaabo:

Ka digtoonow waxa socda, ka fakar, ka dibna tallaabo qaad.

Tallaabadan hadafkeedu waa inay kaa caawiso inaad si fiican u ogaato naftaada oo aad dareento awood gudaha ah, si aad ugu adkaysato marka ay dhacdo in uu lagu weydiiyo su’aalo maskaxdaada wareerinaya.

"Waxaad haysataa hab kuu goonni ah oo aad daraaseyso waxa agagaarkaga ka dhacaya ,sida ay ula falgalayaan dareenkaaga, waayo-aragnimadaada, asalkaaga," ayay leedahay. "Halkaas, waxaad ku kalsoonaan kartaa naftaada inaad si ixtiraam leh u xalliso xaalad kasta."

Marka aad ku dhex jirto muran oo arrimuhu qallafsan yihiin, waa kuwan sida aad u maarayn karto qaar ka mid ah weedhahaas qalafsan:

Dhakhtarka Cortney S. Warren waa khabiir ku takhasustay xiriirka lamaanayaasha

Xigashada Sawirka, CORTESIA

Waad waalan tahay/ si xad dhaaf ah ayaad u falcelinaysaa:

Qof ayaa laga yaabaa inuu isku dayo inuu ku dareensiiyo inaadan si cad u fekerin.

Ha u oggolaan. Waxaad dhihi kartaa, "Hadda, tani waa sida aan dareemayo oo aan wax u arko. Waa caadi haddii aadan oggolayn. Dareenkaygu waa sax."

Waan kaftamayay

Mararka qaarkood dadku waxay yiraahdaan wax aan micno lahayn, ka dibna waxay iska dhigaan inay kaftamayaan.

Haddii ay taasi dhacdo, waxaad u sheegi kartaa, "Xitaa haddii aad u malaysay inay tahay madadaalo, waxay dhaawacday dareenkayga.

Kaftanka noocaas ah maaha mid qabow.

Adiga ayaa igu kallifay inaan sameeyo/waxaas oo dhan waa khaladkaaga:

Dadka raba inay ku maamulaan waxaa laga yaabaa inay kugu eedeeyaan falalkooda.

Xusuusnow, adigu masuul kama tihid sida ay u dhaqmaan. Waxaad u sheegi kartaa, "Adiga ayaa go'aansaday in aad sidaas u dhaqanto, ma aha khaladkeyga."

sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii aad i jeceshahay, ma samayn lahayd sidaan ama ma ii oggolaan lahayd inaan taas sameeyo

Waxa laga yaabaa inay isku dayaan inay ku dareensiiyaan in aad dambiile tahay inaadan samaynin waxay rabaan.

Aad u adkayso waxaadna ku tirahdaa, "Ma samayn doono wax aanan raalli ka ahayn. Ma aha inta aan ku jeclahay ee waxa ay tahay in aan raali ku ahay in aan sameeyo."

Qof kastaa wuu igu raacsan yahay, laakiin adigu...

Qof ayaa laga yaabaa inuu yiraahdo dhamaan dadka kale way igu raacsan yihiin adiga un mooyee, si ay kali kaaga dhigaan.

Ha ku dhicin dabinkaaas oo kudheh, "Waxaan rabaa inaan maqlo ra'yigaada, majirto wax iga galay sida ay dadka kale u fakarayaan.’’

Sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhibka dhabta ah waa...

Haddii ay baddalaan mawduuca, kusoo celi. Waxaad dhahdaa, "Aan ka hadalno waxa kuhimka ahinta arrimaha kale waxaan kahadli doonaa mar kale."

Ciyaarta wareerinta maskaxda waxay noqon karaa mid dhib badan, laakiin hadda waxaad garanaysaa sida loo ogaado oo loola dagaallamo.

Xusuusnow, fikradahaaga iyo dareenkaagu waa muhiim, oo waxaad leedahay awood aad naftaada ugu istaagto. Xoog yeelo!