Maxaan ka naqaan Amiir Jaamac Maxamed Mire oo horaan lagu dilay Laascaanood

Madaafiic teel teel ah oo subaxnimadii 13 kii Agoosto ee sannadkan kusoo dhacayey magaalada Laascaanood ayaa galaaftay nolosha 4 qof, sida ay markaas noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Sedex qof oo ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha bakhaar magaalada ku yaalla oo uu madfac ku dhacay, halka nabadoon Amiir Jaamac Maxamed Mire uu isna ku dhinta madfac ku haleelay goobta uu ku sugnaa.
Waa kumaa Amiir Jaamac Maxamed Mire?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Amiir Jaamac maxamed Mire oo lagu naanaysi jirey Digaale, wuxuu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadkii 1942. Yaraantiisii wuxuu ku koray miyiga magaalada, kadibna wuxuu u soo wareegey magaalada Laascaanood oo aabbihii Maxamed Mire ka mid ahaa dadkii aasaasay magaalada ganacsina ku haystey.
Noloshiisu waxay u badnayd dhinaca ganacsiga iyo nabadaynta bulshada Soomalida. Ganacsigii ugu ballaadhnaa wuxuu ku lahaa magaalada Burco, wuxuu ahaa milkiilaha Hotel Daalo, dhanka kale wuxuu ka ganacsan jiray xoolaha.
Amiir Jaamac muddadii burburkii dawladdii Soomaaliya wuxuu door laxaad leh ka qaatay dadaalladii nabadeed ee lagu heshiisiinayey beelaha reer woqooyiga gaar aha shirarkii Ceerigaabo oo ah meesha uu ka raacay magaca Amiirku.
Amiir Jaamac wuxuu soo qabtay xilka guddoomiyaha gobolka Sool sannadihii 1999-2001.
Sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa nin oday ah oo laasimay masaajidka, muxtarimna ka ah magaalada, sida uu noo sheegay qof qaraabadiisa ah.
Amiir wuxuu aabbe u ahaa 13 carruur ah oo kala ha 7 wiil iyo 6 gabdhood.
Dadka degaanka sidee ayay u arkaan nabaddoonka?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo kamid ah dadkii aqoonta u lahaa Amiir Jaamac ayaa oo BBC-da lahadalay ayaa yiri " Wuxuu diidey in uu magaalada ka baxo, waxaana uu yiri ka bixi maayo oo inaan ka qaxo waxaa iiga roon inaan ku dhinto" sidaa waxaa garaadka u sheegay Allaha u naxariistee Amiir Jaamac oo maanta ku dhintay Laascanood.
Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in marxuum Amiir Jaamac uu ahaa ganacsade, xiliyadii u dambeeyeyna waxa uu u jeestey buu yiri dhanka diinta oo masaajidka kama bixi jirin, iyo in uu ahaa nin markay murugto talada loola tago.
Axmed Cali Dheere oo ka mid ah dadkii aad ugu dhowaa marxuum Amiir Digaale oo isna BBC-da la hadalay ayaa yri "Anigu ma garanayo wax kale oo aan ku tilmaamo oo aan ka ahayn in qof qiimo leh uu bulshada kabaxay, waxaa naga baxay shakhsi aanan wanaagiisa waxaan aan ku tilmaami karo aanay jirin"
Axmed Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in marxuum Amiir Jaamac uu ahaa nin aan gogosha nabadda ka maqnaanin ''tan iyo burburkii dawladii Soomaaliya gogol nabadeed oo gobollada ka dhacday oo uu ka maqnaa ma maqal." Ayuu yri Axmed Cali Dheere.
Sida uu dagaalka Laascaanood ku billowday

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Bishii February, dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi.
Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.
Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay caro aad u weyn.
Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.
Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.
Horey Somaliland ayaa ugu dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo kala duduwan.













