Maxay damacsan yihiin dhinacyada maanta ku dagaallamay Laascaanood?

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Wararka ka imaanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in weli halkaa laga maqlayo rasaas xoog leh oo isugu jirta kuwa yaryar iyo kuwa qoryaha lidka diyaaradaha, taasoo bilaabatay saaka 6-dii subaxnimo.
Rasaasta ayaa la aaminsan yahay inay u dhaxayso ciidanka milateriga ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidan kuwa deegaanka ah. Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dhinaca kale Somaliland ayaa war saxaafaadeed ay soo saartay ku sheegtay in kooxo hubaysan oo ay soo abaabuleen wax ay ugu yeereen "garaadada nabadiidka ah ay ciidankooda weerar ku soo qaadeen".
Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) oo ah afhayeenka guddi ka kooban 33 oday dhaqameed oo reer Laascaanood ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen si loo carqaladeeyo shirkii ay maanta kusoo gabagabeynayeen halkaas.
"Xabadda is dhaafeysa midda weyn iyo midda yar tiro ma leh, meel hadda xilli wax la iska wareysan karo lama joogo, dhimasho iyo dhaawac fara badan baa jira, inta aan ognahay dhimashadu waxya mareysaa dhowr iyo labaatan qof dhaawucan in ka badan boqol buu marayaa," ayuu yiri.
Waxa uu beeniyay hadalka lagu sheegay warka kasoo baxay dhinaca Somaliland ee ah in ay dadka deegaanka billaabeen rasaasta.
"Arrintaa waxbo kama jiraan waana been, saaka waxaan u ballansaneyn in aan soo gabagabeyno shirkii maalmahan soo socday, qabashada shirka ayaan iska diyaarsaneynay, 11:30 dhinaca bariga ee magaalada ayay xabbadda kaga soo bilaabeen," ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug)
Waxa uu intaas ku daray in sababta dagaalka loogu soo qaaday ay ahayd in laga hor istaagayay shirka.
"Ujeedadoodu waxay aheyd in shirkaas aan war murtiyeed laga soo saarin oo ay dadka kala ceyriyaan tiina kuma aysan guuleysan war murtiyeedkiina waa lasoo saaray dagaalkiina wuu socdaa," ayuu yiri.
Dagaalka ayaa inta badan ka socday dhinaca bari ee magaalada Laacaanood, sida uu sheegay afhayeenka.

Xigashada Sawirka, Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabdirisaaq ayaa sheegay in dadka deeganaka oo is abaabulay ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan si ay isaga difaacaan ciidamada Somaliland.
"Dadka iyaga ayaa is abaabulay, garaaddada shir nabadeed bey hayeen oo maanta ay diyaar u ahaayeen xiritaankiisa, ciidanka saarkiil baa heysata oo hoggaamineysa dadka iyaga ayaa is hoggaaminaya waa dad shicib ah waa dad aan militeri aheyn oo aan tababarneyn, haddii gurigaaga laguugu soo galo waxaa waajib ah in aad difaacato maatadaada, garaaddada xabbad ma ridaan, waxaa diyaar loo yahay in aan difaaca wada galno" ayuu yiri.
Afhayeenka guddiga oday dhaqameedka Laascaanood ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal.
"Waxaan mar hore codsannay in nimankaas ay gobolka ka baxaan, ciidankana nalaga dulqaado haddii loo baahan yahay waa la wadahadli karaa, nin xabada dhafoorka kaaga haya wadahadal lalama furi karo, xal lalama gaari karo tii aan ka digeynay ayaa maanta dhacday xabbadana wey socotaa," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada, rasaasta ayaa u soo durugtay gudaha magaalada ka dib markii ay muddo ka socotay dhinaca bari.
Jawaabta Somaliland

Xigashada Sawirka, Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL
Wasiirka aarimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo saxaafadda la hadlayay ayaa garaaddada Laascaanood ku eedeeyay inay soo abaabuleen dagaalkii maanta ka dhacay halkaas.
Wuxuu intaa ku daray in ciidamada uu sheegay in "ay soo abaabuleen garaaddada" oo sita hub culus ay weerar ku qaadeen saldhiyada militeriga Somaliland ku leeyihiin Laascaanood.
"Shaleyto isimada waxay ku dhawaaqeen inay soo saarayaan go'aan, horey waxay u iclaamiyeen inay dagaal sameynayaan, fadhigii saaka ay isugu imaan lahaayeen waxaa kasoo horumaray in ciidan hubeysan oo tikniko wata oo hoobiyeyaal wata oo baasuukayaal wata ay weerareen qaar ka mid ah xeryihii ciidamada qaranka, ilaa iyo hadda ciidamada qaranku wey iska caabbiyeen xeryahoodiina mey dhaafin, ilaa iyo hadda waxaa weerarka wada ciidamadii ay garaaddadu soo abaabuleen," ayuu yiri.
Wasiika arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku baaqay in nabadda la ilaaliyo isla markaana la joojiyo xabadda.
"Dagaalka saaka ujeeddadiisu waxaa weeye waa kii markii hore ay ku dhawaaqeen dagaal lagu xoreynayo Laascaanood kii ayaa maanta lasoo dadajiyay, waxaan ku baaqeynaa in la ilaaliyo nabadgalyada oo xabbada la joojiyo," ayuu yiri Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland.
Xaalka Laascaanood ayaa cakirnaa muddooyinkan, kadib rabshadihii ay dadku ku dhinteen ee ka dhacay kuwaas oo ka billowday dilka nin dhalinyaro ahaa oo lagu maacaabi jiray Cabdifitaax Hadraawi.
Dhawrkii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada shir uga socday odayaasha dhaqanka ee magaalada oo sheegay in ay ka tashanayaan aayahooda.










