Yaa burburiyay saddexdii diyaaradood ee dagaalka Maraykanka, sideese loo burburiyay?

Xigashada Sawirka, US Air Force
Hir cusub oo xiisad daran ah ayaa ka bilaabatay Bariga Dhexe Sabtidii, markii Maraykanka iyo Israa'iil ay ku dhawaaqeen inay weerarro ku qaadeen Iiraan.
Weeraradaas jawaabtooda, Iiraan ma aha oo kaliya inay weerartay Israa'iil, balse sidoo kale waxay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay dhowr ka mid ah xulafada Maraykanka ee Bariga Dhexe.
Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Kuweet, Baxrayn iyo dalal kale oo gobolka ka tirsan ayaa cambaareynaya weerarrada Iiraan, waxayna uga digayaan Tehraan inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan.
Dalal badan oo ka mid ah kuwaas waxaa ku yaala ama ku sugan saldhigyo milatari ama askar Maraykan ah. Sidaas darteed, Isniintii ayaa warar soo baxay oo sheegaya in saddex diyaaradood oo Maraykan ah lagu burburiyay Kuweet.
Jawiga dagaalka awgiis, dadku waxay u qaateen in diyaaradahaasi lagu burburiyay weerar Iiraan ah, balse arrintu sidaas ma aha. Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay in saddexdiisa diyaaradood ee F-15E ay ku burbureen Kuweet "shil rasaas saaxiibtinimo" ah (friendly fire).
Faahfaahinta sida ay arrintu u dhacday way iman doontaa, balse marka hore waa muhiim in la ogaado waxa ay Kuwayt ka tiri arrintan.
Mowqifka dowladda Kuwayt
Wasaaradda Difaaca ee Kuwayt ayaa Isniintii bayaan ku xaqiijisay burburka dhowr diyaaradood oo Maraykan ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaankaas ayaa sheegay in shaqaalihii saarnaa diyaaradaha aanay waxyeello soo gaarin, loona gudbiyay isbitaal si baaritaan caafimaad loogu sameeyo. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay inay la shaqaynayso xulafadeeda Maraykanka si loo ogaado sababaha keenay burburka diyaaradaha.
Waxaase muuqata in baaritaannada la soo gabagabeeyay, iyadoo CENTCOM ay soo saartay bayaan faahfaahsan.
Maxay CENTCOM sheegtay?
CENTCOM waxay sheegtay in saddexdeeda diyaaradood ee F-15E Strike Eagle, kuwaas oo ka qayb qaadanayay hawlgal la xiriira howlgalka Cadhadad Darran "Epic Fury" ee Iiraan, ay ku burbureen Kuweet kadib shil rasaas saaxiibtinimo ah.
Bayaanka CENTCOM ayaa lagu sheegay in "intii lagu jiray dagaalka, oo ay ku jireen iska horimaadyo lala galay diyaarado Iiraani ah, gantaallo baalistig ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, nidaamka difaaca cirka ee Kuweet uu si khalad ah u soo riday diyaaradaha Maraykanka."
Sida ay CENTCOM sheegtay, lix ka mid ah shaqaalihii diyaaradaha saarnaa way badbaadeen, xaaladdooduna waa deggan tahay.
CENTCOM waxay sidoo kale uga mahadcelisay ciidamada difaaca Kuweet taageerada ay ka geysteen hawlgallada socda.
Maxay yihiin sifooyinka diyaaradda F-15 Strike Eagle?
Sida ku cad bogga Ciidamada Cirka ee Maraykanka, F-15 Strike Eagle waa diyaarad dagaal oo awood u leh hawlgallo cirka-ka-cirka ah iyo cirka-ka-dhulka ah.
Waxay duuli kartaa joog hoose, waxayna fulin kartaa hawlgallo habeen iyo maalinba, xilli kasta oo cimilo ah. Macluumaadka lagu daabacay bogga Ciidamada Cirka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaraddu awood u leedahay inay beegsato cadowga masaafo dheer, kuna qalabeysan tahay nidaamka raadaarka APG-70 oo awood u leh inuu meel fog ka ogaado bartilmaameedyada dhulka yaalla.











