Hoggaamiyeyaasha caanka ah ee Iiraan looga dilay weerarka Israa'iil iyo Mareykanka

Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Weerarrada ay Israa'iil iyo Mareykanku ku qaadeen Iran ayaa Bariga Dhexe geliyey marxalad colaad cusub ah, taas oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tilmaamay mid soo afjaraysa "khatar amni oo Washington wajahaysay isla markaana siinaysa Iiraaniyiinta fursad ay ku afgambiyaan hoggaamiyayaashooda."

Liiska bartilmaameedyada mowjaddii ugu horreysay ee duqeymaha cirka, oo Waaxda Difaaca Mareykanka ugu magac dartay Hawlgalka "Epic Rage," waxaa ku jiray mas'uuliyiin Iiraaniyihiin ah.

Mas'uuliyiinta Iiraan ee lagu dilay duqeymaha ay Mareykanka iyo Israa'iil fuliyeen waxaa ka mid ahaa Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei.

Weerarradu waxay sidoo kale sababeen dhimashada tiro ka mid ah hoggaamiyayaal ciidan iyo siyaasiyiin caan ka ahaa Iiraan.

Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in uu dilay 40 taliye sare oo milatari bilowgii duqeymihii ay ku qaadeen Iiraan.

Kuwa soo socda waa xogta ugu muhiimsan ee laga heli karo hoggaamiyayaashan ay Tehran shaacisay in ay ku dhinteen hawlgalka milatari.

Aziz Nasirzadeh – Wasiirka Difaaca Iiraan

Waa wasiirkii Difaaca Iiraan oo lagu dilay duqeymihii Mareykanka iyo Israa'iil ka gaysteen Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasiirka Gaashaandhigga Iiraan, Aziz Nasirzadeh, ayaa ka mid ahaa dadka ay warbaahinta dowladda Iiraan iyo ilo kale xaqiijiyeen dhimashadiisa, taasoo ka dhalatay weerarradii ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Tehran Sabtidii, 28-dii bishii Febraayo.

Aziz Nasirzadeh waxa uu ku dhashay magaalada Sarab ee gobolka East Azerbaijan, waqooyi-galbeed ee Iran, horraantii Janaayo 1964.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu bartay duuliyinimo, wuxuu qaatay tababaro dheeraad ah gudaha iyo dibadda Iiraan, oo ay ku jirto Pakistan, isaga oo ku takhasusay duulista diyaaradaha dagaalka. Markii uu qarxay dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Ciraaq (1980–1988), wuxuu ku biiray cutubka xeeladaha ee F-14, wuxuuna ka qayb qaatay duullimaadyo dagaal oo culus afartii sano ee ugu dambeysay dagaalka.

Markii uu dagaalku dhammaaday, Nasirzadeh wuxuu qabtay jagooyin sare oo kala duwan gudaha iyo dibadda Iiraan. Wuxuu sannado ku qaatay Talyaaniga, halkaas oo uu ka ahaa ku-xigeenka milatari ee Iiraan ee Rome, ka hor inta uusan dib ugu laaban Iiraan si uu u hoggaamiyo waaxda dagaalka elektaroonigga ee Taliska Hawlgallada Ciidanka Cirka.

Kadib wuxuu noqday Agaasimaha Waaxda Macluumaadka, ka dibna Mas'uulka Qorsheynta iyo Miisaaniyadda ee Ciidanka Cirka. Intii u dhexeysay 2009 iyo 2017, wuxuu ahaa Taliyaha Shaqaalaha (Chief of Staff) ee Ciidanka Cirka.

Markii dambe waxaa loo magacaabay Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidanka Cirka, balse hal sano oo keliya ayuu xilkaas hayay ka hor inta aan loo wareejin Waaxda Qorsheynta, Miisaaniyadda iyo Arrimaha Baarlamaanka ee Ciidanka Iiraan muddo kooban.

Magaca Nasirzadeh ayaa loo gudbiyay baarlamaanka si uu ula wareego Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo ka mid ahaa xubnaha lagu soo jeediyay golaha wasiirrada ee la soo bandhigay kadib guushii Madaxweyne Masoud Pezeshkian ee doorashadii madaxtinnimada bishii Luulyo 2024-kii.

Kadib sagaal fadhi oo la xiriiray qiimeynta kartida wasiirrada, wuxuu helay heerka oggolaanshaha ugu sarreeya ee 19-ka wasiir, isagoo taageero ka helay 281 ka mid ah 289 xildhibaan.

Cali Shamkhani – Xoghayihii Golaha Sare ee Difaaca

Shamkhani Xoghayihii Golaha Sare ee Difaaca

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wakaaladaha wararka ee dawladda Iiraan ayaa xaqiijiyay geerida Cali Shamkhaani, oo ahaa la-taliyaha Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Cali Khamenei, ka dib weerarro ay geysteen Israa'iil iyo Mareykanka.

Shamkhaani wuxuu dhashay sannadkii 1955-tii isagoo ku dhashay magaalada Ahvaz. Waa carabi reer Iiraan ah oo ka soo jeeda gobolka Khuzestan, wuxuuna dhalay afar carruur ah. Kahor kacdoonkii Iiraan, wuxuu ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo looga soo horjeeday nidaamkii Shaah-ka, waana la xiray.

Sannadkii 1975-tii, wuxuu wax ka aasaasay kooxda hubeysan ee "Mansouroun" Mohsen Rezaei iyo rag kale, taas oo markii dambe noqotay udub-dhexaadka Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guard). Kacdoonkii ka dib, isaga iyo saaxiibadiis waxay wada aasaaseen ururka "Mujaahidiinta Kacaanka Islaamiga ah" si ay uga hortagaan ururka Mujaahidiinta Shacabka (People's Mujahedin Organization).

Balse markii la aasaasay Ilaalada Kacaanka iyo go'aankii Khumeyni ee ahaa in ciidanka laga fogeeyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, Shamkhaani iyo asxaabtiisii way ka baxeen, ururkiina waa uu burburay ka hor inta aan dib loo soo nooleyn 1991-kii iyadoo loogu magac daray "Ururka Mujaahidiinta Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan".

Shamkhaani wuxuu ahaa shakhsiyad caan ku ah dhinacyada milateriga iyo amniga ee nidaamka. Waxaa loo arkayay "shaqsi uu nidaamku ku kalsoon yahay," wuxuuna isku tilmaamay inuu yahay "wiilka kacaanka," isagoo yiri: "Aqoonsigayga oo dhan wuxuu ka yimid kacaankan, waxaana weli isu haystaa inaan ahay askari ka tirsan."

Wuxuu caan ku ahaa dhexdhexaadnimo qaraabo ah, wuxuuna ka mid ahaa dadka tirada yar ee ku haray masraxa siyaasadda, milateriga, iyo amniga tan iyo guushii kacaanka. Sanadihii ugu dambeeyay, taariikhdiisa siyaasadeed iyo tan milateri waxaa hareeyay dhaleeceyn ku saabsan hantida wiilashiisa iyo arooskii qaaliga ahaa ee gabadhiisa oo ka dhacay huteelka Espinas Palace ee Tehraan.

Qiyaastii siddeed bilood ka hor, waxaa faafay warar sheegayay in lagu dilay wareeggii hore ee iska horimaadyada Iiraan iyo Israa'iil, laakiin maalmo ka dib warbaahinta ayaa shaacisay inuu ku dhaawacmay oo uu ka badbaaday weerarkii Israa'iil.

Muddo ma uusan soo muuqan fagaareyaasha, ilaa uu ka qayb galay aaska tiro ka mid ah taliyayaasha Ilaalada Kacaanka. Kadib, isla fiidnimadii, wuxuu ka soo muuqday barnaamij war bixin ah oo ka baxay telefiishanka dawladda, halkaas oo uu kaga sheekeeyay habeenkii weerarkii Israa'iil, sheekadaas oo la kulantay dhaleeceyn iyo shaki.

Maxamed Pakpour, taliyihii ku hanjabay in Israa'iil uu "albaabbada naarta" u furi doono

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbaahinta Iiraan ayaa xaqiijisay dilka Sarreeye Guud Maxamed Pakpour, oo ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC).

Maalintii koowaad ee Dagaalkii 12ka Maalmood , oo ku beegnayd Juun 23, 2025, ka dib dilkii Hossein Salami, Mohammad Pakpour waxaa heerka darajada looga dallacsiiyay Janaraal loona dallac siiyay Sarreeye Guud, isagoo noqday Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka.

Isla maalintaas, Sarreeye Guud Mohammad Pakpour wuxuu warqad u qoray Cali Khamenei isagoo yiri: "Si loo fuliyo ballan-qaadkii Imaamkeenna aan jecelnahay iyo qaaciddadiisii, loogana aarguto dhiigga taliyeyaashii, saynisyahannadii, iyo dadkii dhiiggooda u hibeeyay dalka, albaabbada naarta ayaa dhowaan loo furi doonaa nidaamkan carruurta xasuuqa."

Siddeeddii bilood iyo maalmihii yaraa ee uu ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka, wuxuu had iyo jeer xoogga saari jiray u diyaargarowga dagaalka, horumarinta awoodda gantaallada, iyo hanjabaadaha tooska ah ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa'iil.

Mohammad Pakpour wuxuu dhowr jeer ka digay in ciidamada IRGC ay joogaan "heerka ugu sarreeya ee diyaargarowga" iyo in "farteennu ay saaran tahay kiciyaha gantaalka," isagoo sheegay in khalad kasta oo ay sameeyaan Washington ama Talaabiib ay kala kulmi doonaan jawaab degdeg ah.

Jeneraal Maxamed Pakpour, oo ku dhashay magaalada Arak ee dalka Iiraan sannadkii 1961-kii, wuxuu ahaa taliye muddo dheer ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC). Ka hor intaan loo magacaabin taliyaha guud ee ciidanka, wuxuu muddo 16 sano ah ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga. Pakpuur wuxuu door firfircoon ka qaatay qalalaasihii amniga ee horraantii kacaankii Iiraan, gaar ahaan Kurdistan. Intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, wuxuu ahaa taliyaha cutubka gaashaaman ee IRGC, dagaalka ka dibna, wuxuu la wareegay taliska Qaybta 8-aad ee Najaf Ashraf iyo Qaybta 31-aad ee Ashura. Waxaa kale oo uu ku dhaawacmay dagaalkii, wuxuuna ka mid ahaa taliyayaasha khibradda u leh dagaalka rasmiga ah iyo kan jabhadeynta.

Dagaalka ka dib, Pakpuur wuxuu qabtay mas'uuliyado badan oo ka dhex jiray qaab-dhismeedka taliska IRGC, oo ay ku jiraan taliska saldhigyada Nusrat iyo Shomal, ku-xigeenka madaxa hawlgallada guud ee IRGC, iyo madaxa shaqaalaha ee Ciidanka Dhulka. Sannadkii 2009-kii, isagoo amray Cali Khamenei, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada dhulka ee IRGC. Muddadaas, wuxuu horumariyay cutubyo gaar ah, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray amniga xudduudaha iyo ka hortagga "hanjabaadaha gudaha iyo kuwa gobolka."

Wuxuu haystaa shahaadada mastarka ee juqraafiga oo uu ka qaatay Jaamacadda Tehran iyo dhakhatarnimo (PhD) dhanka juqraafiga siyaasadda ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Tarbiat Modares. Wuxuu ka helay Shahaadada Guusha, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, wuxuuna ka mid ahaa taliyayaasha magacyadooda ku qoran liiska cunaqabataynta Mareykanka. Sannadkii 2021, Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku soo rogay cunaqabatayn doorkii uu ku lahaa caburinta mudaaharaadyadii Noofambar 2019 dartood.

Wareysiyadiisa iyo faallooyinkiisa, Maxamed Pakpuur wuxuu xoogga saaray arrimo ay ka mid yihiin baahida loo qabo u diyaar garowga dagaalka isku-dhafka ah iyo doorka IRGC ee ilaalinta amniga gudaha. Wuxuu kaloo ahaa u-doodaha ugu weyn ee doorka IRGC ee qaybaha rayidka.

Abdolrahim Mousavi, taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida Iiraan

Iiraan

Xigashada Sawirka, khamenei.ir

Sareeye Gaas Cabdulraxiim Muusavi, oo ku dhashay magaalada Qom sannadkii 1955-tii, waa shakhsiyad ruug-caddaa ah oo ka tirsanaa ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Magacaabistiisa xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo arkay inay tahay isbeddel weyn oo ku yimid qaab-dhismeedka taliska milatariga Iran, maaddaama ay ahayd markii ugu horreysay ee xilkan—oo markii hore ay had iyo jeer hayn jireen taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka (IRGC)—loo dhiibo taliye ka tirsan ciidanka joogtada ah.

Sida ay sheegayaan khubarradu, in kasta oo isbeddelkani uu calaamad u noqon karo dib-u-qeexidda doorka ciidanka ee qaab-dhismeedka milatari ee Iran, haddana xaaladaha hadda jira iyo dilka tiro badan oo ka mid ah taliyayaashii ugu sarreeyay ee IRGC, magacaabistaan waxaa laga yaabaa inay ku timid daruuri.

Cabdulraxiim Muusavi wuxuu ku biiray ciidanka sannadkii 1979-kii, isagoo waxbarashadiisa ka bilaabay Jaamacadda Saraakiisha Ciidanka. Wuxuu haystay shahaadada PhD ee Maamulka Gaashaandhigga oo uu ka qaatay Jaamacadda Gaashaandhigga Qaranka. Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Iran iyo Ciraaq, wuxuu ka tirsanaa cutubka madaafiicda ee jiidaha Galbeedka (Kurdistan) iyo Koonfur-galbeed (Khuzestan), isagoo ka qayb qaatay hawlgalladii Valfajr 4 iyo 9, Beit al-Maqdis 5, Qader, iyo Nasr. Wuxuu door muuqda ku lahaa dagaalkaas, waxaana loo tixgeliyaa "halyeey dagaal."

Dagaalkii Iran iyo Ciraaq ka dib, Muusavi wuxuu si degdeg ah uga dallacay darajooyinka ciidanka. Sanadihiisii hore, wuxuu soo noqday:

Guddoomiyaha Jaamacadda Saraakiisha ee Imam Ali.

Taliyaha xarunta dhexe ee Nazaja ee waqooyi-bari.

Ku-xigeenka agaasimaha tababarka iyo qorshaynta ciidanka dhulka.

Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2008, wuxuu ahaa Taliyaha Isku-dhafka ee Ciidanka, ka dibna wuxuu ahaai Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidanka ilaa sannadkii 2016. Wuxuu ahaa Ku-xigeenka Taliyaha Shaqaalaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ilaa 2017-kii, markaas oo loo dallacsiiyay darajada Sareeye Gaas, loona magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka (Artesh), isagoo xilkaas hayay muddo siddeed sano ah.