Sidee Maraykanka iyo Israa'iil u qorsheeyeen muddo bilooyin ah dilka Khamenei

Khamenei
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Weerarka lagu dilay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ma dhicin habeen saq dhexe sida la filayay, balse waxa uu dhacay arooryadii Sabtida.

Sababtu waxay ahayd Maraykanka iyo Israa'iil waxay go'aansadeen inay ka faa'iideystaan sirdoon muhiim ah oo la helay saacado ka hor.

Muddo bilo ah waxay daawanayeen daqiiqad fursad ah marka ay dhici karto in madaxda sare ee Iiraan ay kulmaan waxayna ogaadeen Khamenei inuu joogi doono xarun ku taal bartamaha Tehran subaxnimada Sabtida.

Waxa kale oo ay hubsadeen halka ay isku mar ku shirayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka.

Muddo bilo ah Mareykanka iyo Israa'iil waxay la socdeen dhaq-dhaqaaqa hoggaamiyaha ugu sarreeya. Qaababka saxda ah ee ay isticmaaleen ayaa ah kuwo sir ah inkastoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uu si maldahan uga hadlay.

"Waxa uu awoodi waayay in uu ka fogaado sirdoonkayaga iyo hababka dabagalka aadka u casrisan".

Tani waxay noqon kartaa xog laga helayo ilo bini'aadam ah oo dib u soo tabinaya akhbaarta, laakiin waxay u badan tahay inay noqoto dabagal farsamo oo ay sameeyeen shakhsiyaadka Iiraan iyiin ah.

Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii June ee la soo dhaafay, Israa'iil waxay bartilmaansatay saynisyahano iyo saraakiil xiriir la leh barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, waxaana la sheegay in ay adeegsanayeen dhex galka isgaarsiinta iyo nidaamyada taleefannada gacanta si ay u fahmaan dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taas oo ay ka mid ahayd in mararka qaar lala socdo dhaq-dhaqaaqa ilaalada ee lala xiriirinayo saraakiisha muhiimka ah.

Muddada dheer marka la eego , tani waxay gacan ka geysan kartaa dhisidda "qaab nololeed" si loo saadaaliyo loona fahmo dhaqdhaqaaqa iyo sidoo kale raadinta xilliyada ay ugu nugul yihiin.

Iiraan waxa ay ogaatay in hogaamiyaha ugu sareeya ay indhaha ku hayaan cadawgeeda sidaa darteed guuldarada ah in la aqoonsado oo wax laga qabto itaal xumidaas ayaa ah mid muujinaysaa fashil qoto dheer oo ku yimid amniga Iiraan iyo sirdoonka ama hadii kale awooda Israel iyo Maraykanka ee ah in ay sii wadaan la qabsiga hababkooda si ay u helaan qaabab cusub oo raadraac ah.

Iiraaniyiintu waxa kale oo laga yaabaa in ay ku xisaabtameen in weerar maalinnimada la soo qaado uu ahaa mid aysan u badnayn inuu dhaco.

Xaaladdan oo kale, sirdoonku wuxuu ka yimid CIA laakiin sida wargeyska New York Times uu sheegay, kaasoo loo gudbiyay Israa'iil si ay u fuliyaan weerarka dhabta ah.

Calaamadaha ayaa ah in ay jirto kala qaybsanaan shaqo iyadoo Israa'iil ay diiradda saarayso weerarrada lagu beegsanayo bartilmaameedyada hoggaanka iyo Maraykanka oo dheeraad ah oo ku wajahan bartilmaameedyada militariga.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xog muhiim ah oo sirdoon ayaa laga gudbiyey dhaqdhaqaaqa hoggaamiyaha ugu sarreeya iyo saraakiisha kale si awood loogu yeesho in la qorsheeyo weerar loo adeegsado diyaaradaha kuwaas oo ridi kara gantaallada riddada dheer.

Halkii weerar mar kaliya dhaca laga samayn lahaa, qorshuhu wuxuu ahaa in weerarkani uu astaan u noqdo billowga olole ballaaran, hore ayaana loo sii waday si looga faa'iidaysto fursadda.

Waxay ku qaadan kartaa ku dhawaad laba saacadood in diyaaradaha Israel ay gaaraan Tehraan balse ma cadda fogaanta ay rasaaska ka rideen.

Markii go'aanka la qaatay, diyaaradaha Israa'iil ayaa la sheegay inay 30 bam u adeegsadeen xaruntaas abaarihii 09:40 xilliga dalkaas.

Tani waxa laga yaabaa inay ahayd sababtoo ah hogaamiyaha ugu sarreeya ayaa wali isticmaalayay godad dhulka hoostiisa mara oo ka hooseeya xarunta si uu isku ilaaliyo.

Waxaa laga yaabaa in loo baahday hub fara badan si loo aaso si loo hubiyo insi saani ah loo beegsaday bartilmaameedka.

Goobo kale oo ku yaal caasimadda Iran ayaa sidoo kale la duqeeyay, oo ay ku jiraan xafiiska madaxweyne Masoud Pezeshkian oo markii dambe bayaan uu soo saaray uu ku sheegay inuu bedqabo.

Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan difaaca Iiraan ayay Iiraan xaqiijisay inay dhinteen, oo ay ku jiraan xoghayihii golaha difaaca Ali Shamkhani, wasiirkii gaashaandhigga Brig Gen Aziz Nasirzadeh iyo taliyaha IRGC Gen Mohammad Pakpour.

Markii ay diyaaraduhu weeraraka qaadayeen, waxay u ahayd saqdii dhexe ee habeennimo Mar-a-Lago, Florida halkaas oo madaxweyne Trump uu kula kulmay qaar ka mid ah saraakiishiisa sare si ay ula socdaan dhacdooyinka.

Saacado aye qaadanaysay ka hor inta aan la xaqiijinin in la dilay hoggaamiyaha ugu sarreeya.

Iiraan ayaa loo diyaariyey suurtagalnimadan inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in qorshaha khaarajinta uusan ahayn Khamenei kaliya ahayn, balse sidoo kale loo dejiyay saraakiil sarsare.