Sidee dagaalka Bariga Dhexe u saameyn karaa dalallka Afrrika?

Colaadda Bariga Dhexe ayaa saameyn ku yeela karta dalalka Afrika

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Sii xoogaysashada dagaalladu waxay halis ku yihiin inay sii huriyaan xiisadaha dunida, oo saameyn weyn ku yeelan kara ganacsiga tamarta, amniga cuntada iyo dhaqaalaha – gaar ahaan Afrika, halkaas oo colaado iyo xasillooni darro dhaqaale ay weli ka jiraan.

Tani waxay qayb ka ahayd bayaan uu soo saaray Midowga Afrika Sabtidii, kadib markii Israa'iil iyo Maraykanku ay weerarro ku qaadeen Iiraan. Midowga Afrika ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya inay muujiyaan is-xakameyn, yareeyaanna xiisadda, isla markaana dib u bilaabaan wada-hadallada.

Aan wax yar dib ugu noqono: Markii Ruushku uu ku duulay Ukraine bilowgii sanadkii 2022-kii, Afrika waxay si toos ah u dareentay saameynta dagaalka kadib markii ay bilaabatay dhibaato cunto, oo ay ka mid ahaayeen qiimaha cuntada oo sare u kacay, gaar ahaan sarreenka iyo saliidda.

Warbixin ay soo saartay Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) bishii Abriil ee isla sanadkaas ayaa lagu sheegay, "Qaar ka mid ah dalalka sida tooska ah uu u saameeyay dagaalka Ukraine, kuwaas oo 85 boqolkiiba ku tiirsanaa soo dejinta sarreenka ka yimaada dalkaas iyo Ruushka, waxaa ka mid ah Tansaaniya, Ivory Coast, Senegal iyo Mozambique."

Ma ahayn Afrika oo keliya; dunida oo dhan ayaa dareentay saameynta dagaalka weli socda. Tani waxay sabab u tahay in ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, Ruushku uu ahaa dalka ugu horreeya ee dhoofiya sarreenka adduunka, waxaana ku xigay Ukraine.

Hadda aan dib ugu laabanno dagaalka hadda ka socda Bariga Dhexe. Dabcan, dhibbanaha ugu weyn ee dagaalkan wuxuu noqon doonaa Iiraan, oo wajahaysa weerarro ka imanaya Maraykanka iyo Israa'iil. Laakiin sidee ayay Afrika u saameyn doontaa?

Ganacsiga Afrika iyo dalalka Khaliijka ayaa ka mid ah waxyaabaha uu saameyn karo dagaalka Bariga Dhexe.

Xigashada Sawirka, Reuters

Saliidda

Maraakiibta ayaa helay farriimo ka imanaya militariga Iiraan oo sheegaya in aan loo oggolayn wax maraakiib ah inay maraan marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Marin badeedkan waa waddo aad muhiim ugu ah gaadiidka shidaalka caalamka, iyadoo qiyaastii 20 milyan oo foosto oo saliid ah maalintii ay ka gudbaan, taasoo ka dhigan in 20–25% ganacsiga shidaalka ee dunida la mariyo badda iyo ku dhowaad shan meelood meel isticmaalka shidaalka ee caalamka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay sheegtay U.S. Energy Information Administration (EIA), 20 milyan oo foosto oo shidaal ah ayaa maalin kasta la soo marinayay Marinka Hormuz sanadkii 2024.

Tani waxay u dhigantaa ku dhowaad 500 oo bilyan oo ganacsi tamar ah sanadkii. Shidaalka ka gudba marinkan wuxuu ka yimaadaa Iraan, Ciraq, Kuwait, Qadar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Marinkan biyoodkan wuxuu ku yaallaa Iran dhanka waqooyi i iyo United Arab Emirates dhanka koonfureed. Inkastoo inta badan shidaalkan loo dhoofiyo Aasiya, haddana Afrika sidoo kale way saameyn kartaa.

Sida ay sheegtay Institute for Security Studies (ISS), oo xarunteedu tahay Koonfur Afrika, carqalad kasta oo ku timaadda Marinka Hormuz waxay kordhin doontaa qiimaha tamarta adduunka oo dhan.

Marinkan wuxuu u dhexeeyaa Iiraan oo ka xigo dhanka waqooyi iyo Cumaan iyo Imaaraadka Carabta oo ka xigo dhanka koonfureed. In kasta oo saliidda marta halkaa badankeedu ay aado Aasiya, haddana Afrika ayaa sidoo kale saameyntu gaari kartaa.

Ganacsiga

Weerarada ay qaadeen Maraykanka iyo Israa'iil ayaa keenay in Iiraan ay ka aargudato iyadoo weerarro ku qaadday saldhigyada milatari ee Maraykanka ku leeyahay dalal Carbeed sida Qadar, Baxrayn, Sacuudi Carabiya, Urdun iyo Imaaraadka Carabta.

Kororka qiimaha shidaalka caalamka ayaa sababi kara in ay sare u kacaan kharashaadka gaadiidka iyo tamarta gudaha. Tani waxay kordhin doontaa qiimaha badeecadaha la soo dejiyo iyo kharashaadka gaadiidka gudaha ee dalalka Afrika.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa si weyn ugu tiirsan badeecooyinka dibadda laga soo dejiyo, waxaana carqalad ku timaadda marinnada ganacsiga iyo kororka kharashaadka gaadiidka ay ka qayb qaadan karaan sicir-barar.

Kenya ayaa sheegtay in weerarradu si toos ah u saamayn karaan dhoofinta dalka, oo ay ku jiraan shaaha, qaxwada, ubaxa, hilibka iyo khudaarta, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan suuqyada Bariga Dhexe.

Tansaaniya waxay u dhoofisaa qaxwo, lawska iyo badeecooyin kale dalalka Khaliijka. Weerarada Bariga Dhexe ka dhaca ayaa carqaladayn kara maraakiibta iyo ganacsiga, taasoo saamayn ku yeelan karta dhaqaalaha dalalkan.

Warbixinno ayaa tilmaamaysa in dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo caalami ah ay hakad geliyeen ama beddeleen duulimaadyadii ay ku tagi jireen kagana imaan jireen Bariga Dhexe sababo la xiriira amniga.

Saamaynta tallaabadan waxaa ka mid noqon kara kordhinta qiimaha tigidhada iyo dib u dhaca safarrada – taasoo saameyn karta safarrada ganacsi, waxbarasho iyo kuwa diimeed.

Amniga

Iiraan waxay go'aansatay inay adeegsato xeeladda weerarka saldhigyada milatari ee ku yaalla dalalka Carabta. Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa leh saldhigyo milatari oo Maraykanku leeyahay. Jabuuti waa mid ka mid ah dalalka ay gantaallada Iiraan gaari karaan.

Maaddaama Iiraan ay u dhowdahay Jabuuti, gantaallada riddada dhexe ee Iiraan oo gaara 1,000 ilaa 3,000 kiiloomitir ayaa gaari kara Geeska Afrika. Jabuuti waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Maraykanka ee Lemonnier.

Haddii Iiraan ay sii waddo istaraatiijiyaddeeda ah weerarka saldhigyada milatari ee Maraykanka, dalkaas Afrikaanka ah wuxuu ku jiraa meelaha ay gaari karaan gantaallada Iiraan. Haddii weerarro dhacaan, waxay carqaladeyn doonaan amniga Jabuuti.

Badbaadada muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku nool Bariga Dhexe sidoo kale waa arrin muhiim ah. Sabtidii, gantaal Iiraan ay ridday oo ku dhacay magaalada Abu Dhabi ayaa dilay shaqaale Aasiyaan ah.

Waxaa la fahamsan yahay in Afrikaan badan ay ku sugan yihiin dalalka Carabta sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin waxbarasho iyo shaqo. Sii socoshada weerarradan waxay sidoo kale halis gelinayaan ammaankooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda, iyadoo kula talisay muwaadiniinta Tansaaniya ee ku sugan meelaha ay saameeyeen weerarradu inay feejignaadaan.

Saameynta weerarradan dabcan waxay ku xirnaan doontaa muddada ay sii socdaan. Inta ay weerarradu sii dheeraadaan, ayay sii kordhi doontaa saameynta dhaqaale, ganacsi iyo mida bani'aadamnimo ee Bariga Dhexe iyo Afrika.