Sidee ayay dalalka Khaliijku u arkaan colaadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iiran?

Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, Reuters

Marka loo eego jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarka gantaallada ee Iiraan, dad badanina ay la socdaan isbeddellada suurtagalka ah ee ku yimid isu-dheellitirka awoodda Bariga Dhexe ee u dhexeeya Israa’iil iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaa sidoo kale isha lagu hayaa dalalka Carabta ee Khaliijka, kuwaas oo muddo dheer lagu tilmaamay in xiriirkooda Tehraan uu xumaa.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa labo ilo oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in “dawladdaha khaliijku ay fariin u direen Iran, iyaga oo doonaya in ay u xaqiijiyaan dhex dhexaadnimadeeda khilaafka Israa’iil” iyadoo la tixraacayo shir “aan rasmi ahayn” oo ay si wada jir ah u wada yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Khaliijka oo la qabtay Oktoobar 3, oo uu shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee Golahaas, Jassim Al-Badawi.

Dadka wax indha indheeya ayaa la yaabban suurtagalnimada in hoos u dhac ku yimaado saameynta Iran ee gobolka iyo falcelinta dowladaha Khaliijka ee arrintan, balse ma suurta gal ah in la isku keeno dhammaan dalalka Khaliijka oo dhan, maaddaama danaha iyo walaaca ay ku kala duwan yihiin dalalka oo dhan.

Labo wajiilaynta Sacuudiga

Khaliijka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii aan sheekada ka billowno Sacuudi Carabiya, falanqeeye siyaasadeed Xasan Mneimneh, oo ah bare sare oo wax ka dhiga Machadka Bariga Dhexe ee Washington, ayaa aaminsan in "Boqortooyada - laga yaabo - inay ku sii jirto booska ugu wanaagsan ee wadamada Khaliijka ee ku saabsan xiriirka Iiraan,"

Falanqeeye Xasan Mneimneh, ayaa sidoo kale muujiyey in dib u eegista iyo dheelatrka xiriirka Riyad iyo Tehran uu wanaagsanaa ka dib heshiiskii ka dhacay Shiinaha sanadkii 2023-kii, kaas furay albaabada dhinacyada ka dib toddobo sano oo ay ka maqnaayeen.

Mneimneh, wuxuu intaa ku daray in inkasta oo warbaahinta Sucuudigu soo dirto fariimo taageeraya dadaalka Israa’iil ee lagu cirib tirayo Xisbullah, oo ay taageerto ayna maalgeliso Iran, “Sacuudigu waxa uu isla markaaba ka taxadaray in aanu xidhiidhka u jarin Tehran, mowqifka rasmiga ah ee Sucuudigu waxa uu noqday mid isku dheeli tiran. Dadaalka ay ku taageerto qadiyadda falastiiniyiinta oo dhinac ah, dhinaca kalena ka soo horjeeday Xisbullah”.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan, ayaa magaalada Doxa ee caasimadda Qatar kula kulmay Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, bishii Oktoobar 2-dii.” sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA. Isla kulankaas, Pezeshkian waxa uu sheegay in waddankiisu u tixgeliyo waddamada Islaamka, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, "walaalaheen," isagoo carrabka ku adkeeyay "baahida loo qabo in la diido kala duwanaanshaha fikradaha."

Dhanka Sacuudiga, qoraaga Sacuudiga ee Mubaarak Al-Ati, ayaa tilmaamay in kulankani uu cadeynayo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran, isagoo sheegay in mowqifka Sacuudiga uu yahay mid cad oo taageersan “amniga, xasiloonida iyo madax banaanida dalalka Carabta, gaar ahaan Lubnaan, kana soo horjeeda ku xadgudubka madax-bannaanideeda ee Israa'iil ama Xisbullah.

"Iiraan oo dhaawacan waxay khatar ku tahay dalalka Khaliijka"

Bariga dhex e

Xigashada Sawirka, Getty Images

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ku tilmaamay waxa maanta dhacaya in uu yahay bilowga hannaan lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Iran marka loo eego beegsiga Israa’iil ee madaxda Xisbullah iyo weerarada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso koonfurta Lubnaan. Si kastaba ha ahaatee, daciifnimadan - oo laga yaabo inay ka farxiso qaar ka mid ah wadamada Khaliijka oo cadow ku ah - maahan inay u adeegto danaha qaar ka mid ah wadamada Khaliijka.

Mneimneh, waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraatka, ay u arkaan in "Iran oo dhaawacan ay khatar ku keeni karto danahooda." Cawaaqibka ka dhalan kara jawaabta Iiraan ee Israa’iil waxaa ka mid noqon kara dhaawac weyn oo soo gaaray dalalka Khaliijka, oo ay ku jiraan burbur soo gaaray xarumaha dhaqaalaha iyo Mareykanka ee dalalkan, haddii Tehran ay weerarto iyaga, ha ahaato iyada oo loo marayo hay’addeeda militari ama hubkeeda gobolka.

Imaaraadku waxay gaareen meel an laga soo laaban karin

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sannadkii 2020, Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu caadi ka dhigay xirirka uu la leeyahay Israa’iil, tallaabadan ayuu falanqeeye Xasan Mneimneh ku sheegey:

"waxay ujeedadeedu ahayd in la gaaro guulo dublamaasiyadeed oo ka dhigaya inay u muuqato dhexdhexaadiye u dhexeeya dalalka Carabta iyo Israa'iil." Xaaladdan oo kale, Imaaraadku wuxuu xiriir "xoog" ah la galay Israa'iil, wuxuuna aaday, sida Mneimneh ku qeexay, "ilaa heer aan soo noqosho lahayn," taas oo dhigaysa "mawqifka ugu xasaasisan" marka la eego iskahorimaadyada hadda u dhexeeya Israa'iil iyo Iran.

Iyadoo Imaaraadku uu ku guuleystay inuu xiriir "macquul ah" la sameeyo Iiraan, ma doonayo inuu jebiyo xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, laakiin wuxuu doonayaa inuu sii wado sida uu tilmamay Xasan Mneimneh.

Mneimneh, waxa uu ku macneeyey in xidhiidhka Imaaraadku la leeyahay Israa’iil uu keeni karo meel la beegsado haddii uu dagaal ka qarxo gobolka, isaga oo tilmaamay in ay suurtogal tahay in Iiraan ay bar-tilmaameedsato khadka sahayda dhulka, kaas oo ay Israa’iil sheegtay sannadkii hore.

Dhanka Baxrayn, Mneimneh wuxuu sheegay in sidoo kale laga yaabo inay waxyeelo ka soo gaarto cawaaqib xumada Iran iyo Israa’il ee sii kordheysa, , isagoo xusay in Manama laga yaabo inay "ku tiirsanaado ilaalinta Mareykanka in ka badan Emirates," sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay Qatar, Mneimneh , waxa uu aaminsan yahay in ay tahay dalka ugu ammaanka badan Khaliijka ee ka jira dalalka kale ee Khaliijka haddii uu dhaco dagaal goboleed. Waxa uu sheegay in ay aad uga shaqeysay sidii ay u dhex dhexaadin lahayd Israa’iil iyo Xamaas, taasi oo ka ilaalisay in la bartilmaameedsado, inkastoo laga yaabo in ay soo gaarto khasaare dhaqaale.

Dhanka Cumaan, Fawaz Gerges oo wax ka qora bariga dhexe ahna khabiir waxa uu aaminsan yahay in, sida Qatar, aysan rabin in ay wiiqdo Iran, tanina waxay ka muuqataa hadal uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badar bin Hamad, oo uu ku dhaleeceeyay wax lagu tilmaami karo "laba boglayn " la tacaalidda horumarka ka socda Bariga Dhexe, isagoo leh: "Way u fududdahay dowladaha qaar inay is garab istaagaan oo ay cambaareeyaan ficillada Iran, laakiin tani waxba ma xalliso ayuu yiri Busaydi waxa uu tilmaamay in xalka ugu weyn ee xiisadda taagan uu yahay in la soo afjaro colaadda Israa’ii; l iyo Falastiin.