7 October 2023: Maxaa sanad kahor maanta oo kale ka dhacay Israa'iil?

Xigashada Sawirka, SAID KHATIB/AFP
Maanta oo kale toddobadii October sanadkii 2023-kii, weerar aan horrey loo arag ayey ku waabariisatay Israa’iil kaas oo ay ku qaadeen gudaha Israa’iil dagaalyahano ka tirsan kooxda hubaysan ee Xamaas.
Xamaas ayaa weerarkaas u adeegsatay baldoosarro, mootooyin iyo baarashuut iyagoo ku dhiirraday ciidamada ugu awoodda badan Bariga Dhexe.
Weerarkii 7-dii October oo dhacay ayaa ahaa kii ugu ba'naa ee lagu tijaabiyo difaaca Israa'iil tan iyo dagaalkii Carabta sanadkii 1973, waxaa ka horreeyay labo sano oo ay Xamaas is gaabineysay oo ay qarineysay qorshooyinka milatarigeeda iyadoo Israa'iil ku qancineysa inaysan dagaal diyaar u ahayn.
Iyadoo Israa'iil laga dhaadhiciyay in kooxda Xamaas ay iska sii jeedineyso maaddaama ay taageero dhaqaale siineyso shaqaalaha Gaza, ayaa dagaal-yahannada kooxda lasii tababarayay loona sameynayay dhoollatusyo, sida il laga soo xigtay Xamaas oo ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.
Ku dhawaad 1,200 oo qof ayaa lagu dilay weerarka Xamaas, ku dhawaad 250 ruux oo Israa’iiliyiin ah ayaa la qafaashay waxaana loo qaaday marinka Qasaa. Israa’iil waxay ku tilmaamtay weerarkaas mid argagixisanimo oo bahalnimo ahaa.
Israa’iil ayaa jawaab ka bixisay weerarka iyadoo duqaymo xiriir ah ku qaaday magaalada Qasa halkaas oo ay ciidamada Israa’iil sheegeen inay “xididdada u sii bayaan ururka Xamaas”.
Dagaalka ayaa dhaliyey khasaare ballaaran oo soo gaaray rayidka sida ay sheegeen hay’addaha Qaramada Midoobay basle Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku adkaysatay inay doonayaan inay tirtiraan Xamaas si aysan mar kale halis ammaan ugu noqon Israa’iil.
Maraykanka, UK iyo dalalka xulufada la ah ayaa bilowgii taageero u muujiyey Israa’iil iyagoo cambaareeyey weerarka Xamaas ay ku dishay dadka rayidka ah.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Raysal Wasaarahii UK Rishi Sunak, Olef Sholz oo Jarmalka ayaa dhammaantood gaaray Tel Aviv si taagaradooda ugu muujiyeen Israa’iil.
Intii lagu guda jiray sanadka dagaalka, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay dibad baxyo ballaaran oo gudaha ah oo ay ku dalbanayeen in la heshiiyo la-heystayaal la isku weydaarsado Xamaas, dibad-baxayaashu waxay marar badan ugu baaqeen inuu xilka iska casilo oo uu qabto doorashada baarlamaanka.
Wasaaaradda Caafimaad ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ka badan afar kun oo rayida lagu dilay colaadda Qasa.
Heshiiskii maxaabiis iswaydaarsiga Xamaas iyo Israa’iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Nofember, Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey maxaabiis is dhaafsi, 50 ka mid ah la haystayaashii lagu haystay Qasa ka dib hakin dagaal oo afar maalmood ah.
Heshiisku waa in sidoo kale uu ka mid ahaadaa in 150 haween iyo carruur Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa'iil oo la sii daayo iyo kordhinta gargaarka bini'aadannimo ee loo oggolaaday Qasa.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in heshiiskani uu soo afjari doono dhibaato aan la soo koobi karin oo lagu hayo la haystayaasha sidoo kalana uu yaraynayo dhibaatada qoysaska Falastiiniyiinta ah ee aan waxba galabsan.
Dawladda Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay dhammaystiri doonto dagaalka ay ku doonayso in ay ku baabi’iso Xamaas oo ay dib ugu soo celiso in ka badan 200 oo la haystayaal ah oo ay kooxda Xamaas ku qafaasheen weerar ka dhacay koonfurta Israa’iil toddobadii Oktoobar oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof.
Xamaas oo Israa’iil, Maraykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso ayaa sheegtay in heshiiskani uu Falastiiniyiinta siin doono wakhti ay ku soo kabtaan.
Isku dayadiii lagu doonayey in dirirta lagu joojiyo
Muddadaas sanadka ah ee dagaalka Qasa uu socday waxaa jiray dadaalo caalami ah oo lagu doonayey in colaadda lagu joojiyo laga sameeyo in maxaabiista la is waydaarsado.
Maraykanka, Qadar iyo Masar ayaa qaatay door dhexdhexaadin ah oo la doonayey in dhinacyada lagu qanciyo in la gaaro xabad joojin si fursad loo siiyo in la haystayaasha reer Israa’iil dib loogu guryo celiyo dalkooda basle taas ayaa u muuqatay inay dhicisowday.
Dhowr wareeg oo wadahadallo ah ayaa ka dhacay Qaahira iyo Doxa halkaas oo aysan ka soo bixin najiito lagu gaaray xabad joojin.
Israa’iil ayaa lagu eedeeyey inay duqaynta goobo iskoolo, isbitaallo iyo meelah rayidka inay duqaysay sida ay sheegtay haya’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiiniyiinta ee UNWRA.
Militariga Israa’iil ayaa waqtigaas soo bandhigay waxay ku sheegeen inay burbuiryeen godod dhulka hoostooda ah oo ay sheegeen in ay adeegsan jireen Xamaas.
Dilkii Ismaaciil Haniyah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan ayaa sheegtay in Ismail Haniyeh iyo ilaaladiisa lagu dilay guriga martida oo ku yaalla waqooyiga Tehran bartamihii sanadkan, xilligaas oo ku dhaweyd waabirigii saaka, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday, gantaal laga soo ganay meel ka baxsan xudduudaha Iran.
Weerarku waxa uu su’aal geliyey hay’adaha ammaanka Iiraan iyo sida ay ula dhaqmayaan falalka noocan ah ee Israa’iil ka geysaneyso gudaha Iran.
Markii danbe waxaa Ismaaciil Haniyah lagu aasay magaalada Doxa ee dalka Qadar.
Dilkii Haniyeh ka dib Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay hoggaamiyahoda u doorteen Yaxye Sinwar oo horey u hoggaamin jiray garabka militariga balse loo dhiibay xilka sare Xamaas.
Cabdirixmaan Aadan Xadaana oo ah falanqeeye arrimaha Bariga Dhexe ayaa BBC-da u sheegay in sanadkaas ay dib u soo nooleeysay qadiyaddii Falastiin oo doorkan meelo badan gaaray.
Duullaankii Iiraan ee Israa’iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Weerar aan horey loo arag ayey sanadkaasi Iiran ku qaaday Israa’iil, weerrarkaas ayey Tehran u adeegsatay diyaardo an duuliye lahayn iyo gantaallo kuwaas oo ay Militariga Israa’iil sheegeen inay ka hortageen oo difaacooda cirku qabtay.
Weerarkaas oo dhacay bishii April ayaa Iran ku sheegtay inay uga aargudanaysay weerar lagu bartilmamaeedsaday Qunsuliyadeeda Suuriya.
Iiraan ayaa sidaas oo kale afar cisho ka hor weerar ay u adeegsatay gantaallada guuxooda ka dheereeya ku weerartay gudaha Israa’iil kuwaas oo ay IDF sheegtay in badi la soo riday balse qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha Israa’iil.
Weerarka danbe ayey Iiraan sheegtay inay ugu jawaabayso dilkii xoghayihii guud ee ururka Xisbullah Xasan Nasrullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan.
Dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah

Xigashada Sawirka, Reuters
Inta badan kooxaha ay Iiraan taageerto ee gobolka iyo Iiraan qudheeda ayaa bilowgii dagaalka Qasa sheegay inay garab siinayaan kooxda Xamaas.
Xisbullah iyo Israa’iil ayaan weerar goos goosa waxuu muddo sanada ku dhexmarayey soodimaha Lubnaan iyo Israa’iil.
Israa’iil ayaa soo saartay hanjabaad adag ka dib markii labo iyo tobban carruur iyo dhalinyaro isugu jira ay ku dhinteen tobbanaan kalana ku dhaawacneen gantaal ku dhacay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla buuraha Golan ee ay Israa'iil haysato, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Israa'iil.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in gantaal ay soo rideen kooxda Xisbullah ee Lubnaan uu ku dhacay magaalada Druze ee Majdal Shams, sheegashadaas oo ay si adag u beeniyeen kooxda Xisbullah.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan Xisbullah, isaga oo sheegay in ay “ qiimo weyn ku bixin doonto”.
Militariga Israa’iil ayaa bilaabay duqayn dhanka cirka oo ay ku qaadeen Lubnaan gaar ahaan magaalad Bayruut iyo koonfurt Lubnaan.
Wasiirka gaashandhiga Israa’iil ayaa sheegay in wajayaan dagaal waji kale ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyey inay dileen hoggaamiyihii Xisbullah Fu’aad Shukri duqeyntii lala beegsaday duleedka koonfureed ee Beirut.
Axios oo soo xiganaya sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in bartilmaameedka Beirut uu ahaa Fu’aad Shukr, kaas oo mas’uul ka ah dhammaan howlgallada militari ee Xisbullah.
Israa’iil ayaa sidaas oo kale mowjado duqaymo cirkaa ku qaaday Lubnaan oo ay sheegeen inay bartilmaameedsanayaan Xisbullah.
Israa’iil ayaa sidoo kale duullaan dhulka ku qaaday Koonfurta Lubnan oo ay IDF sheegtay in halkaas ay yihiin meelaha Xisbullah kaga soo ganaan gantaallada dhulka Israa’iil. Mareykanka ayaan Israa'iil ku taageeray weerarka dhulka ee Lubnaan.
Falanqeeye Cabdirixman Xadaana, ayaa BBC-da u sheegay in la filan karo jawaabta Israa’iil ay imaan karayso ka dib weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil taasina ay sii hurin karayso colaaadda Bariga Dhexe.
Bariga dhexe ayey u buuxsan tahay sanad colaadi ka oogan tahay iyadoo wali Israa’iil ay dagaal kula jirto Xisbullah iyo Xamaas.













