Sidee ayay u shaqeeyaan hannaanka difaaca ee Israa'iil ay uga hortagto gantaalaha?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Militariga Israa'iil ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan iska hor imaad ballaaran oo ay la galaan Iiraan, kadib weerarro ay Jimcihii ku qaadeen goobaha nukliyeerka Iiraan, kuwaasoo ay ku dhinteen 13, ay ku jiraan taliyeyaal militari oo sare iyo khubarrada nukliyeerka.

Iiraan ayaa ku jawaabtay inay beegsatay dhowr saldhig iyo kaabayaal militari oo gudaha Israa'iil ah.

Israa'iil ayaa ku tirsan dhowr hannaan oo ay isku difaacdo. Waxaa ciidamadeeda difaaca iyo diyaaradaha casriga ah ee gantaalaha ka hortaga u dheer in inay heysato hannaan casri ah oo isku dhafan oo difaaca hawada ah, kaasoo awood u leh ka hortagga gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dheer, waxaana ka mid ah gantaalaha baliistikada iyo kuwa maraakiibta.

Warbixintan, waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah hannaanka difaaca ee ay adeegsadaan milatariga Israa'iil, kuwaasoo hore loogu adeegsaday dagaalka Qasa.

Sidee ayuu u shaqeeyaa David’s Sling?

David’s Sling, oo lagu magacaabo “Magic Wand” afka Hebrew, wuxuu ka hortagi karaa gantaallada laga soo ganay masaafo dhan 300km.

Waxaa September 2024 loo adeegsaday in lagu soo rido gantaalladii ay Xisbullah kasoo rideen Lubnaan. IDF ayaa sheegtay in gantaalkaas uu ahaan kan Iiraan lagu sameeyo ee Qadr-1 - oo ah gantaalo riddada dhexe ah oo qaadi kara hub ilaa 700kg iyo 1,000kg.

Xisbullah ayaa sheegtay in gantaalka loola dan lahaa in lagu beegsado xarunta Mossad ee Talaabiib. IDF ayaa sheegtay inuu ku socday meel la deggan yahay.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

David’s Sling, si la mid ah Iron Dome, waxaa loogu talo galay in looga hortago diyaaradaha, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada maraakiibta saaran.

Gantaal walba wuxuu qiimihiisu yahay ilaa $1m.

Bishii May 2023, David’s Sling wuxuu ka mid ahaa hannaanka difaaca hawada ee loo adeegsaday in looga hortago weerar ay soo qaadeen Kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta oo ku sugan Qasa, kuwaasoo soo ganay ilaa 1,100 gantaal. Israa'iil ayaa sheegtay inay soo ridday 96% gantaallada loo arkayay khatar.

Sidee ayuu u shaqeeyaa Iron Dome?

Israa'iil

Goormee ahayd markii ugu horreysay ee la adeegsado hannaankan?

Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011.

Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa'iil ka hor inta aanay khasaare geysan.

Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza.

Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa'iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale. Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatartayihiin.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa'iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo kamid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya.

"Tirada Israa'iiliyiinta dhintay ama dhaawacmay ayaa aad u badan lahayd haddii uusan jirin Iron Dome, kaasoo badbaayiyay nafteena," ayuu yiri Gaashaanle dhexe onathan Conricus oo ah afhayeenka milateriga Israa'iil.

Hase yeeshee khubarada qaar ayaa sheegay in tirada badan ee gantaalka ay Gaza ka soo ridayaan xooggaga Falastiiniyiinta uu yahay isku-day ay ku daalinayaan hannaanka Iron Dome, taasoo dhalisay walaac ah caqabadaha uu wajihi karo qalabka.

Sidee ayuu waxtar u leeyahay hannaankan?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Militariga Israa'iil ayaa sheegay in guulo ilaa 90% laga gaaray hannaankan Iron Dome.

Xamaas ayaa sheegtay in maalintii ugu horreysay ee ay weerarka soo qaadday ay ridday ilaa 5,000 oo gantaallo ah, inkastoo Israa'iil ay sheegtay in gantaaluhu ay ahaayeen kala bar intaas.

Gantaalaha ayaa muddo gaaban gudahood la ganay si looga dhigo hannaanka Iron Dome mid aan degdeg intaasoo dhan waxba uga qaban karin.

Qaar kale ayaa laga soo ganay Lubnaan oo ay soo ganeen Xisbullah.

Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa sheegay in in ka badan 8,000 gantaal lagu ganay Israa'iil tan iyo 7 October.

Qaar ka mid ah gantaalaha ayaa garab maray hannaanka Iron Dome kuna dhacay meelo la deggan yahay waxayna sababeen dhowr dhimasho iyo dhaawac, sida ay baahisay warbaahinta Israa'iil.

Taariikhdu markii ay ahayd 27 October, afar qof ayaa la dhaawacay markii gantaal uu ku dhacay dhisme laga dhisayay Talaabiib.

Si kastaba, afhayeen u hadlay militariga Israa'iil Lt Col Jonathan Conricus ayaa yiri: "Tirada Israa'iiliyiinta lagu dilay laguna dhaawacay ay intaa ka badan lahayd haddii uusan jiri lahayn hannaanka Iron Dome, kaasoo ahaa mid naf-badbaadiye ah."

Sidee ayay hannaanka gantaallada Arrow u shaqeeyaan?

Dome

Xigashada Sawirka, Getty Images

Arrow 2 waxaa loogu talo galay inuu burburiyo gantaallada riddada gaaban iyo kuw adheer iyagoo hawada sare ku duulaya, ilaa 50km meel ka sarreysa dhulka.

Waxaa shaqada hannaankan la bilaabay kadib Dagaalkii ugu Horreeyay ee Gacanka sanadkii 1991, markaas oo Ciraaq ay gantaallo dhowr ah oo a sameeyeen Soofiyeetka ku ridday Israa'iil. Waxaa la hirgeliyay sanadkii 2000.

Arrow 2 ayaa gantaallada ka qaban kara meel ka fog 500km. Wuxuu ka hortagi karaa si riddo gaaban ah meel masaafo ahaan u jirtaa ilaa 100km.

Gantaalladeeda ayaa safri kara sagaal jeer xawaaraha maqalka waxaana markiiba lagu gani karaa ilaa 14 bartilmaameed.

Arrow 2 ayaa la sheegay in loo adeegsaday in lagu dagaallamo markii ugu horreysay 2017, si loo soo rido gantaal Suuriya laga soo ganay.

Arrow 3 ayaa markii ugu horreysay la howlgeliyay 2017 waxaana loogu talogalay inuu ka hortago gantaallada riddada dheer iyagoo ku safraya meel ka baxsan dhulka.

Waxaa la horlgeliyay sanadkii 2017 waxaana markii ugu horreysay dagaal loo adeegsaday sanadkii 2023, si looga hortago gantaal ay dagaal-yahannada Xuutiyiinta ku ganeen magaalo-xeebeedka Ceylaat ee koofurta Israa'iil.

Arrow 3 waxaa lagu sameeyay gudaha Israa'iil, iyadoo gacan laga helay shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Boeing.

Dhammaanba hannaanka difaaca gantaallada Israa'iil ayaa loo adeegsaday si looga hortago duqeymihii ballaarnaa ee Iiraan ay Israa'iil kusoo qaadday April 2024.

Iyaga, iyo diyaarado dagaal oo ka socday Mareykanka, UK iyo Imaaraatka Carabta, waxay soo rideen 300 oo gantaallada Iiraan ah.