Maxay ahayd warqaddii ka koobnayd 67-da kalmadood ee badashay taariikhda Bariga dhexe

Xigashada Sawirka, BRIDGEMAN VIA GETTY IMAGE
Warqadan ka koobnayd 67-da kalmadood ayaa ahayd tii bilowday colaadda ilaa hadda ka taagan bariga dhexe taas oo xal loo la’ yahay.
Boqol iyo lixdan sano ayaa ka soo wareegtay bayaankii Balfour kaas oo jidka u jeexay dhalashadii Israa’iil, baddalayna taariikhda bariga dhexe.
Dagaalka ka socda Qasa ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayey ku dhinteen ilaa 1400 oo Israa’iiliyiina iyo 9000 wax ka badan oo Falastiiniyiin ah taas oo ka mid ah colaada uu heshiiskaasi asaaskeeda leeyahay.
Waxaa bayaanka la qoray 2-dii Noofambar 1917-kii, xilligaasi oo uu socday dagaalkii koowaad ee Adduunka, waxayna ahayd markii ugu horreysay oo dowladda Britain ay taageerto maamul u sameynta Yahuudda ee Falastiin.
Waqtigaas oo ahaa markii Ingiriisku uu qabsaday Falastiin ka dib markii ay ka adkaadeen Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo maamulaysay dhul balaaran oo ka tirsan bariga dhexe.
Carabtu waxay dukumentigan u haystaan inuu yahay khiyaano Ingiriis ku sameeyey sababtoo ah waxay Ingiriiska ku taageereen jabinta Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Baaqii Balfour ka dib, ilaa 100,000 oo Israa’iiliyiina ayaa yimid dhulka Falastiin.

Xigashada Sawirka, PHOTO 12/UNIVERSAL IMAGES GROUP VIA GETTY IMAGES
Maxaa lagu yiri bayaankan?
Bayaankan waxaa soo saaray xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Ingiriiska Arthur Balfour iyo Lionel Walter Rothschild, oo ahaa hoggaamiyaha jaaliyadda Israa’iiliyinta ee Ingiriiska.
bayaanku wuxuu u qornaa sidan.
“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Ingiriiska waxaan idiin soo gudbinayaa bayaankan aan ku taageerayo Israa’iiliyiinta kaas oo la horgeeyay Golaha Wasiirrada lana ansixiyey.
"Dawladda Ingiriiska waxay si wanaagsan u aragtaa in Yuhuuda loo dhiso dawlad dhulka Falastiin, waxayna ku dadaali doontaa sidii loo gaari lahaa yoolkaas.
Si kastaba ha ahaatee, waa in ay caddahay in aan wax tallaabo ah laga qaadi doonin xuquuqda madaniga iyo diinta ee dadka Falastiiniyiinta ah ee hadda jira, sidoo kale ma saameynayso xuquuqda iyo xaaladda siyaasadeed ee Yuhuudda ee waddan kale” ayaa lagu yiri bayaanka.
Kumuu ahaa James Balfour?

Xigashada Sawirka, BRIDGEMAN VIA GETTY IMAGES
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baaqa waxaa loogu magacdaray Xoghayihii arimaha dibada ee Ingiriiska Arthur James Balfour, oo noqday xubin baarlamaan oo wakiil ka ah Xisbiga Conservative ka dib markii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Cambridge.
Ninkan ayaa sidoo kale ka soo jeeday qoys hodan ah oo ingriis ah,waana ninka sababta u ahaa in Israa’iiliyiintu dagaan dhulka maanta colaadu ka aloosan tahay ee bariga dhexe.
Arthur James ayaa sidoo kale ahaa Ra'iisul Wasaarihii boqortooyadii midowday ee Ingiriiska sanadiihii 1902-kii ilaa 1905-kii , isagoo wax weyn ka badalay siyaasadda dibadda ee dalka.
Ninkan wuxuu rumaysnaa in dowlada ingiriisku ay tahay inay si buuxda u taageerto ajandaha Sahyuuniyadda. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Yurub ku xoogaystay dhamaadkii qarnigii 19-aad kuna baaqayay in Falastiin laga dhiso dawlad Yuhuud ah.
Balfour ayaa lagu tiriyaa inuu ku qanciyay Golaha Wasiirada Ingiriiska inay taageeraan Baaqa.
Lionel Walter Rothschild iyo Chaim Weizmann oo ahaa hoggaamiyeyaasha saamaynta ku leh bulshada Yuhuudda ee Britain ayaa siiyay taageero weyn.
Kumuu Ahaa Lionel Walter Rothschild?

Xigashada Sawirka, ARCHIV HUBBMAN/GETTY IMAGES
Lionel Rothschild wuxuu ahaa nin ka soo jeeda qoys awood leh oo bangaari ah saamayna ku lahaa bulshadii Israa‘‘iliiyinta.
Qoyskan hodanka ah ee xoogga badan ayaa ahaa isha ugu weyn maalgelinta ee dhismaha dawlad Yuhuudda ah ee Falastiin.
Ninkan Edmund Rothschild oo ay isku qoys ahaayeen Rothschild ayaa dhul badan ka iibsaday Falastiin wuxuuna ka caawiyay Yuhuudda inay degto Falastiin ilaa dhammaadkii qarnigii 19aad.
Waqtigaas, qoyskan waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah qoysaska ugu qanisan adduunka. Taageerada Edmund ee Yuhuudda aad bay u waynayd oo waxa la siiyay magaca 'Benefactor' oo la siiyo dadka wax sadaqaysta.
Waxaase su‘aal ka timi sababta ku dhawaaqista bayaanka loogu qoray magaca Lionel Rothschild ee an loogu qorin Stuart Samuel oo ahaa Madaxweynaha guddiga jaaliyada Yuhuuda ee Ingiriiska, ahaana wakiilka rasmiga ee bulshadan ee dalkaas.
Rothschild ma uusan haynin jago rasmi ah laakiin wuxuu ahaa mid ka mid ah taageerayaasha ugu horreeya ee 'ajendaha sahyuuniyadda.
Sidoo kale wuxuu xirir wanaagsan la lahaa Arthur James Balfour, warqaddan waxaa lagu qoray magaciisa.
Waxaa la sheegay in Rothschild uu sidoo kale ka qaybqaatay qorista dukumeentigan, laakiin ma jirto caddayn sheegashadan.
Maxay ahayd ujeedada Baaqa Balfour?
Dawladda Ingriisku waxay rajaynaysay bayaankaa kadib in Yuhuuda ku nool Ameerika iyo aduunka intiisa kale ay si buuxda u garab istaagi doonaan xulafadii ka soo horjeeday Jarmalka dagaalkii kowaad ee aduunka.
Taariikhyahanadu waxay aaminsan yihiin in bulshada Yuhuuda ee ku noolayd Ingriiisku ay saamayn dhaqaale ku yeesheen dalkaasi.
Khubarada qaar ayaa sidoo kale aaminsan in Britain ay tallaabadan u qaaday si ay u sii ilaaliso saamaynta ay ku leedahay Bariga Dhexe dagaalka ka dib.
Si kastaba ha ahaatee u jeeda baaqan Balfour waxaa ka dhalatay Israa’iil sanadkii 1948-dii wuxuuna meesha ka saaray malaayin Falastiiniyiin ah oo ku noolaa gobolka.
Ku dhawaqistaasna waxay bilow u ahayd dhibaatooyinka ilaa maanta socda ee u dhaxeeya Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.
Sida laga soo xigtay Falastiiniyiinta magacooda xitaa laguma xusin dukumentiga oo waxaa loogu yeeraa dadweynaha aan Yuhuudda ahayn ee Falastiin.
Jabkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee dagaalkii 1-aad ee aduunka ka dib dalalkii xulufada la ahaa Ingriiska waxay taageereen ku dhawaaqistii bayaanki Balfour, Falastiinna waxay si rasmi ah u hoos timid gumaystihii Ingiriiska.
Muddadaas waxaa dhulka Falastiin soo degay tiro aad u badan oo Yuhuud ah intaas ka dibna sannadkii 1930-kii ayay carabtu walaac ka muujiyeen sidaasna uu ku billowday colaadda labadooda.
Si loo yareeyo khilaafka, Ingiriisku waxa uu go’aansaday in uu xaddido soo-galootiga Yuhuudda, laakiin dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, waxa kordhay cadaadiska lagu dhisayo dawlad Yuhuudda ah markii ay soo shaac baxday xasuuqii Holocaust.
Bishii may 14-keedii sanadkii 1948-dii waxaa dhamaaday howlgalkii Ingriiska ee Falastiin, wuxuuna ka baxay gobolka, isla maalintaas ayey Israa’iil ku dhawaaqday madax banaanideeda.
















