Sidee bay naxdinta ugu adkaysatay markii ay TVga ka aragtay meydka 26 qof oo qoyskeeda ah oo Qasa lagu dilay

FG: Sheekadan waxay ka hadlaysaa arrin murugo leh ee sidaa ula soco.
Saynab Suleyman waxay la noolayd waalidkeed iyo walaasheed magaalada Qaahira muddo saddex sano ah waxayse sheegtay inay telefishinka ka ogaatay inay wayday 26 xubnood oo ka mid ah qoyskeeda ah.
Oktoobar 22-keedii, waxay ku soo toostay aragtida guriga adeerkeed ee Marinka Qasa oo dhulka lala simay.
Waxay sheegtay in telefishinka ka aragtay maydka 26ka xubnood oo qoyskeeda ah oo laga soo saarayo burburka dhismaha hoostiisa. Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 17 caruur ah.
Waxay sheegtay inay ku argagaxeen shaashadda horteeda "daqiiqado aamusnaan iyo rumaysnaan la’aan ah ayaa qoyska oo dhan galeen ka hor intaanay hooyaday miyir daboolmin" ayey tiri.
Qoyskeeda ayaa gurigooda la duqeeyey saddexdii subaxnimo ayadoo la soo saaray maydadka oo ku duuban bustayaashii ay ku hurdeen, xitaa iyada oo ay caruurtu hurdaan ayaa la duqeeyey.
“Waxaan rabnay inaan ogaano haddii qof ka badbaaday duqeynta. Sawirrada waanu furi jirnay oo waanu weynayn jirnay si aan u aragno magaca ku qoran marada ama wejiga qofka geeriyooday oo ka soo baxaya si aan u ogaano in maydku keeeni yahay iyo in kale, Waxay ahayd saacado aan loo adkaysan karin” ayey tiri Saynab.
Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in mid iyaga ka mid ah uu ka badbaaday si uu u aaso inta kale.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Xilli dambe ayaan helnay muuqaal muujinaya adeerkay oo kor taagan maydadka qoyskeena oo is dulsaaran oo ay ku dul qoran yihiin kalmado ay ka mid ahaayeen Qosyka Xammad Al.-Aruuqi".
"Waxaa kale oo aan ogaanay in adeerkay nool yahay waxay noo noqotay farxad inuu nool yahay oo uu badbaaday oo inta kale uu aasi karo" ayey tiri Saynab.
Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qasa ayaa sheegtay in tobaneeyo qoys gabi ahaanba laga tirtiray diiwaanka madaniga ah taas oo ka dhalatay duqayntii dhawaan Israa’iil ka geysatay marinka Qasa.
Saynab ayaa sheegtay inay la xiriireen adeerkeed oo ay ogaadeen in derisku ahaayeen kuwa yimid guriga si ay maydadka u soo saaraan una badbaadiyaan kuwa nool.
Ka hor intaan duqayntu dhicin guriga waxaa ku sugnaa 30 qof oo ku jiraan labaatan caruur ah, lix dumar ah iyo afar rag ah.
Saddex caruura ayaa ka badbaaday, abtigay waxaa dibada loo soo saaray isagoo labo u kala go’ay. Waxaa la helay ilmo adeerkay oo toddobo bilood jir ah oo nool laakin nasiib daro labo saacadood ka dib waa dhintay sababo dhiig bax iyo daryeel caafimaad la’aan ah.
Dadka Qasa waxay ka baqdin qabaan in meydadka lagu aaso xabaal wadareedyo, sidaa awgeed waxay lugaha iyo gacmaha meydadka ku qorayaan magacyadooda.
Xasuusaha baaqiga ku sii ahaanaya maskaxdeeda
Saynab waxay xusuustaa sheekadii u dambaysay ee ay la yeelatay ina adeerteed Maryam oo aad u jeclayd dubista macmacaanka.
Waxay sheegtay in wicitaankii ugu dambeeyey ay ku tiri, eeg kanaalkan Youtubeka, wuxuu leyahay cuntooyin cajiiba oo macaan oo ay tahay inaan isla dubno markii aad timaado.
Guriga qoyska Xammad Al-Aruuqi ayaa ku yaalay bartamaha ee Marinka Gaza, kaasoo ah mid ka mid ah meelaha loo arko inay nabdoon yihiin oo ka fog waqooyiga.

Afar dagaal ayaan joogay Qasa laakin kani waa kii ugu naxariis darnaa

Saynab waxay sheegtay inay ku noolayd afar dagaal oo waaweyn oo ka dhacay Marinka Qasa sannadihii 2008, 2012, 2014 iyo 2019-kii kuwaas oo aad u darnaa.
Waxay intaa raacisay inay hada rajaynayso in heshiis la gaaro oo kaliya aan laga hadlin gargaar si dadkii geeriyooday ay u sagootiyaan eheladooda.
















