Maxay haweeneydan Muslimadda ee 70-ka jirka ah u guursatay wiil 16 jir ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhacdo dhaqanka iyo sharcigaba ka dhan ah ayaa ka dhacday dalka Indomesia, kadib markii haweenay 70ka ka weyn ay guursatay wiil 16 ah oo ay dar yeelaysay.
Arrintan ayaa soo ifbaxday kadib markii uu baahay muuqaal laga duubay arooskooda.
Marka la eego sharciga dalkaas, guurka dadka loo aqoonsan yahay caruurta ayaan la ogolayn, balse lamaanaha ayaa sheegay inay isdilayaan haddii aan loo ogolaan inay isguursadaan, taas oo sababtay in markii dambe ay masuuliyiinta tuuladoodu ogolaadeen in la isu guuriyo balse aan lagu diiwaan gelin galka dawladda ee qoysaska is qaba.
Sida uu qabo sharciga Indonesia, da’da ugu hooseysa ee gabadhu ku guursan karto waa 16 halka da’da ugu yar ee ay wiilashu ku guursan karaan ay tahay 19.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jacaylku wuxuu billowday inta ay ku guda jirtay daryeelka wiilka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha, labada qof ayaa isku soo dhawaaday markii haweeneyda waayeelka ah lafteedu ay xil iska saartay daryeelka wiilka oo la ildarnaa cudurka duumada.
Sik Ani, oo ah madaxa tuuladan ku taal jasiiradda koonfurta Sumatra ee dalka Indonesia, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ‘da'da wiilku oo yar awgeed, waxaan u ogolaanay guurka in aan la diiwaan gelin.'
Waxa uu sidoo kale sheegay in guurkan uu dhacay 2-dii bishii Luulyo si looga hortago fal xaaraan ah. Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Salamat halka da'da xaaskiisa Rohaya ay u dhaxeyso 71 ilaa 75 jir.
Waxaa la sheegay in wiilkan aabbihiis uu dhintay sannado badan ka hor, kaddibna ay hooyadii dib u guursatay nin kale.
Waa guurkii seddexaad ee Rohaya, waxayna dhashay caruur badan oo ka heshay labada guur ee ka horeeyay kan wiilka 16 jirka ah.
Yenni Izzi, oo ah shaqaale bulsho oo ka tirsan xarunta dhibaatooyika haweenka ee Palembang, ayaa sameeya olole ka dhan ah guurka carruurta. Waxa uu BBC-da u sheegay in guurkan uu ahaa mid ‘aan caadi ahayn’.
Waxa uu yidhi, “Wiilku sabab dhaqaale iyo mid jidheed midna uma qaadan go’aanka guurka, balse Rohaya way daryeeli jirtay oo jacayl bay siin jirtay.
Jacayl iyo guur
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu ku yidhi, "Salamat weli ma gaadhin in uu wax fahmo. Markaa waxa uu dareemay in wada noolaanshaha ay tahay xalka in jacayl la helo, in la wada noolaadona ay ka dhigan tahay guur."
Masuuliyiinta dawlada hoose ayaa arintan walaac ka muujiyay balse ilaa hada ma cada in talaabo laga qaadi doono arintan iyo inkale.
Jakarta Post oo soo xiganeysa wasiirka arrimaha bulshada ee Indonesia Khofifah Indar Parwansa ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in uu fasax u bixiyo guurkan,maadama uu wiilku yar yahay.
Sriwijaya Post ayaa ka soo xigatay barasaabka koonfurta Sumatra in uu yiri, "Inta badan, gabdhaha waxaa lagu guursadaa da'da yar, laakiin wax faallo ah lagama bixin karo guurkan hadda."
Dalka Indonesia waa dalka ay ku noolyihiin Muslimiinta ku nool hal dal ee caalamka taas oo dhan qiyaastii 229 milyan oo qof waan 87% boqolkiiba.
Diinta Islaamka ayaa oggol inay da’da 15ka sano ku guursadaan raggu wallow laga yaabo in madaahibtu ay ku kala duwanaadaan, da’da ugu yar ee ay gabadhu ku gursan karto.
Wiilasha ayaa loo shardiyaan qaan gaar jireed iyo mid maskaxeedba maadaama ay masuuliyad qoys qaadayaan, halka gabdhaha loo shardiyo qaan gaar jireed, wallow sida aan sheegnay lagu kala duwanaan karo da’da gabadha lagu guursan karo xitaa hadii ay jir ahaan qaan gaartay.
















