Maxay tahay sababta ay u kala tageen ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo ninkeeda?

Xigashada Sawirka, AFP
Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni ayaa iyada iyo ninkeeda Andrea Giambruno ay kala dudeen, kaasoo ay wada noolaayeen 10 sano, ahna aabaha gabadheeda toddoba jirka ah.
Go’aankan ayaa lala xiriirinayaa ka dib hadallo uu Giambruno ka sheegay shaashadaha gadaashooda barnaamij TV oo uu qabto, kuwaasoo noqday hadal haynta ugu badan maalmihii u dambeeyey.
Hadallada uu ka sheegay shaashadda gadaasheeda ayuu Giambruno ku amaanay gabar saxafiyad ah istuudiyaha dhexdiisa, kalmado loo arkay inaysan fiicnayn, wuxuuna sidoo Kale taabtay timaheeda ayadoo u muuqatay inay ka fogaanayso isaguna uu leeyahay “maxaanan hore kuugu aqoon? Iyo “Aad baad u caqli badan tahay … maxaan dhaqsiyo kuugula kulmi waayey”.
Wuxuu sidoo kale dhowr goor taabanayey dhexdeeda, isagoo kalmado gef ahna isticmaalayey.
Cod kale oo isna la duubay balse aan la baahin ayaa la maqlayey Giambruno oo leh “saaxib (lab ah) ma leedahay” iyo Kalmado aan anshaxa waafaqsanayn.
Wuxuu kaloo duubitaanka gudihiisa ku sheegay Giambruno inuu xiriir la leeyahay qof ka shaqeeya Tvga, qof kastana uu ogyahay.
Dabayaaqada toddobaadkii hore ayaa barnaamij TV-ga ka baxa lagu baahiyey duubitaannadaas.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ra’iisul wasaare Georgia Meloni ayaa hadal ay soo dhigtay baraha bulshada wax ay ku tilmaantay “fadeexadda mudanaha koowaad”, kaasoo noqday mowduuca loogu hadal haynta badnaa dalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Meloni waxay tiri “xiriirka aan la lahaa Andrea Giambruno oo gaaray ilaa 10 sano halkaa ayuu ku dhamaaday”.
Meloni waxay kaloo shaagtay in ayada iyo Giambruno ay horeba u kala dudeen balse markan la gaaray xilligii ficil loo beddeli lahaa.
Waxaa kaloo xusid mudan in Meloni ay isticmaashay farriin u muuqatay inay ku socoto dadka shaaciyey waxa laga duubay ninkeeda. “Cid kasta oo rajaynaysa inay hurdada iga kiciso oo ay gurigayga dhexdiisa waa inay ogaato inxataa haddii rajadu tahay in dhibic biyo ah lagu dalooliyo dhagax, in dhagaxu uu weli yahay dhagax dhibicduna ay biyo tahay” ayey tiri Meloni.
Andrea Giambruno oo 42 jir ah wuxu soo saaraa barnaamij ka baxa kanaalka TVga ee Mediaset oo ay leeyihiin qoyska ra’iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi.
Duubitaannada waxaa laga baahiyey barnaamijka isla Mediaset ay leedahay ee “Striscia la Notizia”.
Xisbiga Berlusconi oo isagu meesha ka baxay bishii Juun ayaa weli bahwadaag la ah isbahaysiga xukuumadda. Kanaalka Mediaset waxaa maamula wiilka Belusconi, Pier Silvio Berlusconi.

Xigashada Sawirka, Twitter/X
Giambruno hore wuxuu dalka uga abuuray muran hadallo uu ka sheegay barnaamij uu qabto awgood.
Hadalkiisa ahaa in dumarku ay ka fogaadaan inay sakhraamaan ee yimid ka dib markii uu dhacay kiis kufsi wadareed ah kaasoo waddanka gilgilay xagaagii hore ayaa soo jiitay hadal hayn badan.
Taa waxaa dheer hadallo la xiriira inuu noqday isha ceebaynaysa xukuumadda sababo la xiriira hadallada uu ka sheego arrimo ay ka mid yihiin mushkiladda cimilada iyo xiriirka u dalkiisu la leeyahay dalalka kale.
Ra’iisul wasaare Meloni waxay ilaa daqiiqaddii ugu dambaysay barbar taagnayd ninkeeda. Bishii Siteembar ayaa iyadoo ka jawaabaysay su’aalo ay saxafiyiintu ka weydiinayeen xasaradda uu abuuray ninkeeda waxay ku cabatay Meloni “Waxaa la I weydiiyey in aan ka jawaabo wax kasta oo Giambruno uu bilooyin ka hor yiri”, waxayna ku doodday in taasi ay ka soo horjeeddo xorriyadda saxaafadda.
Meloni waxay ku carootay suxufiyiinta, waxayna tiri “Waxaan la yaabbanahay sida u fasirataan xorriyadda saxaafadda. Aniga aragtidayda, waxa uu suxufi ka sheego TVga ma aha fikradda xaaskiisa. Ma aha in aan mas’uul ka noqdo waxa uu suxufi sheego isagoo shaqadiisa gudanaya, suxufigana ma aha in loo weeraro inuu i jecel yahay” ayey tiri.













