Sidee buu 'Itaaliyada yar' ee Afrika ugu dalxiisi jiray ra‘iisul wasaarihii Talyaaniga?

Berlusconi wuxuu jeclaa dalxiiska Malindi
Qoraalka sawirka, Berlusconi wuxuu jeclaa dalxiiska Malindi

Malindi waa magaalo-xeebeed Kenya ku taalla oo loo yaqaanno “Itaaliyada yar”, halkaasoo ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi, uu jeclaa inuu dalxiis u aado.

Ra’iisul wasaarihii hore oo horraantii Bishan geeriyooday isagoo 86 jir ah wuxuu jeclaa inuu dego hotelka Lion in the Sun oo ah Hotel ay degaan dadka maalqabeenka ah.

Maareeyihii hore ee Hotelkaas Philip Chai wuxuu barnaamijka Focus on Africa ee BBC u sheegay in kharashkiisa uu bixin jiray milkiilaha hotelkaas, Flavio Briatore.

Ma sahlanayn in si fudud loogu dhawado ama loola hadlo, maadaama ay la socdaan ilaalada amnigiisa.

Laakin Mr Chai wuxu xusuustaa inuu subax kasta af-Ingiriis kula hadli jirayu ka hor inta uusan Berlusconi aadin mayrashada uumiga.

“Wuxuu wakhti badan galin jiray mayrashada uumiga iyo duugista isla socota” ayuu yiri Chai. Oo hawlgab ka noqday shaqada hotelka Lion in the sun.

Xeebta dalxiiska ee Malindi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xeebta dalxiiska ee Malindi

Cuntada Berlusconi

Berlusconi ma cuni jirin cunnada waddaniga sida Ugaaliga, wuxuuna jeclaa inuu baasto iyo khudrad cuno.

“wuxuu cuni jiray cunno jikada lagu soo kariyey, wuxuuna cuni jiray marka ay kooxda la socota baaraan” ayuu sii raaciyey Philip Chai.

Wuxuu intaa ku sii daray “wuxuu jeclaa inuu cuno kalluunka yaryar oo la mariyey toon shiidan, iyo bariis khudrad leh, waana sida ay ku taliyeen shaqaalaha u sameeya mayrasha uumiga iyo duugista, si jirkiisa uu qashinka uga baxo”

Sababta uu cunnada noocaas ah u cuno wuxuu ku sheegay “marka uu dib ugu laabto shaqadiisa uu noqdo nin u diyaarsan inuu shaqooyin adag qabto, maadaama uu ra’iisul wasaare ahaa”.

Muddo 50 sano ah ayuu Silvio Berlusconi la daalaa dhacayey fadeexooyin galmada la xiriira iyo eedaymo musuq maasuq oo midba tan xigta uu ka baxsanayey, waxaana dhici karta in Malindi ay tahay mid ka mid ah

Dukaan cunnada talyaaniga gada oo Malindi ku yaalla

Xigashada Sawirka, I Einashe

Qoraalka sawirka, Dukaan cunnada talyaaniga gada oo Malindi ku yaalla

Maxaa Malindi loogu bixiyey ‘Itaaliyada yar’?

Malindi waa magaalo xeebeed Mombasa 120 KM ka xigta waqooyiga Bari, waxaana magacaas lo yaqaannay tan iyo sannadihii lixdameeyadii.

Waxay dadaka ku nool badankood ku hadlaan afka Talyaaniga, Kalmadaha caanka ah ee aad maqlayso waxaa ka mid ah “Ciao” oo la macne ah “nabadeey”

waxaana makhaayadaheeda laga helaa cunnooyinka Talyaaniga sida burcadka (farmaajada), saliid-seytuunka, baastada, iyo koobashiinka.

Taariikhda joogitaanka Talyaaniga ee Malindi waxay dib ugu laabanaysaa xilligii ay talyaanigu bilaabeen inay maamulaan xarunta hawada saree e Broglio oo ku taalla meel ka baxsan xeebaha Kenya.

Malindi waxaa ku badan raadadka Talyaaniga

Xigashada Sawirka, I Einashe

Qoraalka sawirka, Malindi waxaa ku badan raadadka Talyaaniga

Muwaadiniintii ugu horreeyey ee Talyaaniga ahaa ee halkaa yimaada waxay ahaayeen injineerro iyo saynisayahanno.

Hase yeeshee sannadihii todobaatameeyadii ayey dad badan oo Talyaani ah bilaabeen inay degaan oo fursado shaqooyinka dalxiiska ah ka billaabaan Malindi.

Xilliyadii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii waxay ahayeen markii tirada ugu badan ee dadka Talyaaniga ah ay tageen halkaas, waxaana la qiyaasayaa in ilaa 4,000 oo qof oo Talyaani ah ay ku noolaayeen, halka ilaa 30,000 oo dalxiisayaal ahna ay sannad akasta imaan jireen.

Laakin dalxiiskaas waxaa wiiqay dagaallameyaasha kooxaha mayalka adage e Soomaaliya iyo burcad-badeedda oo afduubyo ka gaystay, intaa ka dibna waxaa la arkay Talyaani badan oo hantidoodii iska iibinaya kana dhoofaya magaaladaas.