Sawirro: Quruxda qarsoon ee qeybo ka mid ah Soomaaliya

Soomaaliya shalay waxaa laga maamuusay maalinta dalxiiska adduunka. Balse dalka wuxuu leeyahay dhul badan oo qurux badan oo loo dalxiistagi karo, inkastoo meelaha qaar ay amni xumo ka jirto. Qeybo ka mid ah sawirrada Soomaaliya ee quruxda badan ayaan halkan ku soo bandhigeysaa.

Qorax soo baxa Bandar-bayle waa qeyb ka mid ah quruxda dhulka Soomaalida

Xigashada Sawirka, Ali Duale

Qoraalka sawirka, Qorax soo baxa Bandar-bayle waa qeyb ka mid ah quruxda dhulka Soomaalida
Xeebta Lido ee Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin dhallinyaro dalxiisayaal ah iyo kuwa doomaha kexeeya
Qoraalka sawirka, Xeebta Lido ee Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin dhallinyaro dalxiisayaal ah iyo kuwa doomaha kexeeya
Waa wiil ku sugan xeebta oo ay ka muuqato farxad ballaaran
Qoraalka sawirka, Waa wiil ku sugan xeebta oo ay ka muuqato farxad ballaaran
Dad badan ayaa maalin kastaa tago xeebaha Muqdisho si ay u soo daawadaan.
Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa maalin kastaa tago xeebaha Muqdisho si ay u soo daawadaan.
Qurba joogta ayaa ka mid ah dalxiisayaasha xeebaha taga; Halkanna waa xeebta Jazeera ee Muqdisho
Qoraalka sawirka, Qurba joogta ayaa ka mid ah dalxiisayaasha xeebaha taga; Halkanna waa xeebta Jazeera ee Muqdisho
Doon ay saaran yihiin dad ku damaashaadaya xeebaha Muqdisho ee dalxiiska loo tago
Qoraalka sawirka, Doon ay saaran yihiin dad ku damaashaadaya xeebaha Muqdisho ee dalxiiska loo tago
Waxay qaar ka mid ah ku ciyaaraan xeebta oo ay isku madadaaliyaan
Qoraalka sawirka, Waxay qaar ka mid ah ku ciyaaraan xeebta oo ay isku madadaaliyaan
Halkan oo ah Beerta Nabadda waxay ka mid tahay goobaha loo dalxiis tago

Xigashada Sawirka, Ali Duale

Qoraalka sawirka, Halkan oo ah Beerta Nabadda waxay ka mid tahay goobaha loo dalxiis tago
Calanka Soomaaliya ayaa lagu xiray doomaha dadka lagu damaashaado
Qoraalka sawirka, Calanka Soomaaliya ayaa lagu xiray doomaha dadka lagu damaashaado
Dalxiisayaasha xeebaha Muqdisho waxay ka yimaadaan gudaha dalka, waxaana jiro dadaal lagu doonayo in kuwa dibaddana ay u damaashaad tagaan dalka
Qoraalka sawirka, Dalxiisayaasha xeebaha Muqdisho waxay ka yimaadaan gudaha dalka, waxaana jiro dadaal lagu doonayo in kuwa dibaddana ay u damaashaad tagaan dalka
Dadka qaar sawirro ayey iska qaadaan oo ay ku baahiyaan baraha Bulshada si ay u muujiyaan quruxda
Qoraalka sawirka, Dadka qaar sawirro ayey iska qaadaan oo ay ku baahiyaan baraha Bulshada si ay u muujiyaan quruxda
Illaa maqribka ayey gaaraan qaar ka mid ah dalxiisayaasha ku dakeeya xeebaha caasimadda Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Illaa maqribka ayey gaaraan qaar ka mid ah dalxiisayaasha ku dakeeya xeebaha caasimadda Soomaaliya
Caruur badan ayaa ka mid ah kuwa taga xeebaha, maalmaha fasaxa ee Khamiista iyo Jimcaha.
Qoraalka sawirka, Caruur badan ayaa ka mid ah kuwa taga xeebaha, maalmaha fasaxa ee Khamiista iyo Jimcaha.
Buuraha Caalmadow ee Sanaag ayaa ka mid ah goobaha quruxda badan ee dalxiiska ku wanaagsan

Xigashada Sawirka, Ali Duale

Qoraalka sawirka, Buuraha Caalmadow ee Sanaag ayaa ka mid ah goobaha quruxda badan ee dalxiiska ku wanaagsan
Halkanna waa magaalada Bosaaso ee gobolka Bari oo leh xeeb dheer oo qurux badan iyo guryo qadiimi ah.

Xigashada Sawirka, Ali Duale

Qoraalka sawirka, Halkanna waa magaalada Bosaaso ee gobolka Bari oo leh xeeb dheer oo qurux badan iyo guryo qadiimi ah.