Hindiya: Wiil Muslim ah oo loo dilay jaceylka gabadh Hindu ah aawadii!

Xigashada Sawirka, Getty Images
Meydka wiil 24 jir ah ayaa laga helay waddada tareenka ee deegaanka Belgaum, oo ka tirsan gobolka Karnataka ee dalka Hindiya. Haatan kiiska ayaa si kale isku beddelay waxaana la sheegay in dilka ninkaasi uu la xiriiro arrimo jaceyl.
Wargeyska The Indian Express oo soo xiganaya booliiska ayaa sheegay in meydka Arbaaz Aftab Mulla uu u muuqday mid la jarjaray, balse kaddib baaritaan lagu sameeyay waxaa soo baxday in la dilay.
Booliiska ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay, ay sidoo kale baarayeen kiiska ninkan iyo xiriirka jaceyl ee kala dhaxeeyay gabar Hindu ah.
Dhanka kale, hooyada Arbaaz, Najima Shaikh, oo 46 jir ah, ayaa sheegtay in dilka wiilkeeda looga shakisan yahay inay la xiriirto dacwadda ay booliiska u gudbiyeen aabbaha gabadha, walaalkeed iyo qaar ka mid ah ururrada Hinduuda.
Maxay booliisku ka yiraahdeen kiisan?
Arbaaz, oo ku noolaa deegaanka Azam Nagar ee degmada Belgaum, wuxuu ahaa injineer gawaarida ka ganacsan jiray.
Markii meydkiisa la helay 28-kii September, booliiska ayaa markii hore u diwaan geliyay in ninkaasi uusan iskiis u dhiman, balse baaritaanka kaddib waxaa soo baxday in madaxa wax looga dhuftay, taas oo ka dhigan in la dilay.
Madaxa booliiska deegaanka ayaa yiri, "Waxaan kiiska u diwaan gelinnay dil kaddib markii hooyada wiilka ay dacwad soo gudbisay. Waxaa loo gudbin doonaa booliiska degmada Belgaum si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo."
Sarkaal sare oo booliiska Belgaum ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay inaan weli kiiska si rasmi ah loogu soo gudbin balse xog ay ururiyeen ay ku ogaadeen in dilka Arbaaz uu lala xiriirinayo jaceylkii kala dhaxeeyay gabadha Hinduuda ah.
Ilo booliiska ah ayaa laga soo xigtay, "Dhammaan dadkii la soo eedeeyay waa la ogaaday. Haatan waxaa dadaal loogu jiraa baaritaanka dhacdada. Xiriirka jaceyl wuxuu ahaa arin taagan waxaana socday wada hadallo labada dhinac u dhaxeeya."
Booliiska ayaa intaas ku daray inay ka shakisan yihiin in xubin ka tirsan ururka xagjirka garabka midig uu ku lug leeyahay kiiskan.
Qoysku wuu sii ogaa xiriirka jaceyl
Hooyada Arbaaz Mulla, Najima Sheikh waxay macallimad ka tahay mid ka mid ah dugsiyada dowladda. Mar ay la hadleysay wargeyska ayaa waxay sheegtay inay ka war qabtay in wiilkeeda uu muddo labo sano ah xiriir jaceyl la lahaa gabar Hindu ah.
Waxay tiri, "Annaga iyo qoyska gabadha waan ka war heynay xiriirkan. Waxaan ku noolaan jirnay Khanapur (oo u dhow Belgaum). Waxaan ka codsaday hooyada gabadha inay gabadheeda u diiddo la kulanka Arbaaz isla sidaas ayaana ku amray Arbaaz. Balse waxaa na handaday qoyska gabadha, sidaa darteed waanu isaga soo tagnay deegaanka waxaana nimid magaalada Belgaum."
Najima seygeeda wuxuu geeriyooday saddex sano kahor, halka gabadheeda oo iyadana injineer ah ay ka shaqeyso magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxay sheegtay in labo maalmood kahor intaysan weyn wiilkeeda, ay iyada iyo isaga la kulmeen labo qof oo u dhaqdhaqaaqa Hinduuda.
"Waxaa naloogu hanjabay in cawaaqib xumo daran aan ka qaadi doonno waxayna naga codsadeen inaan tagno Khanapur si arrinta loo xalliyo," ayay tiri.
"Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii September, Arbaaz iyo aniga halkaas ayaan tagnay iyaga hortooda ayuuna Arbaaz ku masaxay dhammaan sawirrada saaxiibtiis ee telefoonka ugu jiray."
Najima ayaa sheegtay inay aadday deegaanka Goa 28-kii September arrimo la xiriira baasaboorkeeda halka Arbaaz uu keligii joogay guriga ilaa 5 pm.
Waxay tiri, "Wuu isoo wacay wuxuuna i weydiiyay xilligaan imaanayo. Waxaan u sheegay inaay imaan doono 7-da fiidnimo. Wixii intaas ka dambeeyay waxaan bilaabay inaan u walwalo, waxaana u sheegay inuu guriga joogo. Markii aan guriga ku soo laabtay, ma uusna joogin. Maalintii xigtay markii ay booliiska na soo waceen, waxaan ogaannay inuusan Arbaaz nooleyn.












