Nin Muslim ah oo loo xiray 'sharciga jihaadka jaceylka' ee Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa xiray nin Muslim ah oo la sheegay inuu isku dayay inuu soo islaamiyo haweeney Hindu ah.
Wuxuu noqonayaa qofki ugu horreeyay ee uu qabto sharciga cusub ee ka dhanka ah in qofka laga beddelo diintiisa kaas oo beegsanaya "jihaadka jaceylka" - oo ah hal ku dhig ay kooxaha xagjirka Hinduuga u adeegsadaan in ragga Muslimiinta ah ay ku eedeeyaan inay muslimiyaan haweenka Hinduuga ah marka ay guursanayaan.
Sharciga ayaa waxaa ka dhashay caro, iyada oo dadka ka soo horjeeda ay ku tilmaameen mid ka dhan ah Islaamka.
Ugu yaraan afar kale oo gobol oo dalkaas ka tirsan ayaa soo saaraya shuruuc ka dhan ah "jihaadka jaceylka".
Booliiska degmada Bareilly ee gobolka Uttar Pradesh ayaa shalay barta Twitter-ka ku xaqiijiyay xiritaanka ninkaas.
Dacwad uu toddobaadkii hore gudbiyay aabbaha haweeneyda ayaa wuxuu ninka ku eedeeyay inuu gabadhiisa ku cadaadiyay inay muslimto isagoo ugu hanjabay inuu nafteeda khatar gelin doono haddii ay sidaas sameyn weydo. Haweeneyda ayaa la sheegay inay xiriir la lahayd ninka balse ay horraantii sanadkan guursatay nin kale.
Kaddib markii la xiray shalay, ninka ayaa loo diray muddo 14 maalmood oo xabsi ah. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuusan waxba ka ogeyn isla markaana uusan "wax xiriir ah la lahayn haweeneyda".
Sharciga cusub wuxuu dhigayaa xabsi ilaa 10 sano ah qofkana laguma deyn karo damaanad.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa maxay sharciga "jihaadka jaceylka"?
Bishii November, Uttar Pradesh ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee meel mariya sharci ka dhan ah in qofka si qasab ah looga beddelo diintiisa.
Balse ma noqon doono ki ugu dambeeyay iyadoo ugu yaraan afar gobol oo kale - Madhya Pradesh, Haryana, Karnataka iyo Assam - ay sheegeen inay soo saari doonaan shuruuc ka dhan ah "jihaadka jaceylka". Dhammaan shanta gobol waxaa maamula xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP), oo lagu eedeeyay inuu wax caadi ah ka dhigay carada ka dhanka ah Muslimiinta.
Dadka cambaareeya ayaa ku tilmaamay mid aan habbooneyn, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin in shuruucda noocan oo kale ah ay horseedi doonaan in si xun loo adeegsado iyo tacaddiyo maaddaama "jihaadka jaceylka" mar walba loo arkayay inuu yahay hal ku dhig ay adeegsadaan kooxaha garabka midig ee xagjiriinta Hinduuga. Ma aha hal ku dhig uu si rasmi ah u aqoonsan yahay sharciga Hindiya.
Balse warbaahinta ayuu qabsaday bilihii la soo dhaafay - bishii October, dukaan caan ah oo lagu iibiyo waxyaabaha la xirto ee la isku qurxiyo ayaa ka laabtay xayeysiin ku saabsaneyd lammaane labo diin heysta kaddib markii kooxda xagjiriinta Hinduuga ay ku eedeeyeen inay buunbuuninayaan "jihaadka jaceylka".
Kaddibna bishii November, maamulka ayaa isla arrintaas ku eedeeyay shirkadda Netflix, iyagoo u jeeda qeyb ka mid ah, filimka A Suitable Boy (wiil ku habboon), halkaas oo haweeney Hindu ah iyo nin Muslim ah ay isku dhunkanayaan iyadoo kaamiradana ay qabaneyso macbad Hindu ah. Wasiirka Madhya Pradesh, Narottam Mishra, ayaa sheegay inay sababtay "caro diimeed" isla markaana lagu amray saraakiisa inay ka fekeraan tallaabo sharci ah oo laga qaado soo saaraha iyo agaasimaha filimkaas.
Dadka cambaareeya xisbiga BJP ayaa sheegay inuu tooshka ku ifiyay arrimaha diinta quseeya tan iyo intii uu Ra`iisul Wasaare Narendra Modi xilka qabtay sanadkii 2014. Guurka dhex mara Hinduuda iyo Muslimiinta waa mid soo jireen ah, laakiin tallaabooyinka ka dhan ah waa kuwo soo badanayay dhowaan.










