Muslim iyo Hindu: 'Jihaadka Jaceylka' Kalgaceylkeena waa mid dhab ah

Xigashada Sawirka, India Love Project
Dalka Hindiya, guurka dhexmaro dadka diimaha iyo dhaqamada kala duwan haysta, waxay la kulmaan cambaareyn xooggan iyo caqabado kale. Haddaba barnaamij cusub ee Instagram lagu baahiyo ayaa dhawaan u dabbaal dagay lammaane laba diimood kala haysta oo noolasha ku midoobay isla-markaana jabiyey darbigii, "dhaqanka, diimaha iyo qabiilka", ayey tiri Geeta Pandey oo BBC uga soo warranto Delhi.
Qoysaska mayalka adag ee dalka Hindiya ku nool ayaan jacleyn ama aan soo dhaweyneyn guurka dhexmara dadka diinta iyo haybta ku kala duwan, balse sanadihi u dambeeyey wadahadallada iyo doodaha laga yeeshay arrintan ayaa bulshooyiin badan ka careysiisay. Inta badan waxaa arrintaasi si gaar ah loo dareemaa marka ay isguursadaan haweeney ka soo jeedda Hinduu iyo nin Muslim ah.
Arrintan sida ay saameynta ugu yeelatay Hindiya waxay soo caan baxday bishii hore markii ay shirkad soo saarta waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan ay ka laabatay xayaysiis ay si wadajir ah u sameynayeen lammaanayaal diimo kala duwan haysta, ka dib marki ay kooxaha midigta-fog ee Hinduuga ay dagaal culus oo dhanka baraha bulshada ah ku qaadeen shirkaddaas.
Xayaysiiska laga sameeyay haweeney ku dhow in ay dhasho oo u adeeganeyso cannugeeda dhalan raba, sidoo kalena ay xaflad u qabteen dumaashiyaasheeda iyo sodohdeeda oo Muslimiin ah. Waxaa xayeysiiskaas loo sameeyay shirkadda Tanishq oo ay leedahay Tetas oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka jira Hindiya oo loo yaqaanno Ekatvam oo micnaheedu yahay "Midnimo".
Ujeedada xayeysiiska waxay ahayd xoojinta "midnimada iyo kala duwanaashaha", balse waxay ku dhammaatay inay abuurto fikrado iska soo horjeeda oo ku saabsan bulshooyinka Hindiya.
Hinduuga mayalka adag waxay xayasiiska ku tilmaameen "jeceyl jihaad", iyaga oo ereygaasi Islaam neceybka ah adeegsanayo maadaamaa ay aaminsan yihiin in ninka Muslimka ah ee guursado gabar Hinduu ah inuu diinteeda ka saarayo.

Xigashada Sawirka, India Love Project
Olole dhanka baraha bulshada ka socday waxaa lagu sheegay in la joojinayo isticmaalka alaabada shirkaddaas xayaysiiska ay u sameeyeen lammaanaha kala diinta ah.
Shirkadduna war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in xayasiiski ay hawada ka saartay iyada oo wax weliba ka hormarineyso ammaanka shaqaalaheeda.
Laba toddobaad kaddib marki xayasiiskaasi muran uu ka dhashay, lamaanayaasha kala ah Samar Halarnkar iyo Priya Ramani iyo qoraaga wargeyskooda ka shaqeeya Niloufer Venkataraman, waxay Instagram ka billaabeen Mashruuca Jaceylka Hindiya, iyaga oo dhiirragelinayo jaceylka dhaxmara dadyowga diimaha iyo haybta ku kala duwan, xilligan oo naceybka iyo kala qaybsanaanta ay bulshooyinka ka dhex taagan taha,y si midnimo loo helo.
Mr Halarnkar wuxuu BBC u sheegay in ay ka fakarayeen "hirgelinta mashruucan, in ka badan sannad," haddana waxaa mashruuca degdeg inaan u howlgelinno nagu kallifay khilaafki ka abuurmay xayaysiiska Tanishq.
Annaga oo adeegsaneyno Mashruuca Jaceylka Hindiya, "waxaan diyaarin doonnaa hannaan ay dadka sheekooyiinkooda ku soo bandhigi doonaan", ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, India Love Project
Laga billaabo 28-kii Oktober, barnaamijkan marki lagu billaabay sheekadii ugu horreysay ee hooyo Paris ka soo jeedda iyo S Venkatraman oo Hinduu ka soo jeeda, wixii ka dambeeyey maalin walba waxaa la daabacaa sheeka hor leh oo cusub.
Mr Halarnkar, wuxuu yiri: "Maalin weliba dadaal ayaan ugu jirnaa sidii aan u soo bandhigi lahayn sheekooyin cusub. Maalin walbana waxaa na soo gaaraya dad leh, oo inoo sheegaya 'waxaan dooneynaan inaan idinla wadaagno sheekooyinkannaga, kuwa waaliddiinteen ama awoowydadeey'. Waxay taa ina tusineysaa guurka dhexmara lammaanayaasha ku kala duwan diimaha ama haybta iney cusbayn oo muddooyiin horaba soo dhici jireen."
Wuxuuna intaa ku daray, "iney hadda muhiimad gaar ah leedahay in arrintaas laga hadlo si ka duwan sidi hore."
Dala Hindiya, 90% guurka ka dhaca waxaa diyaariya qoyska lammaanaha iyaga oo ka eegaya dhinaca diimaha iyo haybta ay ka soo kala jeedaan iyo xitaa dabaqadda nolosha. Badanaa qofka malahan awood uu ku xusho qofka uu nolosha la wadaagi lahaa.
Hay'adda Hindiya daraasaadka u qaabilsan waxay sheegtay in guurka dalkaasi ka dhaca dalkaas, boqolkiiba 5% oo keli ah ay yihiin kuwo hayb ama qabiil ku kala duwan, halka 2.2% ay ku kala duwan yihiin diimaha ay kala aaminsan yihiin.
Lammaanayaasha isu guursada si ka baxsan xeyndaabkaasi dhaqanka Hindiya u yaalla, waxay la kulmayaan dhibaato iyaga oo marar qaar la dilo.

Xigashada Sawirka, India Love Project
Sanadihii u dambeeyey oo ay talada dalka Hindiya qabtay xisbi Hinduu oo mayal adag, kaas oo Hindiya ka helay taageero aad u badan, halka kala qaybsanaanta diimeed ee dalkaasina ay sii korodhay.
Guurka dadka diimaha kala duwan haysta ee aadka loo dareemo ama sida weyn looga falceliyo waxaa ka mid ah marka ay isguursadaan Haweeney Hinduu ah iyo nin Muslim ah.
Bishii Fabraayo, Mr Halarnkar wuxuu sheegay: "Dowladda waxay baarlamaanka dalkaasi u sheegtay 'Jaceylka Jihaadka" waxa lagu tilmaamay arrin aan boos ku lahayn dalkaas iyo in hay'adaha dowliga aan looga baahneen iney kiisaska noocaasi ah ka dhawaajiyaan.
Maalmihi u dambeeyeyna, afar gobol uu ka taliyo xisbiga BJP waxay shaaciyeen inay qorsheynayaan inay soo saaraan shuruuc ay ku xakameynayaan "bulshada iyo guurka noocaas ah".

Xigashada Sawirka, India Love Project
Rupa, oo ka tirsan Hinduuga Brahmin, waxay wax ka qortay dareenka ay hooyadeed ka muujisay marki ugu horreysay oo ay u sheegtay inay guursaneyso Razi Abdi oo nin muslim ah.
"Hooyadey waxay tiri dalaaq, dalaaq, dalaaq, ayuu seddex jeer ku oran doonaa, wuuna ku soo ceyrin doonaa," iyaada oo ka welwlesan dhaqanka furitaanka muslimiinta qaar, oo xilliyadan dambe Hindiya laga mamnuucay.
30 sano ayaa Rupa iyo Razi guurkooda ka soo wareegtay. Waxayna isu dhaleen laba wiil, gurigoodana waxay ku wada xusaan ciidda Muslimka iyo ciidda Diwali ee Hinduuga.
TM Veeraraghav oo saxaafadda u warramayey wuxuu sheegay: "Gurigeena waa mid aysan diimaha ay kala aaminsan yihiin qiimo badan ku lahayn, oo wax weliba ay jaceylkooda ka hormariyaan."
"Aniga khudaarta ayaan cunaa, iyaduna dookheyga cunnada wey ila jeceshahay weyna ixtiraameysaa. Crruurtana cuntada ay doonaan ha ahaato tan Muslimka ama tan Hinduuga ayey cunayaan.

Xigashada Sawirka, India Love Project
Barta Instagram-ka ee Mashuucan Jaceylka Hindiya looga talagalay laga wado, sidoo kale lagu soo bandhigo sheekooyiin kale oo ku saabsan lammaanayaasha diimaha ama haybta ku kala duwan ee noolasha wadaagay, ayaa si xowli ah u kobcaya.













