Dad badan oo aroos ka gaarsiis ah dhiganaya ka hor dhaqangalka sharci cusub

.

Xigashada Sawirka, UNIVERAL IMAGES GROUP VIA GETTY

Sharciga lagu kordhinayo da'da guurka gabdhaha ayaa dhawaan si rasmi ah uga dhaqan galaya dalka Hindiya, waxayna taasi keentay in dad badan ay si dhaqso ah u samaystaan aqal gal xilligiisii laga soo hormariyay.

Haddii ay taasi dhacdo, markaas waxaa jirta suurtogalnimo kasta oo dib loogu dhigo guurka la qorsheeyay dhowrka sano ee soo socda.

Si looga fogaado xaaladdan oo kale, qoysas badan oo ku nool magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa quus ka taagan inay sida ugu dhaqsaha badan gabdhadooda ugu guuriyaan inta u dhexeyso 18 ilaa 20 jir.

Waxay u badan tahay in dadka saboolka ah ay si weyn ugu xoomayaan qabanqaabada arooska, Waxaa laga yaabaa in sababta tani ay tahay in qoysaska saboolka ah ay dowladda ka helaan kaalmo dhaqaale oo ay ku aqal galaan.

Maulana Siciid ul Qadri ayaa arrintan uga warramay BBC-da, waxa uu yiri, "Waxa jirta cabsi soo wajahday qoysaska Muslimiinta ah ee ku nool magaalada Hyderabad iyo meel kasta oo dalka ka mid ah oo ku saabsan sharciga la soo jeediyay, dadka danyarta ah ma rabaan in ay sugaan saddex sano oo dheeraad ah si ay gabdhaha u guursadaan, sidaas darteed waxay ku degdegayaan dadka inay aqal galaan"

Soo jeedinta kordhinta da'da guurka gabdhaha

Dowladda Dhexe ayaa baarlamaanka horgeysay sharciga wax ka bedelka da'da guurka hablaha.

Sharciga Mamnuucidda Guurka gabdhaha-2021, waxa uu soo jeedinayaa in la kordhiyo da'da guurka gabdhaha oo laga dhigo 21 sano jir halkii markii uu ahaa 18 jir.

Ka dib markii su'aalo badan laga keenay sharcigan wax ka beddelka, dowladdu waxay hadda ku wareejisay guddiga doorashada ee baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan Lok Sabha, wararka waxay sheegayaan in dowladda ay dooneyso in sharcigan hor loogu sii wado si loo dhaqan geliyo.

Dadka waxay bilaabeen qorshaha ay ku aqal galayaan ka hor meel marinta sharcigan, dadka waxay arooskooda kasoo horumariyeen xilliggii loo qorsheeyay in uu dhaco.

Tusaale ahaan , nin lagu magacaabo Towfiiq waxaa gabadhiisa la aroostay ka hor xilligii la qorsheeyay in uu arooska dhaco, isaga oo arrintaa ka shekeynayo wuxuu yiri "Kadib markii aan xaaladda isla lafagurnay waxaa la go'aamiyay in gabadha arooskeedu uu dhaco ka hor wakhtigii la qorsheeyay"

Shacabka magaalada Hyderabad ayaa arooskooda ka gaarsiinaya ka hor dhaqangalka sharciga cusub ee guurka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shacabka magaalada Hyderabad ayaa arooskooda ka gaarsiinaya ka hor dhaqangalka sharciga cusub ee guurka

Laakiin wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ogaadeen in haddii sharciga cusub la dhaqan geliyo goor hore in gabadhooda aan la guursan saddexda sano ee soo socota.

"Gabadhaydu waa 18 jir, markaa, waxay xaaladda nagu qasabtay in aan ku guurinno hal maalin gudahood" ayuu yiri Towfiiq.

Qazi Asmatullah Qadri oo maalmiihii lasoo dhaafay ka qeybgalay aroosyo dhowr ah ayaa BBC u sheegay in qoysas badan ay ka cabsanayaan in uu saameeyo sharcigan cusub.

"Qoysas badan oo aan ahayn dadka saboolka ah oo keliya ah ee weliba kuwa dabaqadda dhexe ah iyo kuwa maalqabeenka ah, ayaa ku degdegayaa in gabdhahooda la guursado iyagoo ka baqaya sharciga cusub,"

"Dhaqanka u yaalla Hyderabad waa in hablaha lagu guursado da'da 18 jir. xitaa qoysaska dabaqadda dhexe iyo kuwa maalqabeenka ah ma rabaan in guurka uu burburo ka dib markii ay sugayeen saddex sano, halka qoysaska saboolka ah ay dareemayaan culeyska ah inay sii hayaan gabadha saddex sano oo kale" ayuu yiri Qazi Asmatullah Qadri.