Gabar dhalinyaro ah oo buraanburka ka macaashta

Soomaalidu waxay kamid yihiin dadka aduunka ugu amaanta jecel marka lagu gudo jiro munaasabadaha arooska,meherka,dhalashooyinka iyo xususka gaarka ah ee beeluhu isugu yimaadaan.
Fartuun Cabduqaadir Xasan Kareeto waa gudoomiyaha kooxda buraanburka Cod Iyo Midho,waxay ku shaqeysataa curinta iyo ku luuqaynta buraanburka noocyadiisa kala duwan ,xigmada curinta buraanburka waxay ka dhaxashay hooyadeed .
Fartuun waxay sameysatay macaamiil cusub oo qurba joog ah oo ka soo dalbada muuqalo buraanbur ah,kadibna ay u isticmaalaan barahooda bulshada.
''Xaga qurbaha waxaa nalaga soo codsadaa buraanbur aroos ah laba qof oo xaga isku aroosay,baryahan danbe buraanburka waxaa loo istcmaalaa baraha bulsahada sida youtube-ka,facebook, waaa nala soo wacaa nambaradeena ayaa la soo raadiyaa,waan la heshiinaa waxay noo soo gudbiyaan magacyada iyo qabiilkooda,dhalasho waan duubnaa iyo sanad guuroo kale,soo dhawayn dad afrika imaanaya sidaas Ayaan ula xariirnaa dadka dibadda joogao.''
Buraanburku wuxuu ka mid yahay hidaha iyo dhaqanka soomaalida ee soo jireenka ah,madasha buraanburka iyo habka loo boodo ayaa ah mid soo jiita marti sharafta soo xaadirta goloyaasha lagu qabto munaasabadaha,Fartuun ayaa nala wadaagtay amaan erayo amaan kooban oo ku socota boqorka iyo boqrada xiliga guurka.

Tix kooban oo caruusada loo tiriyo
Gabar lasoo xulaay oo xeer-beegti loo dirsaday
Xigaalka iyo ehelku bixinteedii xaadireen
Oo xoolo laga dhiiboo xeryo geel ah laga baxshaay
Xarago lagu abaabiyaa xaas lagaaga dhigay
Ee xaakinkay ha idin kala siiyo ubad la xulay
Tix kooban oo caruuska ah
Wiil goboo geesiyoo reer wax gal ah dhaleen
Gob ayaa amaan mudane gaashaan-dhig sare ka yimid
Ayaan giniyeey ku siiyay ee garwaaq-sanoow
Ee guulahay ha idin kala siiyo ubad wax gala.

Habkan cusub ee adeegsiga buraanburka ee baraha bulshada ayaa ah hab cusub oo bulshadu soomalidu ay bilowday waayadan danbe.










