Gabdhaha Soomaalida ah ee loo xiray taageerada Falastiin

Meela kala duwan oo ka tirsan dalka Kenya ayaa lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayo falastiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meela kala duwan oo ka tirsan dalka Kenya ayaa lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayo Falastiin

Booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga ka sii daayay Ubax Cabdi oo loo xiray ka qeybgalka kulan lagu taageerayay Falastiin oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ubax ayaa lala xiray laba nin oo kale, waxaana saddexda qof la sii daayey Axaddii iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin ka dib markii ay si weyn u dhaleeceeyeen qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah, siyaasiyiinta iyo ururada xuquuqul insaanka.

Waxay sheegeen inay qabanayaan "shir wadajir ah".

Lama oga sababta dhabta ah ee loo xiray gabadhan iyo dadka kaleba.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya lagana soo doorto deegaanka Kamukunji ee ay hoos tagto xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Islii ayaa cambaareeyay xarigga.

Madaxa hay’dda Amnesty International ee Kenya, Irũngũ Houghton, ayaa sheegay in carqaladaynta kulanka ay ahayd "mid sharci darro ah" oo "aad looga xumaado".

Waxaa soo qabanqaabiyay guddiga midnimada Falastiiniyiinta Kenya ka dib markii ay booliisku joojiyeen mudaaharaad hore oo ay kooxdu ku qorsheysay bannaanka safaaradda Mareykanka.

Madaxweynaha kenya William Ruto ayaa muujiyay in dowladdiisu ay si buuxda u taageersan tahay Israa’iil, taas oo ah mowqifka Kenya ay ka istaagtay dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Booliska Kenya waxay xabsiga u taxaabeen Imaduddiin Ahmed, Muhammad Musa, iyo Ubax Cabdi oo lagu qabtay Cheche Books, waxaa loo xiray kulan ay ku yeesheen meel gaar ah oo ay kaga hadlayeen xasuuqa Qaza, bal qiyaas taas!" sidaasi waxaa yiri Boniface Mwangi oo ah nin u dooda xuquuda dadka mar uu la hadlayey warbaahinta maxalliga ah.

Sabtidii, dadka deggan Mombasa, oo uu ku jiro xildhibaanka lagasoo doorto deegaanka Nyali, Maxamed Cali, ayaa qabtay mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee socda ee dhimashada badan ka geystay Marinka Qasa.

"Waxaan ugu baaqaynaa dawladeena iyo dawlad kasta oo adduunka ka jirta, iyada oo ixtiraamaysa xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah inay ku baaqaan xabbad-joojin degdeg ah," ayuu ku baaqay xildhibaan Maxamed Cali.

"Qasa xilligan waxaa ka go'an cunnadii, korontadii, biyihii, iyo shidaalkii iyadoo hubkii gubashada darajada afaraad lagu sii daayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo u badan haween iyo caruur." Ayuu sii raaciyey.

Meela kala duwan oo ka tirsan dalka Kenya ayaa lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayo falastiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dibax bax lagu taageerayo Falastiin oo ka dhacayey Magaalada Berlin ee Jarmalka

Gabar Soomaali oo Jarmalka loogu xiray taageerada Falastiin

Toddobaadkii tagay waxaa baraha bulshada ku baahay gabar Soomaaliyeed oo haysata calanka falastiin, taas oo meel wadda ah ay ka qabteen booliska magaalada Jarmalka ee Frankfurt.

Lama xaqiijin karo in ay weli xiran tahay iyo in kale, balse dalka jarmalka waxaa ka mamnuuc ah dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin iyadoo booliska dalkaasi uu soo saaray xayiraad ku aaddan dibad baxyada noocan ah bilowgii dagaalka xamaas iyo Israa’iil.

Waxa ay sheegeen boolisku inay ka cabsi qabaan inay dibad baxyadu horseedaan, hadallo nacayb oo ka dhan ah dadka Yuhuudda iyo qalalaase.

In kasta oo mamnuuciddu jirto, dad badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Hermann ee degmada Neukolln iyo agagaarka Waddada Sonnenallee iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay qabtaan mudaaharaad aan la oggolayn oo lagu taageerayo Falastiin.

Waxa ay ku qeylinayeen halku dhigyo ay ku taageerayaan falastiin, waxaana jiray muran dhex maray iyaga iyo dadkii wadada marayay.

Ciidamada booliska oo qaaday tallaabooyin badan oo lagu sugayo ammaanka agagaarka fagaaraha ayaa adeegsaday ogeysiisyada baabuurta si ay u codsadaan in kooxda la kala diro.

Dad badan oo aan u hoggaansamin amarka ayaa la xiray.

Qabanqaabiyaha labada isu soo bax ee midnimo, Initiative Palestine, ayaa ku eedeaysay booliiska cunsuriyad, isagoo sheegay in tillaabooyin dheeri ah dib lagu dhawaaqi doono.

Isu soo baxyada waxaa loo mamnuucay "sababo cunsurinimo ah," ayaa lagu yiri bayaan ay soo dhigtay website-keeda.

"Si kastaba ha ahaatee, nala aamusiin maayo. Waxaan ku wargelin doonaa tallaabooyinka soo socda ee lagu keenayo (arrinta) Falastiin waddooyinka Berlin," ayay raacisay.

Xeerarka Yurub uga yaalla taageerada Xamaas

Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters

Dalalka Yurub, Mareykanka iyo kuwo ka tirsan galbeedka ayaan laga ogolayn taageerada ururka Xamaas oo ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso ah, hase yeeshee qaar badan oo ka mid ah dalalkan ayaa mamnuucaya ama xaddida dibadbaxyada lagu taageerayo Falastiin.

Jarmalka oo uu ka talin jiray xisbigii Yuhuudda necbaa ee Naasiga ayaa ka cabsada inay dalkiisa ka dhacaan waxyaabo la xiriira xisbigaas la mamnuucay ama gebi ahaanba wax ka dhan ah dadka Yuhuudda oo malaayiin looga dilay dalkaas xilligii dagaalkii labaad ee aduunka.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, kaddib weerarkii ay Israa'iil ku qaadday isbitaal Qasa ku yalla, waxaa qyebo kala duwan oo caalamka ah, ayna ku jiraan dalal Yurub ku yaalla ka dhacay mudaaharaadyo looga soo horjeeday weerarkaas.

Inkastoo mudaaharaadyadan ay dhaceen, haddana waxaa dadka laga hor istaagayay erayada nacaybka ku dhisan iyo qalalaase sida gubidda meelaha, iyadoo dibadbaxayaasha qaar ay ku hor bannaanbaxayeen safaaradda Israa'iil.