Duuliyihii meydka Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Soomaaliya oo markii ugu horreysay hadlay

Siyaad Barre

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Bushra Noor Mohamed
    • Role, Weriye BBC

31 sano ka hor maanta oo kale, Xuseen Maxamed Canshuur iyo Maxamed Aadan (Maxamed Dheere) oo ah laba duuliye oo Kenyaan ah waxaa xafiiskooda ku yaallay garoonka diyaaradaha ee Wilson oo ku dhow caasimadda Nairobi, soo gaartay shaqo aan la filayn, taas oo xasaasi ahayd, halis waynna ay ku hoos duugneyd.

Xuseen iyo Maxamed oo shaqo maalmeedkooda ku jira waxaa u yimid diblomaasi u dhashay dalka Nayjeeriya, kaas oo ka codsaday in meydka hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre ay diyaaradooda u soo qaado dalkiisa hooyo si loogu aaso, kaddib markii uu ku geeriyooday Lagos oo uu magangalyo siyaasadeed ku joogay Nayjeeriya isagoo 80 jir ah.

Maxamed Canshuur oo hore u ahaan jiray Kabtan ka tirsan Ciidamada cirka dalka Kenya, waxa ay Maxamed Aadan wada lahaayeen shirkadda duulimaadka Bluebird oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn Kenya, isla markaana ay aasaaseen dhowr sano ka hor waqtigaas.

Isaga oo markii ugu horreysay warbaahinta kala hadlay hawlgalkan, Canshuur waxa uu BBC-da u sheegay in diblomaasigii Nayjeeriyaanka ahaa uu si toos ah isku dul-taagay arrinta uu doonayay, kana codsaday isaga iyo Maxamed in ay " ka kireeyaan diyaaraddooda oo si qarsoodi ah ugu qaadaan meydka marxuumka laga soo qaadayo magaalada Lagos ee Nayjeeriya, lana geeyo magaalada Garbahaarrey ee koonfurta Soomaaliya si halkaas loogu aaso Siyaad Barre.

Waxa uu sheegay in codsigaas uu ahaa mid aad loola yaabo "Isla markiiba waan garannay in safarkaan uusan ahayn duulimaad caadi ah."

Siyaad waxa uu dalka ka baxay 28-kii bishii Janaayo 1991-kii, kaddib markii ay xukunka ka tuureen maleeshiyaad hubaysan. Soo qaadista meydkiisa waxa ay ahayd arrin siyaasad ahaan aad u murugsan oo ay ku lug lahaayeen dowlado badan, ayna la xiriirtay halis ah in dhibaato diblomaasiyadeed ay ka dhalato.

Xuseen Maxamed Canshuur

Xigashada Sawirka, HusseinM Anshur

Canshuur waxa uu sheegay in ay ka baqayeen ciqaabta xun ee ay la kulmi karaan, haddii ay qaataan fulinta hawshan, maadaama diblomaasigu uu codsaday in duulimaadka lagu fuliyo hab aan caadi ahayn oo qarsoodi ah, kana baxsan nidaamyadii rasmiga ahaa.

"Haddii ay ogaan lahaayeen maamulka Kenya, dhibaatooyin waaweyn ayaa dhici lahaa," ayuu yiri Canshuur.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maalintaas duuliyeyaashu waxa ay waqtigooda ugu badan ku bixiyeen dood iyo falanqayn, iyagoo miisaamayay khataraha ku imaan kara, gaar ahaan waxa dhici kara haddii dowladda Kenya, oo markaas uu hoggaaminayay Madaxweyne Daniel Arap Moi, ay ogaato waxa ay qorsheynayeen.

Siyaad Barre waxa uu dalka kula wareegay afgambi aan dhiig ku daadan sanadkii 1969. Taageerayaashiisu waxay u arki jireen halyey Afrikaanimo ku wayn tahay, oo taageera halganka ka dhanka ah nidaamka cunsuriga ee madow neceybka ku saleesnaa ee ka jiray Koonfur Afrika.

Mucaaradkiisa, xukunka Siyaad waxa ay ku tilmaami jireen kaligii-taliye geystay xadgudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, ilaa laga riday xukunka in ka badan 20 sano kaddib, 28-kii Janaayo 1991.

Markii hore ee uu dalka ka baxay Siyaad Barre waxa uu tagay dalka Kenya, balse dowladda Moi waxa ay la kulantay cadaadis xooggan oo kaga imaanayay baarlamaanka iyo ururrada xuquuqda aadanaha, taasoo ku qasabtay in uu iskaga baxo, isaga oo magangalyo siyaasadeed ka helay Nayjeeriya, waxa uuna Siyaad ku noolaa magaalada Lagos ilaa uu ka geeriyooday, kadib markii uu muddo la xanuusanayey xanuunka sonkorowga/macaanka.

Madaama shaqadu ay ahayd mid xasaasi ah, duuliyayaashu waxa ay ka codsadeen diblomaasigii u dhashay Nayjeeriya hal maalin oo kale si ay uga fikiraan arrinta. Lacagta ay ku helayeen waa ay badnayd, balse kharta ay la kulmi karaan waa ay kasii badneed.

"Markii hore waxaan kula talinay in ay adeegsadaan diyaarad ka tirsan diyaaradaha Ciidanka Cirka Nayjeeriya, balse waa uu diiday," ayuu yiri Canshuur, isaga oo intaas raaciyey in diblomaasigu kula dardaarmay in arrintaan aan la ogaan "Waxa uu yiri hawlgalku waa mid aad u xasaasi ah, dowladda Kenya-na waa inaan la ogeysiin".

Sidoo kale, wiilka Siyaad Barre; Ayaanle Maxamed Siyaad oo isagana markii ugu horreesay arrintaan warbaahinta kala hadlay ayaa BBC-da u sheegay in "sababta loo qarinayey aysan ahayn in arrintu tahay mid sharci darro ah".

Ayaanle waxa uu sharaxay in Islaam ahaan, diinta Islaamku farayso, in marxuumka geeriyoodo ay tahay in degdeg loo aaso maydka, sidaa darteedna ay u baalmareen nidaamyadii caadiga ahaa ee la mari jiray, inkasta oo ay jireen dowlado qaar oo ka war hayey qorshaha.

"Waqtiga ayaa aad noogu yaraa, haddii aan mari lahayn dhammaan tallaabooyinkii loo baahnaa, aaska ayaa naga dib dhici lahaa" ayuu yiri Ayaanle.

Markii hore, dowladda Nayjeeriya waxa ay doonesay in ay adeegsato oo ay Maydka ku qaado diyaarad milatari ah, balse garoonka Garbahaarrey ayaa ahaa mid "aad u yar, taasi waa sababta shirkadda Bluebird loola soo xiriiray," ayuu Ayaanle BBC-da u sheegay.

Duuliyayaashu waqtigaas wax xiriir ah lama lahayn qoyska Siyaad Barre, waxa ayna go'aankooda (in ay aqbaleen) u gudbiyeen diblomaasigii Nayjeeriya u dhashay, 10-kii Janaayo 1995, sida uu sheegay Canshuur.

"Go'aan sahlan ma ahayn, laakiin waxaan dareennay masuuliyad ah inaan hawsha fulinno," ayuu yiri Ayaanle.

.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Siyaad 28 Janaayo 1991 ayuu xilka ka degay

Tani ma ahayn xiriirkoodii ugu horreeyey ee ay la yeeshaan qoyska madaxweynihii hore, balse markii Siyaad Barre iyo reerkiisa ay ka qaxeen Muqdisho waxa ay gaareen Buurdhuubo oo ah magaalo ku taalla gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo beel ahaan uu kasoo jeedo Siyaad.

Muddadaas, duuliyayaashu waxa ay Buurdhuubo u soo qaadeen sahay muhiim ah, oo ay ka mid ahaayeen cunto, dawo iyo baahiyo kale oo aas-aasi ah, si loo gaarsiiyo qoyska Siyaad Barre.

Hase yeeshee, ka hor inta aysan bilaabin duulimaadka ay ku qaadayaan Meydka, duuliyayaashu waxay ka dalbadeen dowladda Nayjeeriya dammaanad qaad ah; "In haddii siyaasad ahaan wax qaldamaan, Nayjeeriya ay qaadato masuuliyadda" ayuu yiri Canshuur. "Sidoo kale waxaan rabnay laba sarkaal oo safaaradda ka socda in ay raacaan oo ay diyaaradda saarnaadaan."

Nayjeeriya waa ay aqbashay. Dabadeedna duuliyayaashu waxa ay diyaariyeen qorshe ay ku hubinayaan in hawlgalku ahaado mid sir ah, waana ku guuleysteen.

Wax yar kaddib saacaddu markay ahayd 3:00 aroornimo 11-kii Janaayo, diyaarad yar oo nooca Beechcraft King Air B200 ah ayaa ka duushay garoonka Wilson. Dukumentiyada duulimaadka waxaa lagu qoray in ujeeddada safarku tahay magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya.

"Taasi waxa ay ahayd waxa aan ku qornay warqadda, markii aan u dhowaanay Kisumu, waxaan deminay raadaarka diyaaradda, waxaana u leexannay Entebbe ee Uganda."

Markii ay Entebbe ka dageen, mas'uuliyiinta garoonka waxaa loo sheegay in diyaaraddu ka timid Kisumu. Labadii sarkaal ee Nayjeeriyka ee saarnaa diyaaradda waxaa lagu amray in aysan hadlin, kana degin diyaaradda.

Diyaaradda ayaa lagu shubay shidaal, kadibana waxaa loo sheegay in meesha xigta ay tahay Yaoundé ee Cameroon, halkaas oo diblomaasiyiin Nayjeeriyaan ah oo hawsha isku dubbaridayay ay ku sugnaayeen.

Ka dib waqti kooban ay diyaaraddu ku hakatay magaalada Yaoundé, diyaaradda waxa ay u duushay Lagos. Ka hor inta aysan gelin hawada Nayjeeriya, dowladda Nayjeeriya waxay ku amartay duuliyayaasha inay adeegsadaan calaamadda Ciidanka Cirka Nigeria ee "WT 001" si looga fogaado shaki.

"Faahfaahintaas waxa ay ahayd muhiim" haddii kale, su'aalo ayaa nala weydiin lahaa" ayuu yiri Canshuur.

.

Xigashada Sawirka, Xuseen Maxamed Canshuur

Waxa ay magalaada Lagos soo gaareen 13:00 11 Janaayo, halkaas oo ay qoyska Siyaad ku sugayeen, kaddib nasasho gaaban, duuliyayaashu waxay isu diyaariyeen safarkii ugu dambeeyay qaadista meydka Siyaad Barre ilaa Garbahaarrey.

12-kii Janaayo 1995, sanduuq alwaax ah oo meydku ku jiray ayaa lagu raray diyaaradda. Waxaa la socday laba sarkaal oo dowladda Nayjeeriya ah iyo lix xubnood oo qoyska ah, oo uu ku jiray wiilkiisa Ayaanle Maxamed Siyaad Barre.

Dhanka duuliyayaasha, in ay qariyaan meydka ay sidaan waxa ay ahayd mid muhiim ah.

"Marnaba ma aanan u sheegin mas'uuliyiinta garoomada Cameroon, Uganda ama Kenya in aan sidnay meyd," ayuu yiri Canshuur. "Arrintaas si ula kac ah ayaan u sameynay".

Diyaaraddu waxa ay dib u martay isla jidkii, iyadoo mar kale ku hakatay Yaoundé, ka dibna u duushay Entebbe si ay shidaal uga qaadato. Mar kale, mas'uuliyiinta Uganda waxaa loo sheegay in diyaaraddu ku wajahan tahay Kisumu.

Markii ay u dhowaadeen Kisumu, duuliyayaashu mar kale ayay leexdeen, markan si toos ah ayey ugu jeesteen Garbahaarrey.

Canshuur waxa uu sheegay in kaddib marka sanduuqa meydka la dejiyay, isaga iyo duuliyihii kale ay ka qeybgaleen aaska, dabadeedna ay dib ugu duuleen garoonka Wilson, iyagoo wata labadii sarkaal ee Nayjeeriya u dhashay.

Canshuur waxa uu sheegay in tani ay ahayd "qaybtii ugu adkayd uguna walbahaarka badnayd" safarka oo dhan, maadaama ay dib ugu soo noqonayeen Nairobi.

"Waxaad is leedahay: 'waa markii ugu macquulsaneyd in nala qabto oo su'aalo nala weydiiyo" ayuu yiri Canshuur

Iyagoo ka baqaya in la ogaaday, duuliyayaashu waxay ku wargeliyeen maamulka duulista hawada ee garoonka Wilson in ay ka imanayaan dhanka Mandheera oo ku taalla waqooyi-bari Kenya, si ay u muujiyaan in uu ahaa duulimaad gudaha ah.

"Cidna wax su'aal ah nama weydiin, markaas ayaan garannay inaan badbaadnay", ayuu yiri Canshuur, isaga oo ku daray "sidaas ayay hawshii ku dhammaatay".

"Ka dib dhab ahaantii waxaa nagu dhalatay waxa aan sameynay in ay arrin quus ah ahayd," ayuu Canshuur BBC u sheegay.

Markii la weydiiyay haddii uu mar kale sameyn lahaa, waxa uu ku jawaabay: "Hadda waxaan ahay 65 jir, mana sameyn lahayn hawl la mid ah taas maanta, sababtoo ah tiknoolajiyadda duulista aad bay u horumartay, raadaarraduna way wada gaareen qaaradda Afrika.

Maanta waxaan suurtagal ahayn in laga faa'iideysto, waxyaabihii ka maqnaa nidaamka xakamaynta hawada ee jiray 1995".