Taariikhda Taliyihii Sirdoonka ee dawladdii Kacaanka oo xalay geeriyooday

.

Xigashada Sawirka, SNTV

Alle ha u naxariistee waxaa geeriyooday Axmed Saleebaan Dafle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya.

Dafle, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii loo yaqaannay shanti sare ee Golaha Kacaanka.

Dawladdii Kacaka ayaa loo yaqaannay, kooxdii uu horkacayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ee afgembiga talada Soomaaliya ku qabsaday sannadkii 1969.

Falsafadda lagu shaqaynayay waxay ahayd Hanti-Wadaag kaas oo laga soo minguuriyay falasuufayadii Karl Marks oo Jarmalka u dhashay iyo Vladamir Lenin oo ahaa asaasihii Midoowgii Soviet-ka. Wuxuu fikirkan ku dhisnaa hab dadka ay isku wada dabaqad yihiin, wax kastana ay dowladda leedahay.

Marxuumka oo sannadihii dambe qurbaha ku noolaa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday habeenkii xalay ahaa, magaalada Brussels ee dalka Belgium oo uu degganaa.

Masuuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray qoyskiisii, kuwaas oo sida oo kalena xusay doorkii uu ku lahaa dawladdii kacaanka iyo xilalkii muhiimka ahaa ee uu dalka ka soo qabtay.

"Marxuum Axmed Saleebaan Dafle waxa uu ka mid ahaa madaxda sare ee dowladdii hore, isaga oo dhawr wasaaradood soo hoggaamiyey, door muuqdana ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo dowladnimada dalka." Ayuu ku qeexay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdiillaahi Farmaajo.

Halka madaxwetne hore Shiikh Shariif, uu xusay kaalintiisii doorka amniga qaranka.

'Wuxuu Dafle caan ku ahaa qibrad iyo waaya aragnimo sirdoon isagoo kaalin muuqata ka soo qaatay dib u dhiska hay'addaha Amniga Qaranka." Ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa baraha bulshada.

Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ah qoraa ay qaraabo ahaayeen waxa uu ku qeexay in uu ahaa "nin deeqsi ah, oo saaxiibtinnimo leh, sida oo kalena ahaa oday Soomaaliyeed oo dhaqan yaqaan ah".

Kuma ayuu ahaa Axmed Saleebaan Dafle?

.

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sarreeye Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer sannadkii 1937-dii.

Waxa uu sanadkii 1959kii waxbarasho dhinaca ciidanka loogu diray Akademiyadda Ciidamada ee Ingiriiska, halkaas oo uu saddex sano wax ku baranayay. Waxa uu kusoo noqday Soomaaliya 1962dii isaga oo xiddigle ah, waxa uuna tababare ka noqday Dugsigii Saraakiisha ciidamada ee Muqdisho.

Sanadkii 1967-dii S/Guuto Axmed Suleyman Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa Magaalada Seylac, xilligaas oo ku begnayd waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.

Waxa uu isla sanadkaas madax ka noqday Xafiiskii Wardoonka Ee Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo islamarkaas na xoghaye u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii ciidanka xoogga.

Sanad kadib waxa uu u dalacay Gaashaanle, isaga oo 1969kii ka mid ahaa saraakiishii afgembiga kula wareegtay xukunka dalka kadib dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dafle oo ay u dhaxday gabadhii Maxamed Siyaad Barre waxaa labo jeer la dalacsiiyay intii u dhexeysay 1970kii iyo 1971dii, iyada oo la siiyay darajooyinka Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare. Dalacsiinta dambe kadib waxa uu noqday taliyaha ciidanka Nabadsugidda Qaranka.

Waxa uu xubin ka noqday Guddigii Golaha Sare ee Kacaanka sanadkii 1974dii, isaga oo qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

Labo sano kadibna, waxaa loo dalacsiiyay sarreeye guuto. Waxa uu Dafle ka mid ahaa dadka ugu dhawaa Siyaad Barre, iyada oo lagu eedeeyay in uu qeyb ku lahaa tacadiyo iyo dembiyo ay geystay hay'adda nabadsugidda intii xilka hayay, iyo tacadiyo kale ee ay geysteen kacaanka.

Sida ay sheegtay Amnesty International, Dafle waxa uu muddo dheer maamulayay ha'addii NSS ee sirdoonka Soomaaliya taas oo maamulaysay xabsiyo lagu sameeyn jiray jirdil oo caan ka dhex ahaa dadka, sida Godka Jilacow ee Muqdisho oo ilaa iyo haatan hoos taga hay'adda Nisa, iyo xabsigii Labaatan Jiroow ee gobolka Bay.

Sanadihii 1970 kii iyo 1980 kii, NSS waxaa lagu eedeeyay in ay xabsiyo iyo goobo aan la aqoon u isticmaashay goobo ay ku ciqaabaan dadka ka soo horjeedsta dowladda, mucaaradka, iyo dadka ay u arkaan in ay qatar ku yihiin xukunkii milatariga. Waxaa la sheegay in dad badani ku geeriyoodeen ciqaabtaas.

Wixii ka dambeeyay markii xukunka la riday kacaanka, waxa uu Axmed Dafle ku noolaa dalka dibadiisa, halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday.

Axmed ayaa ka tegay shan carruur ah.

Xog cusub: Maqaalkan waa la cusbooneysiiyay si loogu daro eedeymo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ka dhan Axmed Dafle xilligii uu hogaaminayay hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NSS. Sidoo kale waxaan ka saarnay in uu ku dhintay Brussels oo aan xusnay markii hore.