Nin Soomaali ah oo Jarmalka laga tarxiili lahaa, laakinse ficil uu sameeyey dartii loogu ogolaaday inuu dalka sii joogo, abaalmarinna la siinayo

Xigashada Sawirka, BR 24
Ilaa iyo maalmo aan sidaa u sii fogeyn, Axmed Maxamed Odowaa waxa uu ku fakaray in ugu dambayn wixii loo gaaro bisha Luulyo lagu celin doono Talyaaniga. Tani waxay ahayd isfaham la'aan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Bavaria. Hadda madaxda gobolka Bavaria waxay la kulmeen ninkaas qaxootiga Soomaalida ah. Odowaa wuxuu sheegay inuu taabtay warka wanaagsan.
"Hadda waxaan arkaa in aan mustaqbal wanaagsan ku leeyahay jarmalka" ayuu yiri ninkaas oo ah 30 jir, isagoo muujinayey dhiirranaantii uu bishii Janaayo ku eryaday nin nin weerar soo qaaday oo ku hubaysnaa middi, ilaa boolisku ay qabteen oo ay xireen, magaalada Aschaffenburg ee gobolka Bavaria.
Axmed wuxuu joogay Jardiinada Schöntal Park oo ku yaalla bartamaha magaalada Aschaffenburg. Waa beer ubax leh oo lagu nasto, laakinse qaylo ayuu maqlay. Wuxuu sheegay in nin u dhashay Afghanistan uu weydiistay sigaar, hase yeeshee daqiiqado ka dib uu maqlay qaylo, markii uu gaaray halkii qayladu ka timidna uu arkay dhiig.
Wuxuu intaa ku daray in uu lugihiisa ku eryaday ninkii dhibka gaystay. "Waa sidaas sida ay bulshadu ku noqon karto mid nabdoon" ayuu sii raaciyey.
Wargays ka soo baxa Jarmalka oo sheekadan qoray ayaa la xiriiray maamulayaasha gobolka Bavaria, gaar ahaan xafiiska dacwad oogaha, kaasoo aan xaqiijin faahfaahinta dambiga, ayagoo ka baqaya in dadka markhaatiyaasha ah ee maxkamadda hor tagaya saamayn lagu yeesho.
Kaliya, wuxuu xafiiska dacwad ooguhu sheegay in seddex qof oo u dhalashadooda lagu sheegay inay ka soo jeedaan Soomaaliya, Suuriya iyo Jarmalka ay eryadeen qofkii weerarka gaystay.
Xafiiska dacwad oogaha wuxuu kaloo u sharraxay xukuumadda Lower Farnconia in qofka markhaatiga ah ee Soomaaliga ah joogitaankiisa Jarmalka "loo arko mid ku haboon" dhegeysi maxkamadeed.

Xigashada Sawirka, DW
Xilliga uu weerarku dhacay ayaa ahayd in yar ka hor duhurnimadii 22 Janaayo, markaasoo uu qofkii weerarka qaaday beegsaday carruur iskuul xanaanada carruurta ah dhigata.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbaahinta DW waxay qortay in laba qof ay weerarka ku dhinteen.
Qofka hore ayaa ah ilmo yar oo laba jir ah oo waalidkiis ka soo jeedaan Morocco, ayadoo qofka labaadna uu yahay qof 41 jir ah oo waddada dhinaceeda taagnaa, kaasoo la sheegay inuu isku dayey in joojiyo qofkii weerarka soo qaaday.
"Ficilkaas uu sameeyey dartiis ayey carruurtii kale ku badbaadeen" ayuu yiri Joachim Herrmann, wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria.
Seddex qof ayaa iyagana ku dhaawacmay, kuwaasoo kala ah gabar laba jir Suuriyaan ah, macallin xanaanada carruurta ka tirsan oo 59 jir ah, iyo nin 72 jir ah, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka.
Enamullah O oo la sheegay inuu weerarka qaaday, ahna nin 28 jir ah ayaa ka soo jeeda dalka Afghanistan. Maamulayaasha Bavaria waxay sheegeen in ninku uu ayaa nin dhimirka ka xanuunsan, kaasoo booliska dhowr goor lagu wargeliyey.
Maamulka Bavaria wuxuu ka gaabsaday warbixin ay warbaahinta qaar qortay oo sheegaysa in Axmed Maxamed Odawaa billad la siin doono. Waxay sheegeen in ay hadli doonaan wakhti fiican. "goorta iyo qofka la abaalmarin doono".
Wasiir Herrmann wuxuu sheegay in "ay ka baaraan degayaan in abaalmarinta ku haboon la siiyo dadkii iyaguna qaybta ka qaatay”.
"Taa waxaa dheer in loo baahan yahay astaan muuqata in la helo, taasoo gaar ahaan ay bulshadeennu ku aqoonsanayso marka uu qof sidan tusaalaha wanaagsan ah u dhaqmo, marka ay jirto xaalad daran" ayuu yiri wasiirku.
Ninkan qaxootiga Soomaalida ah ayaa sheegaya inuu doonayo inuu sameeyo ficillo waxtar leh, uuna isu diyaariyo isdhexgalka bulshada.













