Maxaan ka naqaan ninka weerarka ka geystay Faransiiska?

Xigashada Sawirka, Reuters
Ilaa iyo lix ruux oo afar kamid ah ay cauur yihiin ayaa lagu dhaawacay weerar middi lagu gesystay oo ka dhacay magaalo ku dhaw xadka ay wadaagaan Faransiiska iyo Talyaaniga oo lagu magacaabo Annecy.
Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in saddex kamid ah caruurta dhaawacantay ay ku jiraan xaalad halis ah.
Ninka weerarka gaystay ayaa la aaminsanyahay in uu markii hore tooreey la dhacay caruurta, kadibna uu weeraray nin oday ah, inta uusan ka cararin goobta. Balse booliska ayaa markii dambe lugta ka toogtay oo xabsiga u taxaabay.
Mid kamid ah caruurta dhaawcantay ayaa u dhashay waddanka Ingiriiska, sida uu sheegay xogahayaha arimaha dibadda Ingiriiska, James Cleverly.

Waa kuma ninkaan?
Boolsika Faransiiska waxay u sheegeen warbaahinta in ninkani yahay 31 jir ka soo jeeda Suuriya oo qaxooti ku ahaa Sweden, lana qaabilay bishii April ee aynu soo dhaafnay. Sida ay tabiyeen warbaahintu waa aabo leh xaas iyo ilmo yar oo saddex sano jir ah. Wuxuu u sheegay booliska inuu yahay Suuiriyaan haysta diinta kirishtaanka.
Sababta uu u qaaday weerarkaan ayaa wali baaritaan lagu wadaa oo aysan dawladdu xaqiijin. Balse dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa faahfaahin ka bixin doona maanta, iyada oo la rajeynayo in ay shirjari’id warbaahinta u qabtaan goordhaw.
BBC da ayaa heshay muuqaal muujinaya ninkan oo dhex ordaya goob beer ah, oo ay ceysanayaan rag wata boorsooyinka dhabarka. Wuxuu xiran yahay okiyaalaha qoraxda, wuxuu sidoo kale leeyahay gar wayn.

Xagee ku taallaa magaalada Annecy?
Magaaladan ayaa ku taalla Koonfur-bari waddanka Faransiiska. Waxaa daggan wax ka yar 140,000 oo qof. Waxay caan ku tahay dalxiisayaasha oo u yimaada wadooyinkeedu dhagaxda isku jirta ka sameysan iyo dhismayaasheeda sawir galidda ku haboon.
Sawirka aad kor uga jeedaan waxa sameeyay BBC da oo ku calaamadeysay halka uu wareerarku ka dhacay maanta oo ah beer u dhaw harada.
Xildhibaan ka soo jeeda magaaladan ayaa ku tilmaamay weerarka mid naxdin leh.
Wuxuu yiri: “Waa weerar lagu soo qaaday banii’aadanimada midka saakay dhacay, weerar k adhan ah ruuxdeena, iyada oo ilma yaryar ku ciyaarayaan banaanka saacadihii iskuulada ay joogeen ayaa qofi weeraray.
“Waxaan jeclaan lahayn inaan sida ugu wayn ugu mahadceino kooxaha gargaarka dagdaga ah iyo booliska, oo iyaga oo aan ka labalabayn dhaqsihiii loo baahnaa ku gaaray goobta, dhexgalay hawsha sidii loogu talagalay u wada.”
Waalidiinta magaaladan yar ayaa sheegaya in ay waqti dheer ku qaadan doonto dadka deeganka sidii ay uga soo kaban lahaayeen dhaawac uu dareenkooda u gaystay weerarkan.
Faransiiska ayaaa caan ku ah weerarada nuucaan ah oo shaqsiyaad hubaysan ay ku qaadaan goobo dad weyne ama dad qaas ah intaba.













