Muxuu yahay sharciga ciidan ee uu Trump doonayo inuu u adeegsado Minnesota

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay inuu adeegsan doono sharciga ka hortagga kacdoonka ee Maraykanka si loo demiyo xiisadda ka taagan Minneapolis ee ka dhalatay dhaqan gelinta hawlgallada Federaalka ee dhanka socdaalka.
Wuxuu ku gooddiyey inuu askar kale halkaa u diri doono, ka dib habeen ay rabshado wax burburin ka dheceen magaaladaas xarunta u ah gobolka Minnesota, ka dib markii askari ka tirsan ciidanka Fedraalka uu nin lugta ka toogtay.
Waaxda amniga gudaha waxay sheegtay in askariga uu rasaasta riday ka dib markii ay soo weerareen 3 muwaadin oo u dhashay Venezuela, kuwaasoo ku hubaysnaa badiil iyo iskoobbe.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagnayd Minneapolis tan iyo markii uu askari toogasho ku dilay todobaadkii hore Renee Nicole Good oo ahayd gabar 37 jir ah, arrintaasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka ka dhacay.
Sharciga ka hortagga kacdoonka
Sharciga ka hortagga kacdoonka ayaa ah sharci la soo saaray qarnigii 19aad, wuxuuna u ogolaanayaa in ciidanka miilateriga ee rigliga ah la geyn karo meel kasta oo ka mid ah gudaha Maraykanka si ay u adkeeyaan dharciga.
Trump wuxuu hore u sheegay in ay dhici karto inuu sharcigaas la soo saaray 1807 adeegsan karo.
Barta Truth Social ayuu ku qoray inuu u isticmaali doono Minnesota, haddii saraakiisha gobolku ay ku guul darraystaan inay joojiyaan wax uu ku tilaamamy "kuwa sida xirfadaysan u wada rabshadaha iyo kacdoonnada".
Waaxda amaanka gudaha waxay sheegtay in toogashada Arbacadii ay dhacday ka dib markii baabuur ay cayrsadeen uu ku lug lahaa muwaadin u dhashay Venezuela, Julio Cesar Sosa-Celis, kaas oo hore loogu xukumay in uu baabuur kaxaystay sharci la'aan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaanka hay'adda ayaa lagu sheegay in markii la eryaday ka dib, in Sosa-Celis uu ka degay gaarigiisa oo uu la dagaalamay askariga ka socday ciidanka Federaalka.
Laba qof oo kale oo soo galooti sharci darro ah oo ka yimid Venezuela, Alfredo Alejandro Ajorna iyo Gabriel Alejandro Hernandez-Ledezma, ayaa ka soo baxay guri u dhowaa, sida ay hay'addu sheegtay.
Dhammaan saddexdooduba waxay ku weerareen askariga badiilka barafka lagu xaaqo iyo xaaqin, sida ay hay'addu sheegtay, ka hor inta uusan askariga furin rasaas, uu lugta kaga dhuftay Sosa-Celis.
Askariga ayaa loo qaaday isbitaalka. Sosa-Celis ayaa sidoo kale loo qaaday cusbitaalka iyada oo dhaawacyo aan halis ahayn ay soo gaareen. Dhammaan saddexda Venezuelan-ka ahna waa la xiray.
"Waxa aan xalay ku aragnay Minneapolis waxa ay ahaayeen isku day dil oo ka dhan ah sharci fulinta federaalka," ayay tiri xoghayaha waxda amaanka gudaha Kristi Noem.
Waxay sheegtay in sarkaalka ay raggaasi "si gaadmo ah u soo weerareen" kadibna uu riday rasaas difaac ah.

Xigashada Sawirka, AP
Habeenimadii Arbacada ayay ahayd markii iska hor imaad u dhaxeeyay dad mudaaharaadayay iyo ciidamada ammaanka uu ka dhacay xaafadda Hawthorne ee magaalada Minneapolis, una dhow goobta toogashadu ka dhacday.
Taliyaha booliiska magaalada Brian O'Hara ayaa sheegay in ciidankiisa lagu tuuryeeyey (shiiday) rash iyo baraf duuban.
Gawaari badan oo ay leedahay dowladda Federaalka ayaa lagu waxyeeleeyay fowdadaas, waxaana sidoo kale laga xaday hanti ku jirtay gaadiidkaas sida ay sheegtay FBI-da.
FBI-da ayaa Khamiistii sheegtay inay abaal-marin lacageed oo dhan 100,000 oo Dollar ku bixinayso ciddii keenta xog horseedi karta "soo celinta hantida dawladda ee la xado iyo/ama la soo qabto shakhsiyaadka masuulka ka ah burburinta iyo xatooyada hantida dawladda".
Ku dhawaad 3,000 oo askar federaal ah ayaa la geeyay Minnesota toddobaadyadii la soo dhaafay.
Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey oo ka dalbaday ICE inay ka baxdo magaalada ayaa Arbacadii ku qoray barta X: "Wixii arrintan keenayba, xaaladda aan ku aragno magaaladeenna ma aha mid lagu noolaan karo".
Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa codsi toos ah u diray madaxweynaha Khamiistii isagoo ku qoray barta X: "Aan dejinno heerkulka".
Maxamuud Axmed Nuur oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Minnesota wuxuu sheegay in xaaladdu ay faraha ka bixi karto haddii madaweyne Trump uu adeegsado sharciga ka hortagga kacdoonnada.
"Saamayn weyn ayey ku yeelanaysaa, mana aha gobolka oo kaliya ee waddanka Maraykanka oo dhan ayey gaaraysaa. Xukun ciidan haddii la keeno waxaa meesha ka baxaya nidaamkii la adeegsan jiray, ciidankuna sharci gaar ah ayey adeegsan doonaan, waxayna arrintaas saamaynaysaa doorashooyinka soo socda" ayuu yiri mudanahaas.
Trump ayaa sheegay in hawlgalku ka sii socon doono Minnesota ka dib markii xaakim Federaal ah uu dacwad oogayaasha Minnesota ka diiday amar si KMG ah looga joojinayo hawlgalka ciidanka waaxda socdaalka iyo kastamka ee loo yaqaano ICE.












