Maxaan ka ognahay howgallo iyo duqeymo ka dhacay deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, SONNA
War qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 30 kamid dagaalyannada al-Shabaab lagu dilay dagaal shalay galab ka dhacay deegaanka Buulonaagey oo u dhaxeeya deegannada geel-wareegow iyo lambar lixdaan ee gobolka Shabeellda hoose.
Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka bilowday weerar ay dagaalyannada Alshabaab ku qaadeen kolonyo gadaadid ciidamada dowladda ah oo jidka marayey, kadibna uu isku beddelay dagaal saacado qaatay oo ay ciidamadii dowladda ay kaalmo ka heleen saxiibada taageera militariga Soomaaliya. Marka laga yimaado kaalmada cirka ah waxaa dagaalka ka qeyb-qaatay ciidamo midowga Afrika iyo ciidamo kuwa qabaa'ilka deegaanka ah, kadib markii uu dagaalku socday saacado badan uuna ahaa dagaal adag.
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegaya xaaladda deegaanku ay degan tahay oo ay nabad tahay.
Dagaalkaan oo qeyb ka ah dagaallo iyo duqeymo todobaadyadii u dambeeyey lagu qaaday deegaannada ay joogaan AS ee gobolka Shabeellaha hoose, iyado laga saaray dhowr deegaan oo ay kamid yihiin Dhanaane Gandarshe iyo Jilib-marko, waxaase lasoo sheegayaa in wali goobaha ay ka sameenayaa weeraro kudhifo oo ka dhaqaaq ah.
Khasaaraha ay sheegayaan ciidamada Midowga Afrika illaa iyo hadda lama soo sheegin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah ee ku nool deegaamadiii uu shalay iska hor imaadku ka dhacay.
Duqeymo ka dhacay Bu'aale

Xigashada Sawirka, NISA-SOMALIA
Dhanka kale war qoraal oo lagu baahiyey Barta X, ee hay'adda Nabad sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta ay ciidamada NISA oo taageero ka helaya ciidamada taageerada militariga Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyeen magaalada Bu'aale ee gobolka Jubada dhexe. Duqeymahaan ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay joogeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan dagaallamayaasha Alshabaab kadib markii la helay xogo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
Qoraalka ay daabaceen hay'adda nabadd sugidda ayaa lagu yiri "Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo lala beegsaday kooxaha khawaarijta ka fuliyay degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Dhexe", iyada oo intaa lagu daray in uu khasaare soo gaaray Alshabaab . "Waxaa jira khasaare dhimasho ah oo soo gaaray horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale ,iyadoo sidoo kale burbur uu ku yimid gaadiid iyo hub kale".
Majiro wax war oo kasoo baxay illaa iyo hadda kooxda Alshabaab, marka laga yimaado in baraha ay ku leeyihiin ay ku daabaceen in dagaalkii shalay ay ku dileen 7 sargaal ooka tirsan ciidamada dowladda, in kasta aysan BBC-da aysan helin warar ka madaxbanaan sheegashadooda oo xaqiijinaya.
Deegaannada dowladdu sheegtay in laga qabsaday Shabaab
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Horraantii bishaan ayey ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay Alshabaab ka qabsadeen deegaanka Jilib-marko oo ay ka talinayeen muddo aad u dheer. Deegaanka Jilib-Marka waxa uu u dhexeeya Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Milateriga Soomaaliya oo sidoo kale ay taageerayaan ciidamada hay'adda sirdoonka iyo kuwa qabaa'ilka deegaanka ayaa sii wada in Al-Shabaab laga saaro dhul hor leh oo ku yaala waddada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.
Hawgalkan loogu magac daray Seefta Qarsoon waxa uu dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ka socday deegaannada xeebta ah ee u dhaxeeya magaala madaxda Muqdisho iyo magaalada Marka, waxana horey Al-Shabaab looga saaray deegaannada Gandershe iyo Dhanaane, sida ay hay'adaha dowladdu sheegeyn.
dhanka kale, wasiirka amniga dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir oo BBC-da la hadlayay ayaa u sheegay in weerarka si hagaagsan u dhacay. "Howlgal fiican oo magaalada amnigeeda lagu sugayo, miinooyinkana looga sifeynayo ayaa halkaas ka socda" ayuu yiri wasiirka oo sheegay in howgalka uu ahaa mid lagu guuleystay, waxa uuna intaas ku daray "waxaa looga qabsaday hub, waxaa looga dilay maleeshiyaad badan oo ay ka carareen".
Hawl-galladaan ayaa qeyb ka ahaa dagaallo iyo duqeymo ay ciidamda dowladda ka sameenayeen deegaamo kala duwan oo dalka. Gacan ku haynta iyo dib udejintooda ayaa laguu sheegayaa in ay tahay muhiimadda kowaad.
Axmed Cabdilaahi Kaboole, oo ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa ku tilmaamay in qabsashada deegaanka deegannada ay Jilib-Marka ay uga dhigan tahay dowladda Soomaaliya meel muhiim ah oo ay la wareegeen, lagana doonayo in aysan dib uga laaban.
"Hadii ay dowlada sii haysato deeganadaas oo aysan noqon qaabkii hore ee ahaa inta ay meel qabsadaan oo ay ka soo baxaan, waxaad moodaa in shacabka ay markaas u tahay iftiin" ayuu yri Kaboole oo intaas ku daray "Al-Shabaab niyadjab ayey u tahay hadii dowladda ay deeganada sii haysato"












