Muxuu yahay deegaanka muhiimka ah ee Jilib-Marka ee al Shabab laga saaray?

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday deegaanka Jilib-marka oo Al-shabaab ay ka talinayeen muddo aad u dheer. Deegaanka Jilib-Marka waxa uu u dhexeeya Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Milateriga Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada hay'adda sirdoonka iyo kuwa qabaa'ilka deegaanka ayaa sii wada in Al-Shabaab laga saaro dhul hor leh oo ku yaala waddada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.
Deegaankii ugu dambeeyay ee hawlgalka loo bixiyay Seefta Qarsoon looga saaray Al-Shabaab waxa uu ahaa Jilib-Marka oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayeen kooxdaasi.
Hawgalkan loogu magac daray Seefta Qarsoon waxa uu dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ka socday deegaannada xeebta ah ee u dhaxeeya magaala madaxda Muqdisho iyo magaalada Marka, waxana horey Al-Shabaab looga saaray deegaannada Gandershe iyo Dhanaane.
BB-da ayaa la xiriirtay wasiirka amniga dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir, oo sharaxay sida uu u dhacay howgalkaaas.
"Howlgal fiican oo magaalada amnigeeda lagu sugayo, miinooyinkana looga sifeynayo ayaa halkaas ka socda" ayuu yiri wasiirka oo sheegay in howgalka uu ahaa mid lagu guuleystay.
"Waxaa looga qabsaday hub, waxaa looga dilay maleeshiyaad badan oo ay ka carareen"
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in muhiimadoodu aheyd in magaalada ay qabsadaan, shacabkana badbaado iyo sidoo kale in laysku furo jidka u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jilib-Marka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka wuxuu sheegay in howlgalkan uu sii soconayo oo aan la joojineyn ilaa dhul badan laga saaro Al-Shabab.
"Ilaa gobolka Shabeellaha hoose laga saaro, waa howlgal soconaya" ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dadka ay ku soo noqonayaan guryahooda.
"Intii uu dagaalka socday, dadka magaalooyinka waa ka qaxeen, waxay tageen tuulooyinkii nabadda ahaa, hadana waa ku soo laabteen magaalooyinkii la xoreeyay"
Gobolka Shebeellaha hoose waxa uu ka mid yahay gobolada tacbatada ee inta badan barwaaqada ah balse dhibaato nololeed ayaa soo foodsaartay dadka ku nool gobolka. Wasiirka oo booqday Dhanaane ayaa sheegay in ay jirto duruufo ka yimid culeyska dadka gobolka saarnaa.
Wasiirka ayaan weydiinay xaalada dadka rayidka ee gobolka iyo saameynta ay ku yeesheen dagaalladan, waxa uuna ku jawaabay in uu culeys haysto dadka, ayna ka baxayaan marka Shabaab laga saaro gobolka.
"Wadooyinkii oo laga xiray, kanaalada oo hore looga xiray iyo dadkii oo loo diiday in ay magaalooyinka qaar aadaan ayaa keentay in dadka ay abaaraha saameeyaan".
Wasiirka waxa uu sheegay in dhulka xeebta ay muddo dhowr iyo taban sano ah joogeen kooxda taasna ay keentay in aysan helin adeegyada asaasiga.
"Ma jiraan wax caafimaad ah, ma jiraan wax waxbarasho ah deegaanada ay ka taliyaan, Shabaab ayaa sidaas ah"
Wasiirka waxa uu sheeay in waxyaabaha ay la dagaallamaan kooxdaas ay tahay nolosha dadka oo ah waxbarashada, caafimaadka iyo badqabka.
Wasiirka waxa uu sheegay in wadooyinka xeebta ee Muqdisho iyo marka ay hadda furan yihiin.

Xigashada Sawirka, AFP
Axmed Cabdilaahi Kaboole, oo ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa ku tilmaamay in qabsashada deegaanka Jilib-Marka ay uga dhigan tahay dowladda Soomaaliya meel muhiim ah oo ay la wareegeen.
"Waa deegaan ku yaal meel muhiim ah oo u fududeynayay Al-Sshabaab howlgalada gobolka Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, wadada Bay iyo Bakool iyo ilaa iyo xeebta".
Kaboole ayaa sheegay in Jilib-Marka ay aheyd waqtiyadii u dambeeyay meelaha ugu adag oo Al-Shabaab ka dhigtaan gabaad si aan loogu gudbin deegaanadooda Jubada Dhexe.
Kaboole ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose ay si weyn isugu furmayaan, waxayna u fiican tahay amniga magaalada Muqdisho.
"Caasimada waxay u noqoneysaa badbaado in la fogeeyay Al-Shabaab" ayuu yiri Kaboole oo intaas ku daray "in la qabsado fariismo ay howlgallada ka fullin jireen ayaa uga dhigan Shabaab guuldarro".
Kaboole wuxuu kaloo sheegay in muhiimadda ay tahay in dowladda aysan ka bixin deeganadaas.
"Hadii ay dowlada sii haysato deeganadaas oo aysan noqon qaabkii hore ee ahaa inta ay meel qabsadaan oo ay ka soo baxaan, waxaad moodaa in shacabka ay markaas u tahay iftiin" ayuu yri Kaboole oo intaas ku daray "Al-Shabaab niyadjab ayey u tahay hadii dowladda ay deeganada sii haysato".













