Kumuu ahaa korneel Cabdi Maxamed Suulnuug oo maanta Muqdisho lagu aasay?

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
- Author, Abdi Abdullahi
- Role, Weriye Madax-bannaan( BBC Somali)
Abaanduulihii Ururka 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug), ayaa maanta aas loogu sameeyay magaalada Muqdisho, isagoo ku dhintay dagaal shalay ka dhacay gobolka Mudug.
Aaska Suulnuug waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo dadweyne kale.
Xilliga la dilayay taliyaha wuxuu hoggaaminayay howlgallada ka socda gobolka Mudug ee dowladdu ay kula dahaallameyso ururka al-Shabaab, waxaana markii hore soo gaaray dhaawac uu markii dambe u geeriyooday.
Meydka marxuumka ayaa waxaa diyaarad gaar ah ay saaka kasoo qaadday deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo mas'uuliyiin kala duwan ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa.
Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) waxaa uu qeyb ka ahaa sarakiisha hoggaaminaysa howgalka ka dhanka ah al-Shabaab ee bilihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Mudug, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo qaraabo ay dhow ahaayeen.
Muqaal laga duubay ka hor inta uusan geeriyoon oo si weyn baraha bulshada loogu baahiyay ayuu ku sheegay in siddeed sano uusan arkin qoyskiisa maaddaama uu ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka.

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Waxa uu sannadkii 1988-kii ku dhashay dagmada Buulbarde ee gobolka Hiiran.
Cabdullaahi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) oo marxuumka ay walaalo yihiin oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in walaalkii uu dugsiga hoose kaga baxay degamada uu ku dhashay ee Buulabarde halka dugsiga sare uu ka dhammeeyay magaalada Muqdisho.
Wuxuu ifka uga tagay lix carruurr ah iyo hal xaas, sida uu sheegay Cabdullaahi.
Ka hor inta uusan ku biirin ciidanka xoogga dalka, waxaa uu Suulnuug ahaa ganacsade ku shaqeeysta baaburta u kala safarta gobolka Hiiraan oo si weyn deegaannadiisa looga yaqaanno.
“Intii uusan ciidanka xoogga noqon, waxaa uu lahaa gawaari uu ku shaqeeysan jiray, waxaa aad u dhibay ururka al-Shabaab oo canshuur ka qaadi jiray taas oo uu diiday oo markii danbena keentay in uu dagaal la galo,” ayuu yiri walaalkii Cabdullahi Maxamed.
Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in taliye Suulnuug uu hoggaaminayay macawisleeydii ugu horreysay ee laga aasaaso gobolka Hiiraan sanadkii 2013- kii.

Xigashada Sawirka, YOUTUBE
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa uu tilmamay in muddo dheer uu yaqaannay marxuumka, isaga oo tilmaamay in uu hormuud u ahaa aasaasmidda ciidanka Macwisleeyda ee gobolka.
In muddo ah oo uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha ciidanka deeganka ee Macawsileeyda, waxaa uu asnnadkii 2014-kii ku biiray ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Gorgor.
Tababrkii ugu horreeyay waxaa uu ku qaaatay xerada Turkisom ee Magaalada Muqdisho, kadib waxaa layli sarkaal oo dibadda ah uu kusoo qaatay dalka Turkiga, sida uu BBC -da u sheegay wasiir Beenebeene.
Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, ayuu korneelku waxa uu qeyb ka qaatay dagaalladii ka dhanka ah al-Shabaab ee ka socday waddanka.
Waxaa uu hoggaaminayay howlgallo kala duwan oo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Gedo, Galgaduud iyo Mudug sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka.
Dhanka kale, mid ka mid ah saraakiisha xoogga dalka oo aqoon dheer u lahaa ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabaha lagu xusuusan doono korneel Suulnuug ay ka mid yihiin dagaallo kala duwan oo al-Shabaab uu la galay oo ay ka mid yihiin mid ka dhacay deegaanka Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose oo uu hoggaaminayay ciidanka dowladda oo difaacay xero ciidamada leeyihiin kadib dagaal qaatay in ka badan lix saacadood, kaas oo sababay in korneyl looga dalacsiiyo.
“Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dallacsiiyay kadib dagaal adag oo al-Shabaab uu la galay” ayuu yir wasiir Beenebeene.













