Maxaa laga yaqaannaa diyaaradaha Boeing 737 Max iyo shilalkii ba’naa ee ay sababeen?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda diyaaradaha Boeing ayaa mar kale hadal-heyn dhalisay kaddib markii daaqadda diyaaradda nooca Boeing 737 Max 9 ay daaqad ka go’day iyadoo hawada ku jirta meel ka mid ah Mareykanka. Boqollaal ka mid ah nooca Boeing 737 Max 9 ayaa shaqo joojin lagu sameeyay si loo qiimeeyo.
Diyaaradaha 737 Max ayaa dunida ka shaqo bilaabay sanadkii 2017. Qiyaastii sanad kadib, shilkii ugu horreeyay ayaa dhacay.
Noocan Boeing 737 Max waxay ka kooban yihiin 7, 8, 9 iyo 10.
Boeing ayaa soo saartay 737 Max si ay ula tartanto nooca A320 ee shirkadda Airbus.
Ladaba waxay isaga ekyihiin muuqa inta bandanna duullimaadyada ganacsi ayaa loo adeegsadaa.
Diyaaradda Boeing 737 Max ayaa noqotay tan ugu iibka badan taariikhda shirkadda Boeing, iyadoo heshay dalabaad gaaraya ilaa 4,500 oo diyaaradood oo ka yimid 100 shirkado diyaarad oo daafaha dunida ah.
Si kastaba, diyaaradaha Boeing 737 Max ayaa hadal heyn ballaaran dhaliyay kaddib labo shil oo waaweyn oo ay ku lug lahaayeen ayna u kala dhaxeysay shan bilood sanadihii 2018 iyo 2019.
Qiyaastii 346 qof oo Soomaali ay ku jireen ayaa naftooda ku waayay shilkii diyaaradihii 737 Max ee ku burburay dalalka Itoobiya iyo Indonesia.
Baarayaasha ayaa sheegay in hannaanka MCAS ee diyaaradda oo cilladeysnaa ay sabab u noqdeen shilalka diyaaradda.
Kaddib labadaas shil, boqollaal diyaaradaha nooca 737 Max ayaa laga mamnuucay inay duulaan guud ahaan dunida muddo labo sano ah.
Shilkii ugu horreeyay ayaa dhacay October 29, 2018.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 oo ay lahayd shirkadda Lion Air company ayaa ka duushay caasimadda Indonesia ee Jakarta, badda ayayna ku burburtay 13 kadib markii ay hawada gashay, iyadoo ay ku dhinteen dhammaanba 189 qof oo saarnaa isuguna jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaaradda.
Hannaanka diyaaradda oo u sameysnaa mid aan xakameyn karin xawaaraha baalasha diyaaradda ayaana mas’uul ka ahaa shilalka.
Qiyaastii shan bilood kadib, nooca 737 Max 8 oo wadatay nambarka duullimaad ee ET-302, oo kasoo duuashay Addis Ababa, ayaa sidoo kale burburtay wax yar kadib markii ay hawada gashay.
Boeing ayaa aqbashay inay magdhow ahaan $100 milyan u siiso qoysaska dadkii noloshooda ku waayay shilalkii ka kala dhacay Indonesia iyo Itoobiya.
Kaddib markii labada diyaaradood ay burbureen, Boeing ayaa aqbashay dacwadaha loo heystay.
Shirkaddan duullimaad ayaa oggolaatay bixinta magdhowga iyo ganaax dhan $ 2.5 bilyan sanadkii 2021, waxaana ka mid ahaa inay lacag siiso shirkadaha diyaaradaha ee ay arrintan saameysay.
Sanadkii 2022, shirkadda ayaa 200 oo milyan oo dollar magdhow ahaan u siisay maalgashadayaasha lagu khiyaanay loona sheegay in cilladdu ahayd dhanka duuliyeyaasha.
Khasaaraha guud ee soo gaaray Boeing ayaa lagu qiyaasayaa ilaa 21 billion oo dollar.













