Duqeymo la sheegay in al-Shabaab lagula beegsaday Hirshabeelle iyo Mareykanka oo war kasoo saaray

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in saaka ay deggan tahay xaaladda deegaannadii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallada iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa al-Shabaab.
Isku dhacyo xooggan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay qaar ka mid ah deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ka mid ahaa deegaanka lagu magacaabo Biyacadde halkaasi oo saacado ay ku dagaallamayeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo dagaallamayaal ka tirsan al-Shabaab.
Khasaare lixaad leh ayay dhaliyeen dagaallada iyo duqeymaha gobolladaasi ka dhacay, waxaana meelaha qaar wali lagu arkayaa maydad yaalla.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo la hadlayay ciidamada dadka deegaanka ee qaar ka tirsan deegaannada Hirshabeelle ayaa sheegay "in dagaalka ay sii wadaan oo aaney joojineynin ilaa al-Shabaab laga adkaanayo."
Wuxuu sheegay in kooxda aan wadahadal lala geli karin, isagoo u sheegay ciidamada deegaanka in colaadda beelaha meesha laga bixiyo isla markaana culeyska la saaro kooxda.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo isna dhawaan tagay qaar ka mid ah deegaannada dagaalladu ka socdaan ayaa yiri:"Aan kawada qeyb galno howlgalka dabar-goynta Shabaab, waa lagama maarmaan difaaca sharafka muwaadinka."
Dhanka kale war ay si wada jira ah ay u soo saareen wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay "in howlgal wadajir ah oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM lagu guuleystay in weerar qorsheysan oo dhanka cirka ah laga fuliyo agagaarka deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamul-goboleedka Hirshabeelle".
"Qiimaynta horudhaca ah ee hawlgalkan ayaa muujinaysa natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin in lagu burburiyay gaadiid badan oo ay daabulayay maleeshiyada al-Shabaab iyo soo qabashada walxaha qarxa oo la doonayay in lagu fuliyo weerarro." Ayaa lagu yiri warka.
Wararka ayaa sheegaya in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah oo ka dhashay howlgalkan.
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, oo si dhow ula shaqeeya howlgalka Mareykanka ee AFRICOM, ayaa muddooyinkanba waday dagaal ka dhan ah kooxda, gaar ahaan gobollada Hirshabeelle.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
Xogta aan ka helayno deegaannadaas dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaysa in dadkii ku dhaqnaa tuulooyinka iyo aagagga lagu dagaallamay ay u barakaceen deegaanno ka fog goobahaas, iyadoo qaarkoodna aaday dhanka Jowhar ilaa magaalada Muqdisho.
Hase-yeeshee dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa weli ku sugan halkaas. Inkastoon ilaa iyo hadda la haynin tiro rasmi ah, haddana waxaa la qiyaasayaa in dad badan ay dagaalladu barakiceen, waxaana ay wajahayaan nolol adag maaddaama lagu jiro xilli ay billow tahay bisha barakeysna ee Ramadaan.
Durba waxaa muuqanaya saameynta dagaalladu ku yeesheen dadka rayidka ah, waxaana qaar ka mid ah deegaannadaas horey ugu soo laalaabtay dagaal-beeleedyo gaystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, taasoo sii cusleynaysa daruufaha ku xeeran nolosha dadka.













