Maxaad ka ogtahay bulshada aan Muslimiinta ahayn ee sooma si ay u dhintaan?

Jain

Xigashada Sawirka, Pranay Modi

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Saddex toddobaad kadib markii laga helay kansarka minka, Sayar Devi Modi oo 88 jir ah waxay go'aansatay inaysan raadsan daaweyn.

Waxay go'ansatay inay soonto ilaa neefsashadeeda ugu dambeysa beddelkii ay raadsan lahayd daaweyn.

"Markii natiijada caafimaadkeeda ay soo baxday, waxay muujisay in kansarku ku faafay jirkeeda dhan. Maalin dabayaaqadii July, way duceysatay maraq ayayna cabtay. Maalintii xigtay, way inoo yeertay waxayna inoo sheegtay inay go'aansatay inay sameyso Santhara [iska joojinta cunnada iyo biyaha]," waxaa sidaas dib u milicsatay gabadha ay ayeeyada u tahay ee Pranay Modi.

Santhara, ama Salekhna, waa caado ay ku dhaqmaan qaar ka mid ah dadka taabacsan diinta Jain si ay u wajahaan geerida iyagoo ka soomaya cunnada iyo biyaha.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Hindiya, inta u dhaxeysa 200 iyo 500 oo dadka raacsan Jain ayaa sanad walba doorta inay qaabkan u dhintaan.

Balse ma ahan wax ay ku qasban yihiin inay sameeyaan oo ay diintooda fareyso.

Dadka qaar ayaase dood ka keenay falkan, iyagoo ugu yeeray inuu yahay is-dilid loo qasday, Maxkamadda ugu Sarreysa ee Hindiya ayayna u gudbiyeen gal-dacwadeed lagu mamnuucayo Santhara, taas oo weli sugeysa in go'aan laga soo saaro.

Jainism

Jain

Xigashada Sawirka, Getty Images

Rabshaddu meelna kagama jirto diintan, Jainism, oo lagu qiyaasay inay jirto ugu yaraan 2,500 oo sano.

Dadka raacsan Jain, ma aaminsana Ilaahay; balse waxay rumeysan yihiin naf leh shakhsiyad saafi ah.

Dadka Jain intooda badan khudrad keliya ayay cunaan.

Waxaa intaa dheer, waxay aad ugu fiirsadaan qiyamka iyagoo aan dheg jalaq u siin cadaadiska caalamka.

Waxaa Hindiya ku nool ilaa shan milyan oo taabacsan Jain.

Qaar badan ayaa si fiican wax u bartay; daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saddex meelood meel dadka Jain ay heystaan shahaado jaamacadeed.

Qaar badan oo ka mid ah ayaana hantiileyaal ah.

Hoggaamiyeyaasha diimeed ee Jain ayaa si weyn looga xushmeeyaa Hindiya.

Raysal Wasaare Narendra Modi ayaa lagu yaqaannaa inuu booqday macbadka dadkan.

Dadka Jain ayaa aaminsan in hannaanka uu qofku isku dilayo isagoo soomaya inaan lala barbar-dhigin dilka naxariista amaba kan qofka laga caawiyo.

Hardanka ugu weyn

Jain

Xigashada Sawirka, Kamal Jain

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhaqankan Santara ayaa laga yaabaa inaysan u fududeyn sida qof galay hurdo dheer oo nabad leh.

Bare sare Mickey Chase ayaa shahaadada ugu sarreysa waxbarashadeeda ku qaadatay geeridan.

Waxayna u kuur-gashay dad dhowr ah oo sidan oo kale soomay ilaa ay ka dhintaan.

"Nin kansar qabay ayaa u dhimanayay, wuxuu sameeyay Santhara [soomid] wuuna sakaraaday," ayay tiri Chase, oo kaaliye bare sare ka ah Jaamacadda Wisconsin-Madison. "Inkastoo qoyskiisa ay ku faraxsanaayeen go'aankiisa ayna ku taageereen, waxay sidoo kale ka murugeysnaayeen inay arkaan isagoo dhibtoonaya."

Kiis kale, haweeney kale oo qabtay kansar aan daawo lahayd ogeydna inaysan daawo lahayn, ayuu xaalkeedu aad u degay kadib markii ay soontay ayna u bareertay geerida, waxayna dhimatay iyadoo hurudda.

"Gabdhaha ay soddohda u tahay ayaa ii sheegay inay dareemeen inay mas'uuliyad qoys ka saaran tahay inay ku taageeraan go'aankeeda gabagabeynta nolosheeda; iyagoo u qaadayay heeso intii ay soomaneed."

Dadka sooma si ay u dhintaan ayaa waxaa soo baxa lafaha wejiga, feerahooda ayaana faraha lagu tirin karaa. Kuwa ku dhinta qaabkan ayaa la gubaa meydkooda intii la aasi lahaa.