Macawiisleyda: Deegaannada ilaa hadda la kala qabsaday iyo kooxda Shabaab oo farriin soo dirtay

Xigashada Sawirka, Taliska milatariga Soomaaliya
Milateriga Soomaaliya oo ay la socdaan maleeshiyo deegaanka ah ayaa dagaal ba’an kula jiray Alshabaab dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay deegaaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana la soo weriyayay khasaare nafeed oo baaxad leh.
Hase yeeshee Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kacdoonka shacabka ee ka bilowday qaar ka mid ah gobollada dalka iyo dagaalka uu iclaamiyey madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay in qabaa’ilada ay hubeyso.
“Qabaa’illadaas waxaan u sheegayaa in la doonayo in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa u hanjabtay qabaa’illadaas kacdoonka wada, iyadoo sheegay in reerkii ama jifadii ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaalanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.
Taliyaha ciidammada dhulka ee milateriga Soomaaliya Janaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalka Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere, kaas oo xalay markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya iyo kacdoonka shacabka.
Jeneraal Biixi ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho wuxuu ku sheegay in hadalka Cali Dheere uu dhageystay, balse uu ula muuqday ‘cataaw’ ay ka keentay guul darada ee dagaalka.
“Horta Cali Dheere iyo Al-Shabaab waxaan leeyahay kala daaya in caruur aad leysaan, kadibna aad dhahdaan ‘Alxamdu’ calaacalka Cali Dheere waan dhageystay waxaana iiga muuqatay inay ku guul da reysteen dagaalkooda waxuushnimada ah,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhawaan booqasho ku tagay gobolka Hiiraan si ay u caddeeyaan garab istaagga dowladda ee qabaa'illada la dagaalamaya Shabaabka.
Ma ahan markii ugu horreysay ee ay maleeshiyo aan ka tirsanayn ciidamada dowladda ay dagaal la galeen Al-Shabaab oo waxaa ka horreysay ciidamadii uu hogaaminyay Professor Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi) kuwaas oo oo si tartiib tartiib ah isugu beddelay ciidamada Jubbaland iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.
Deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab
Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ay ka wadaan gobolka Hiiraan ay haatan diiradda ku saarayaan sidii la isugu furi lahaa waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburde oo ay muddo sanado ah kala gooyeen ururka Alshabaab.
Hadalka Milatariga ayaa ku soo beegmaya iyadoo deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas, Buulo-Burde, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan lagala wareegay Al-shabaab. Deegaanna laga saaray Al-Shabab waxa kamid ah Teedaan, Hees, Sagalgeed, Geedasamo, Yaasooman, iyo Aboorey.
Waxa kaloo lagu guuleystay in la Isu furo waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.
Maxay tahay in laga fikiro si aysan u burburin dhaqdhaqaaqyada macawiisleyda?
Waxaa la is weydiinayaa sida ay ku sii jiri karaankooxahan u abaabulan qaab qabiil ee la dagaalamaya Al Shabaab. Taliyihii hore ee sirdoonka qaranka Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa ku taliyay in beelaha is abaabulaya laftooda marka hore la dhameeyaa dhexdooda waxa yaalla.
"Waxaa laga yaabaa in beelo markii horeba ku dagaashanaa daaqa iyo deegaanka ay mid ka mid ah u kacdo la-dagaallanka Al-Shabaab, kaddibna ay beesha kale Shabaabku u adeegsadaan la-dagaallankeeda, iyagoo ku dhahaya maanta fursad baad heysataan ee iska dhiciya beeshaan innagana garab baan idin siineynaa,” ayuu yiri Janaraal Tuuryare.
Jeneraalka ayaa sheegay in arrimahaas ay caqabad ku noqdeen howlgalladii macawisleyda iyo xitaa kuwii dowladda. Wuxuu xusay in cashar laga bartay oo loo baahan yahay in marka hore la dhameeyo khilaafka daaqa iyo deegaanka ee u dhaxeeya beelaha wada dega gobolka.
Qodobka labaad ayuu janaraalka ka digay in kooxda Shabaab ay u badan tahay inay bar-tilmaameedsadaan hoggaanka kooxaha u istaagay la dagaalankooda.
Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo hoggaankaas oo xil gaar ah la iska saaro amnigiisa, sidoo kalena la siiyo tababarro ku filan.”
Waxa uu Tuuryare sheegay in qodobka saddexaad ee isna aadka muhiimka u ah uu yahay in marka ay ciidamada is-abaabulay ay meel ka qabsadaan Al-Shabaab si deg-deg nidaam dowladeed loogu sameeyo oo aan loo deyn beeshii is-abaabushay ee qabsatay.
“Halkaas beel ayaaba dhexdeeda isku qabsan karta maamulka, taasina waxa ay sababeysaa in dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab uu joogsado oo iyagii ay gudahooda isku mashquulaan.”
Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa isagoo ku sugan gobolka Hiiraan BBC-da u sheegay in aan dib looga soo laaban doonin deegaannada Al-Shabaab laga saaray.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan haatan lahayn awood ay si toos ah ugu babac-dhigi karto ciidamada dowladda iyo macawiisleyda isgarabsanaya. Waxa uu sababta ku sheegay in meelo badan ay ka soo dagaallameen oo hadda ay tabar dhigeen.
Dagaaladii hore ee Al-Shabaab iyo Macawiisleyda

Xigashada Sawirka, SNTV
Maleeshiyaadka "Macawisley" ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo maleeshiyaadkan isbaheystay ayaa ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Gobollada Dhexe.
Labada dhinac, waxaa dagaallada uga dhintay dad badan. Ninkii hoggaamin jiray "Macawisleyda" ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab iyo maleeshiyada ku dhexmaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, bishii Oktoobar ee sanadkii 2020.
Maleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in "shacabka deegaannadaas uu ururka Al-Shabaab ka qaado canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan".
Dagaalkan cusub ee macawiisleyda iyo Al-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo billowgii bishii Juun uu mid ka mid ah qabiillada dega gobolka Hiiraan weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan.
Dableyda ayaa markaas sheegtay inay ka jawaabaysay dil la sheegay inay kooxda u gaysatay nabaddoonkooda.
FG:- Qormadii hore waxaan si khaldan u xigannay janaraal Biixi. Taasi hadda waan cusbooneysiinay waanna saxnay. Raaligelin ayaan ka bixineynaa arrinkaasi.













